La-talinta waxbarashadu waxay taageertaa ilmaha inta uu ku jiro xannaanada carruurta iyo waxbarashada dugsiga

Haddii aadan hubin sida nidaamka xannaanada carruurta ama dugsiyada Helsinki u shaqeeyo, la xiriir adeegga la-talinta barbaarinta iyo waxbarashada. La-talinta waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan fursadaha kala duwan ee waxbarashada iyo hawlaha galabtii ee ardayda dugsiyada. Waxa kale oo aanu kaa caawinaynaa inaad ilmahaaga ka diiwaangeliso adeegyada.
Koulutusneuvoja opastaa kahta asiakasta tietokoneen ääressä.
Waxaad la-talinta waxbarashada ku heli kartaa fool-ka-fool, telefoon ama iimayl. Sawir: Kasvatus ja koulutus

Nidaamyada xannaanada carruurta iyo dugsiyadu way ku kala duwan yihiin waddamada. Finland, carruurtu waxay sida caadiga ah xannaanada bilaabaan iyagoo jira 1–3 sano. Waxbarasho-horaadka soconaysa hal sano waxay carruurtu bilaabaan iyagoo jira 5–6 sano, dugsiga hoosena iyagoo jira 6–7 sano. Dugsiga dhexe waxaa loo gudbaa da’da 12-13 sano. Kadibna dhallinyaradu waxay qiyaastii 16 sano markay jiraan u gudbaan waxbarashada heerka labaad, taas oo celcelis ahaan socota 3 sano, waana dugsi xirfadeed ama dugsi sare. Waajibka waxbarashadu (oppivelvollisuus) wuxuu caadi ahaan dhammaadaa marka qofku gaaro 18 sano.

Helsinki, ku dhawaad dhammaan dugsiyadu waa kuwo dawladeed, waxbarashaduna waa lacag la’aan. Carruurtu waxay badanaa tagaan xannaanada carruurta ama dugsiga guriga u dhow, laakiin qof kastaa wuxuu ilmahiisa u dooran karaa doorashada ugu habboon. Qaar ka mid ah xannaanooyinka carruurta ama dugsiyada waxay leeyihiin fasallo gaar ah ama waxbarasho luqadeed, taas oo saamayn karta doorashada.

Haddii aad taageero uga baahan tahay doorashooyinka waxbarasho ee ilmahaaga, si kalsooni leh u soo booqo adeegga la-talinta!

La-talintu waxay ka jawaabtaa su’aalo badan

Khubarrada adeegga la-talinta barbaarinta iyo waxbarashada (kasvatuksen ja koulutuksen palveluneuvonta) ee magaalada Helsinki waxay ka jawaabaan su’aalaha ku saabsan arrimahan:

  • barbaarin-horaadka ilmaha iyo xannaanada carruurta,
  • waxbarashada diyaarinta dugsiga,
  • dhigashada dugsiga ama iska diiwaangelinta dugsiga,
  • waxqabadka subaxdi iyo galabti ee dugsileyda,
  • waxqabadka jardiinooyinka ciyaarta iyo waxqabadka naadiyada,
  • waxbarashada heerka labaad (dugsiyad asare iyo machadyada xirfaddda).

U codsi cunugga booska dugsiga ee waxbarashada la xoojiyay (af-soomaali)
Codso waxqabadka galabtii ee dugsiyada (af-soomaali)
Hiwaayado lacag la'aan ah oo loo diyaariyay ardayda dugsiyada Helsinki (af-soomaali)

La xiriir adeegga la-talinta

Adeegga la-talinta barbaarinta iyo waxbarashadu wuxuu furan yahay talaadooyinka iyo khamiisaha saacadaha 10–12 iyo 13–15. Goobta la-talintu waxay ku taallaa cinwaanka Työpajankatu 8. Waxaad sidoo kale codsan kartaa kulan wakhti kale ah. Markaas nalaga soo xiriir telefoon ama iimayl.

Adeeggu wuxuu furanyahay isniin illaa jimce saacadda 10–12 iyo 13–15. La taliyeyaasha waxaad ka heli kartaa lambarka telefoonka ee ah 09 310 44986.

Waxaad adeegga la-talinta sidoo kale iimayl kula xiriiri kartaa cinwaanka koulutusneuvonta@hel.fi.

La talintu waa lacag la'aan. Waxaad adeegga ku heli kartaa af-finnish, af-iswiidhish ama af-ingiriis. Haddii aad rabto adeeg luqad kale ah, waxaad la-talinta ka codsan kartaa turjubaan kaa caawiya wada hadalka.

Adeegga talobixinta ee barbaarinta iyo waxbarashada (af-ingiriis)

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso