Raadi shaqo isla marka aad baranayso afka Finnishka

Waxaad heli kartaa shaqo, xitaa haddii aqoontaada afka Finnishka aysan weli dhammaystirnayn. Badanaa luqadda sidoo kale waxaa lagu baran karaa goobta shaqada. **Kaalay munaasabadda macluumaadka ee adeegyada shaqaalaysiinta ee Helsinki, halkaas oo aan kuugu sheegi doonno taageerada aad ka heli karto shaqo helidda iyo barashada luqadda.**
Aikuisopiskelija opiskelee suomen kieltä.
Af-Finnishka faseexa ah ama fudud oo la isticmaalo wuxuu faa’iido u leeyahay dhammaan shaqaalaha, ee ma aha oo keliya kuwa baranaya afka Finnishka. Sawir: Vesa Laitinen

Waxaad ka labalabayn kartaa inaad shaqo dalbato, haddii aad u malayso in aqoontaada af-finnishku aysan ku filnayn. Badanaa welwelkaasi waa mid aan loo baahnayn. Shaqo kasta uguma baahnid af-finnish kaamil ah, ee waxa kugu filan aqoonta luqadeed ee shaqada la xiriirta.

– Aqoon luqadeed oo kaamil ahi ma jirto. Marka aad shaqaynayso, waxa ugu muhiimsan waa inaad fahanto hawlahaaga shaqo, aad taqaan tilmaamaha badbaadada, oo aad ogtahay qofka aad caawimaad weydiisan karto, ayay tiri Miina Kakko, oo ah macallimad Finnish-ka luqad labaad ahaan u dhigta kana tirsan adeegyada shaqaalaynta ee Helsinki. 

Ku baro luqadda goobta shaqada

Shaqaalaha cusub looma baahna inuu wax kasta isla markiiba fahmo. Waxa ugu muhiimsan waa inaad goobta shaqada markaad joogto aad dadka weydiin karto su’aalo. Haddii aadan wax fahmin, arrinta mar kale ayaa laguu sharxi doonaa. Markaad af-finnishka ku isticmaasho shaqada, mar walba intii hore in ka badan ayaad sii baranaysaa. 

– Waxa ugu muhiimsan waa inaad luqadda si dhiirranaan leh u isticmaasho. Khaladaadku waa qayb ka mid ah waxbarashada. Badanaa aqoontaada luqadeed way ka fiican tahay inta aad adigu u malaynayso, ayuu yidhi Kim Lindén, oo ah macallin af-finnishka luqadda labaad ahaan u dhiga, isaga oo dhiirigalinaya. 

Waxaan adeegyada shaqaalaynta ee Helsinki ka horumarinnaa habka shaqaalaha loogu baro shaqada, si shaqaaluhu si fudud u fahmo tilmaamaha la siiyo.

– Tilmaamaha faseexa ah badanaa way gaaban yihiin, arrimaha la qabanayo si toos ah ayaa loo tusaa, waxaana la hubiyaa in shaqaaluhu ay fahmeen tilmaamaha. Markaas shaqadu si wanaagsan ayay u socotaa, khaladaadkuna way yaraadaan, ayuu Lindén sheegay.

Waxa wanaagsan inaad barato af-finnishka marka aad shaqo raadinaysaba. Marka aad shaqo hesho, waxaad aqoontaada luqadeed sii kobcin kartaa adigoo shaqada dhinaceeda ku qaadanaya koorsooyin luqadeed ama ku baranaya xaaladaha nolol-maalmeedka.

Waxaan taageero siinnaa shaqo bixiyeyaasha iyo shaqo codsadeyaasha

Mashruuca Ovet auki duuniin waxaan ku taageernaa shaqaaleysiinta dadka baranaya af-finnishka. Waxaan ka caawinnaa shaqo bixiyeyaasha diyaarinta tilmaamo faseex ah, shaqaalaysiinta dadka weli baranaya luqadda iyo taageerista bulshooyin shaqo oo luqado kala duwan ku hadla.

Waxa kale oo aan shaqo codsadeyaasha u qabanqaabinnaa munaasabo macluumaadeed, oo aad ka heli karto caawimaad ku saabsan shaqo raadinta iyo barashada af-finnishka ee shaqooyinka ganacsiga, dalxiiska, maqaayadaha iyo daryeelka guryaha.

– Munaasabadaha macluumaadka waxaad ka soo dhageysan kartaa fursadaha shaqo ee jira, waxaadna weydiin kartaa su’aalo ku saabsan xaaladdaada. Waxa kale oo aad u iman kartaa inaad kaliya dhageysato, ayay Kakko iyo Lindén ku dareen.

Mashruuca Ovet auki duuniin (af-ingiriis)

Kaalay munaasabadaha warbixinta

Waxaan xilliga dayrta qabanqaabinaynaa munaasabadaha macluumaadka ee ku saabsan shaqo raadinta, kuwaas oo loogu talagalay shaqo codsadeyaasha baranaya af-finnishka. Kaalay oo ka dhegayso fursadaha shaqo ee kala duwan.

Munaasabadaha waxaa lagu qabanayaa xarumaha adeegyada shaqaalaysiinta ee Helsinki:

  • Goobta shaqada ee Itäkeskus: 6.8. saacadda 13–14, Asiakkaankatu 3A.
  • Goobta shaqada ee Kamppi: 27.8. saacadda 14–15, Malminkatu 34.
  • Goobta shaqada ee Itäkeskus: 16.9. saacadda 13–14, Asiakkaankatu 3A.

Munaasabadaha macluumaadka waxaa lagu qabtaa af-finnish faseex ah. Looma baahna in la iska diiwaangeliyo munaasabaddaas.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan munaasabadda macluumaadka 6.8. (af-finnish)(Link leads to external service)
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan munaasabadda macluumaadka 27.8. (af-finnish)(Link leads to external service) 
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan munaasabadda macluumaadka 16.9. (af-finnish)(Link leads to external service)

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso