Baabuur dhigashada bartamaha Helsinki
Meesha ugu sahlan ee aad baarkin ka heleyso marka aad joogto bartamaha magaalada waa hoolasha baarkinka. Waxaa kale oo bartamaha magaalada ku yaal boosas baarkin oo calaamadaysan oo jidadka dhinacooda ku yaal.
Hoolasha baarkinku waa lacag afar iyo labaatanka saac. Inta badan baarkinnada jidadka dhinacooda ah waa lacag maalmaha shaqada ee caadiga ah saacadda u dhexeysa 9–21 iyo sabtida saacadda u dhexeysa 9–18. Baabuur dhigashada jidadka dhinacoodu waa lacag la'aan Axadda iyo maalmaha ciidaha ah, haddii aan la sheegin ogeysiis kaas ka duwan. In baarkinku lacag yahay markasta ka hubi calaamadaha jidadka.
Waxaad lacagta baarkinka ku bixin kartaa ablikeeshinka (sida EasyPark ama ParkMan), farriin qoraal ah ama mashiinka otomaatigga ah ee baarkinka. Waxaa mashiinka otomaatigga ee baarkinka uga bixin kartaa lacagta tusaale ahaan kaar ama u dhoweynta kaarka aaladda akhrida. Waxaa mashiinnada otomaatigga ah qaarkood lagu bixin laraa xittaa lacagta sanuudda ah.
Boosaska baarkinnada, qiimaha iyo habka lacag bixinta (af ingiriis)
Baarkinnada maxaddooyinka gaadiidka dadweynaha
Baarkinka iskuxirku waa habka sahlan oo looga fogaado ciriirga bartamaha magaalada. Marka aad haysato tikidka gaadiidka dadweynaha oo shaqaynaya, waxaad qiimo jaban amaba lacag la'aan baabuurka ku dhigan kartaa soonaha baarkinka iskuxirka ama, kadibna waxaa ku sii safri kartaa metro ama tareenka maxalliga ah.
Soonayaasha baarkinka iskuxirku waxay ku yaalaa qaybo kala duwan oo magaalada ah, tusaale ahaan meelaha u dhow maxaddooyinka tareenka iyo metrooga. Soonayaasha baarkinka iskuxirka qaar waxay ku yaalaan hoolasha baarkinnada.
Kaartada boosaska baarkinnada iskuxirka (af ingiriis)(Link leads to external service)
Baabuur dhigashada xaafadaha
Xaafadaha Helsinki qaarkood waxaa laga isticmaalaa astaanta baarkinka baabuurta dadka meesha deggan. Waxaa astaantaas baabuurka lagula dhigan karaa boosaska baarkinka dadka meesha deggan, kuwaas oo lagu calaamadeeyay calaamadaha jidadka ee koodhka ereyada ah (A–P).
Astaanta baarkinka baabuurta dadka meesha deggan waxay joogtaa 45–64,50 yuuro bishi.
Inta badan baarkinka jidadka dhiniciisa ah waa mid lacag ku ah xaafadaha aan laga isticmaalin astaanta baarkinka baabuurta dadka meesha deggan. Wakhtiyada baarkinka ee xaafadahaas ayaa noqon kara mid ku xaddidan saacadda baarkinka. Waxaad calaamadaha jidadka ka arkaysaa xadaymaha la xiriira baabuur dhigashada.
Astaanta baarkinka baabuurta dadka meesha deggan iyo xaafadaha (af ingiriis)
U dalab shirkaddaada astaanka baarkinka
Haddii aad shirkad ku leedahay xaafad laga isticmaalo Astaanta baarkinka baabuurta dadka meesha deggan, waxaad magaalada ka codsan kartaa astaabta baarkinka shirkadaha ee lacagta ah. Waxaad astaantaas ku dhigan kartaa baabuurka boosaska baarkinka baabuurta dadka meesha deggan.
Astaanta baarkinka shirkadaha (af ingiriis)
Waxaad lacag dhimista baarkinka ku heleysaa baabuurka korontada ah
Haddii aad wadato baabuur gebi ahaanba koronto ku shaqeeya, waxaad dhigashada baabuurka ee jidka dhinaciisa ah qiimo dhimis uga helaysaa lacagta aad moobaylka ku bixinayso ama ruqsadda baarkinka baabuurka ee dadka meesha deggan iyo shirkadaha. Haddii doonayso qiimo dhimis, la xiriir adeegga macaamiisha ee deegaanka magaalada. Adeegga macaamiishu wuxuu ku adeegaa af finnish, iswidhish iyo ingiriis.
Qiimo dhimista baabuurta dikhowga yar ee hawada (af ingriis)
Adeegga macaamiisha ee deegaanka magaalada (af ingriis)
Ganaaxa baarkinka
Waxaa baarkinnada jidadka ilaaliya kormeerka baarkinnada ee magaalada. Shirkadaha ilaalada ee gaarka loo leeyahay waxay ilaaliyaan meelaha kale sida hoolashada baarkinnada iyo ardaayada dhismayaasha gaarka loo leeyahay. Macluumaadka qiimaha baarkinka iyo bixinta lacagta ilaalada ee ganaaxa ah waxaad ka arkaysaa tabbeelayaasha soonaha baarkinka.
Haddii aad si khaldan gaarigaada u dhigto jidka lacagtana aadan bixin, waxaad heli kartaa ganaaxa baarkinka oo ah 60–80 yuuro. Lacagta ganaaxa ah ee baabuurka sida khaldan jidka loo dhigo ee ay qaadaan shirkadaha ilaalinta ee gaarka loo leeyahay intaas waa ay ka badnaan kartaa.