Dayactirka jidka Mannerheimintie qiyaastii waa diyaar – markaas kaddibna waxaa la dayactirayaa jidka Mäkelänkatu

Waxaa Helsinki ka socda shaqooyinka jidadka oo dhowr ah oo ku yaal waddooyinka waaweyn ee magaalada. Waxaa hawsha dayactirka lagu beddelayaa tubbooyinka biyaha ee gaaray cimriga lagu dayactirayo ammaanka jidadkana waa la wanaajinayaa. Dayactirka jidka Mannerheimintie ee xaafadda Töölö wuxuu diyaar noqonayaa deyrta 2025. Dhammaadka sannadka ayeey magaaladu billaabaysaa dayactirka jidka Mäkelänkatu ee xaafadda Vallila.
Raitiovaunu Mannerheimintiellä.
Dayactirka jidka Mannerheimintie wuxuu marayaa gebagebo. Muuqaalka xaafadda Töölö ee jidka Mannerheimintie ee dhanka woqooyiga aada. Sawir: Mannerheimintien peruskorjaus.

Dayactirka jidka Mannerheimintie waa diyaar mardhow

Jidka dhexmara bartamaha Helsinki ee Mannerheimintie waa jidweynaha magaalada, kaas oo dayactirkiisu billowday sannadki 2023. Dayactirka lagu sameeyay labo weji wuxuu diyaar noqonayaa wakhti hore. Dhammaystir oo kaliya ayaa ka dhiman. 

Gaadiidka taraamka ee marayay marinnada ka duwan kuwiisi waxay Sebtembar ku soo laabteen soonaha dayactirku ka socdo ee jidka Mannerheimintie (inta u dhexeysa Reijolankatu iyo Runeberginkatu). Waxaa jidka Mannerheimintie ku soo laabtay taraamyada kala ah 2, 4 iyo 10. Jidadka iyo jawallada cusub ee taraamyada waxaad ka heleysaa Hagaha jidadka dijitaalka ah ee Gaadiidka Deegaameedka Helsinki (HSL). 

Jidadka iyo jadwallada ee ku jira bogagga HSL (af ingiriis)(Link leads to external service)  

Waxaa dayactirka lagu beddelay dhuun-biyood jirtay ku dhowaad 150 sano

Waxaa dayactirka jidka Mannerheimintie lagu cusboonaysiiyay tubooyinka, fiilooyinka korontada iyo dhuumaha duqda ah ee jidka hoostiisa mara. Dhuun-biyoodka ugu qadiimsan ee shaqaynaysay waxay ka timid sannadki 1877. Waxaa la rajaynayaa in dhuun-biyoodyada cusub shaqeeyaan ugu yaraan boqolka sano ee soo socota.  

Waxaa sidoo kale dayactirka lagu cusboonaysiiyay dhabba-bireedyada taraamyada waxaana lagu dhisay jidadka baaskiilka oo hal jiho ah. Marka uu dayactirku dhammaado, wuxuu jidka Mannerheimintie leeyahay waddooyin baaskiil oo ka soo baxaya bartamaha magaalada soona gaaraya illaa iyo xaafadda Ruskeasuo.  

Ka aqri faahfaahinta dayactirka jidka Mannerheimintie (af ingiriis) 

Dayactirka jidka Mäkelänkatu wuxuu billaabanayaa dhamaadka sannadka

Dayactirka jidka ee soo socda ee weyn faras-magaalada Helsinki wuxuu ka billaabanayaa jidka Mäkelänkatu, xaafadda Vallila. Mäkelänkatu waa mid kamid ah jidadka waaweyn ee Helsinki. Waxaa dayactirka jidka lagu hagaajinayaa inta u dhexeysa Hämeentie iyo Kumpulantie, yacni waxaa la cusboonaysiinayaa tubbooyinka iyo dhuumaha mara jidka hoostiisa dusha waddadana waa la dayactirayaa.

Waxaa sidoo kale jidka Mäkelänkatu lagu dhisayaa jidad baaskiil oo hal jiho ah. Waxaa lagu qiyaasay in dayactirku qaadanayo qiyaasti labo sano.

Shaqada dhismuhu waxay sababaysaa buuq waxayna cuslaynaysaa dhaqdhaqaaqa soonaha. Gaari waad ku wadan kartaa jidka Mäkelänkatu inta dayactirku socdo oo dhan, laakiin ciriiri gaadiid ayeey shaqadu keeneysaa. Waxaa wanaagsan in aad jidadka kale isticmaasho inta dayactirku socdo. Guryaha oo dhan waad geli kartaa inta dayactirku socdo oo dhan. 

Ka aqri faahfaahinta dayactirka jidka Mäkelänkatu (af ingiriis)

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso