Waxaa laga yaabaa in bilowga xagaaga aad xaalad cusub gasho. Waxaa macquul ah in waxbarashadaadii ay dhamaatay laakiin aanad wali goob shaqo haysanin ama qorshe sii soconaya aanad lahayn. Waa wax caadi ah in qofku uu kalsooni darro ka dareemo mustaqbalka. Magaalada Helsinki waxaay kuu diyaarisay la talin lacag la'aan ah, haddii aad ka fikirayso inaad ganacsi yeelato.
Ganacsade markaad noqoto waxaad baranaysaa awoodahaaga, waxaad horumarinaysaa aqoontaada waxaanad helaysaa khibrad qaali ah oo nolosha shaqada ku saabsan. Haddii xattaa aanad qorshaynaynin waxqabad shirkad ah oo muddo dheer soconaysa, ganacsade ahaan waxaad baranaysaa qaadista mas'uuliyadda, aqoonta dhaqaalaha iyo xirfadda hoggaanka.
Qorshee waxqabadkaaga shirkadeed
Adeegyada dhallinyarta ee ganacsiga waxaa lagaa taageeri karaa tusaale ahaan su'aalaha hoos ku qoran:
- Sideen u sameysan karaa qorshe aan ku hirgaliyo fikradayda ganacsi?
- Fursado ama doorashooyin noocee ah ayaay ganacsatadu leedahay?
- Sideen hadal ahaan ugu sheegi karaa aqoontayda?
- Sideen iskugu wadi karaa ganacsi iyo waxbarasho?
Adeegga la talinta waxaad ka helaysaa taageero aad ku baranayso sida loogu kalsoonaado aqoonta aad leedahay iyo ku dhac inaad u yeelato qaadashada go'aanada la xidhiidha marxaladaha kala duwan ee ganacsiga.
Adeegyada ganacsiga ee dhallinyarta (af ingiriis)
Ka qaybqaado la talinta ganacsiga ee dhallinyarta
Waxaad dooran kartaa qaabka la talinta ee adiga kugu habboon:
- Qabso 20 daqiiqo oo taleefanka aad kula hadasho tababaraha ganacsashada.
- Ka qaybqaado tababarka loogu talogalay ganacsadaha bilowga ah oo aad ku baranayso aasaaska ganacsiga aanad ku horumarinayso fikraddaada ganacsi.
- Kaalay Ohjaamo Kamppi, halkaas oo la talin ganacsi ka heli karto jimce kasta saacadda 12–16 adiga oo aanan ballan qabsanin.
Waxaan ku adeegnaa af finnish, iswidhish iyo ingiriis. Si kalsooni leh ayaad nooga daneysan kartaa. La talintayadu waa mid mar walba baahidaada iyo rajadaada ku habboon.
Ballan ka qabso la talinta taleefanka ah (foomku wuxuu ku qoranyahay af finnish)(Link leads to external service)
Ka qaybqaado tababarka (foomku wuxuu ku qoranyahay af finnish, af iswidhish ama af ingiriis)(Link leads to external service)
Ohjaamo Helsinki waxay dhallinyarada ka caawisaa qaangaarista (af-Soomaali)
Codso barnaamijka ganacsadenimada xagaaga ee dhallinyarta
Magaalada Helsinki waxaay leedahay barnaamij u gaar ah oo ganacsadenimada xagaaga ah oo loogu talo galay in da'yarta da'doodu u dhaxeyso 15–29 sano inay ku tijaabiyaan ganacsi inay yeeshaan xagaaga. Barnaamijka waxaad ku baranaysaa ganacsadenimadu dhabta ah waxaay tahay.
Barnaamijka waxaad ka helaysaa:
- Waxbarasho ku saabsan ganacsiga,
- Hagitaan shaqsi ah oo muddada xagaaga soconaya,
- Khibrad wadaag dhallinyarta kale laga heli karo,
- Waraaq qiimaheedu 300 yuuro yahay oo aad ku bilaaban karto waxqabadka ganacsiga.
Tababarka bilowga ah ee barnaamijku wuxuu bilaabmayaa bisha Maajo, laakiin boosas ayaa wali kasoo bannaanaan kara barnaamijka. Ku soo waydii boosaska bannaan cinwaanka iimaylka ee cinwaanka nuortenyrittajyys@hel.fi(Link opens default mail program).