Baro hiwaayadaha la heli karo xilliga dayrta

Ma u baahan tahay wax cusub oo aad samayso wakhtiga firaaqada ama ilmahaaga ma u raadinaysaa hiwaayad? Magaalada Helsinki waxay dadka da’ kasta leh u fidisaa hiwaayado badan oo lacag la’aan ah ama qiimo jaban ah. Sidoo kale akhriso wax ku saabsan hawlaha iskaa wax u qabso ee magaalada!
Aikuiset pelaavat sählyä Helsingin liikuntapaikassa.
Hiwaayaduhu waxay nolol maalmeedka ku soo kordhiyaan saaxiibo, dhaqdhaqaaq iyo farxad. Sawir: Mitro Boahene

Hiwaayadaha xarumaha dhallinyarada

In ka badan 60 xarumood oo dhallinyaro iyo goobo kale oo dhallinyaro oo ku yaalla Helsinki ayaa 9–29 jirka u fidiya hiwaayado. Inta badan hiwaayaduhu waa lacag la’aan. Waxaad wax ka baran kartaa hawlaha xarunta dhallinyarada ee kuu dhow ama waxaad ka raadin kartaa hiwaayad kugu habboon, isboorti ama waxqabad aad xiisaynayso. 

Intaa waxaa dheer, bogga internetka ee harrastukset.hel.fi waxaa ku qoran hiwaayado badan oo laga heli karo Helsinki. Raadinta faahfaahsan waxaad ku xaddidi kartaa tusaale ahaan da’da ama hiwaayadaha lacag la’aanta ah. Qaar ka mid ah sharraxaadaha hiwaayadaha waxay ku qoran yihiin af-finnish oo keliya. 

Qofka dhallinyarada ahi waa inuu qaataa kaarka xubinnimada Jässäri ee adeegyada dhallinyarada ka hor inta uusan ka qaybqaadan hiwaayadaha xarumaha dhallinyarada. Xubinnimadu waa lacag la'aan Hiwaayadaha qaar waa in horay la iskaga diiwaangeliyo. Haddii sharraxaadda hiwaayaddu aysan lahayn tilmaamo ku saabsan isdiiwaangelinta, waxaad si toos ah u tagi kartaa goobta.

Waxaa kaarka xubinnimada xarumaha dhallinyarada lagu helayaa waxqabadka wakhtiga firaaqada oo lacag la'aan iyo ammaan ah (af-soomaali) 
Helsinkida dhallinyarta (Nuorten Helsinki): Hiwaayadaha (af-ingiriis)(Link leads to external service) 
Hiwaayadaha (harrastukset.hel.fi) (af-ingiriis)(Link leads to external service)

Hiwaayadaha dugsileyda

Nooca hiwaayadda ee Finland (Harrastamisen Suomen malli) ayaa hiwaayado lacag la'aan ah u fidiya ardayda ku jirta fasallada 3.–9., yacni carruurta iyo da'yarta u dhaxeysa 9–15 sano. Waxaa hiwaayadaha lagu bixiyaa dhammaan dugsiyada hoose-dhexe ee Helsinki. Waxaa hiwaayadaha lagu qabanqaabiyaa maalin-dugsiyeedka kaddib qolalka dugsiyada ama deegaan u dhow. 

Xilli hiwaayadeedka cusub wuxuu bilaabanayaa 31.8. Magaalada ayaa 21.8. soo bandhigi doonta hiwaayadaha 2026–2027. Isdiwaangalinta hiwaayaduhu waxay bilaabmaysaa 24.8. saacadda 12. Iska diwaangeli hiwaayadaha adiga oo toos ula xidhiidhaya qabanqaabiyaha hiwaayadda. 

Indha-indhee noocyada hiwaayadda ee ballaaran ee ku jira bogagga hore ee dugsiga cunuggaaga ama bogga Hiwaayadaha.

Nooca hiwaayadda ee Finland: Hiwaayadaha (af-ingiriis)(Link leads to external service)
Hiwaayado lacag la'aan ah oo loo diyaariyay ardayda dugsiyada Helsinki (af-soomaali)

NYT-liikunta oo loogu talagalay 12-22 sano jirka

Jimicsiga Vimma (Vimma-liikunta) waa jimicsi la hagayo oo loogu talo galay 12-16 jirrada Helsinki meeleheeda kala duwan ku nool. Jimicsiga Puhti (Puhti-liikunta) waa hawl la mid ah oo loogu talagalay 16–22 jirka. 

Waxa jira in ka badan 20 nooc oo ciyaaro iyo jimicsiyo ah, goobaha jimicsiguna waxay ku yaallaan meelo kala duwan oo Helsinki ah. Waxaan sidoo kale haynaa xiisado gabdhaha oo kaliya u gaar ah. Ka eeg xiisadaha xilliga dayrta bogga internetka laga bilaabo Isniinta 17.8.

Uma baahnid in aad xiisadaha horay isaga sii diiwaangeliso. Waxaad xiisadda ka amaahan kartaa qalabka loogu baahan yahay nooca ciyaarta ama jimicsiga. Uma baahno ciyaarta in aad ku xidhnaatid ama ballan qaaddid inaad ku sii xidhnaanayso. Haddii aad rabto waxaa kuu bannaan inaad marba mid tijaabiso haddii aad rabto toddobaad kastaba! 

Qaar ka mid ah xiisadaha waxaad u baahan tahay kaarka macaamiisha Helsinki liikkuu, kaas oo kuu sahlaya inaad ka gasho albaabbada goobaha jimicsiga. Kaarka qiimihiisu waa afar yuuro.

Jimicsiga Vimma (af-ingiriis)(Link leads to external service)
Jimicsiga Puhti (af-ingiriis)(Link leads to external service) 
Kaarka macaamiilnimada ee Helsinki liikkuu (af-ingiriis)(Link leads to external service)

Dugsiyada dabaasha iyo koorsooyinka jimicsiga ee da’ kasta

Magaalada Helsinki waxay meelo kala duwan oo Helsinki ah ku qabanqaabisaa koorsooyin jimicsi oo badan, kuwaas oo loogu talagalay dadka da’ kasta ah. Koorsooyinka waxaa ka mid ah dugsiyada dabaasha, jimicsiga qoysaska, koorsooyinka jiimka, ciyaaraha kooxaha iyo jimicsi-kooxeedka. 

Ka indho-indhee koorsooyinka, iska diiwaangeli, kuna bixi lacagta koorsada adeegga Liikuntakauppa. Isdiiwaangelinta koorsooyinka dayrta waxay bilaabanaysaa Isniinta 10.8.

Isdiiwaangelintu waxay u furmaysaa qaybo kala duwan waqtiyo kala duwan. Ka hubi bogga tilmaamaha isdiiwaangelinta wakhtiga loo qoondeeyay isdiiwaangelinta koorsadaada. Si degdeg ah ayey koorsooyinka qaarkood u buuxsamaan. Waxaad sidoo kale isdiiwaangelin kartaa wakhtiga isdiiwaangelinta adigoo wacaya lambarka 09 310 28858. Isdiiwaangelintu waxay ku hirgalaysaa af finnish, iswiidhish iyo ingiriis.

Tukaanka jimicsiga (Liikuntakauppa) (af-ingiriis)(Link leads to external service)
Tilmaamaha isdiiwaangelinta koorsooyinka (af-ingiriis)(Link leads to external service)

Ka soo qaybgal hawlaha iskaa wax u qabso ah

Magaaladu waxay bixisaa shaqooyin badan islamarkaasna kala duwan oo iskaa wax u qabso ah, kuwaas oo aad ku caawin karto dadka magaalada deggan ee kala da'da ah ama aad ku daryeeli karto deegaankeena naga dhexeeya. Waxaad tusaale ahaan wakhti la qaadan kartaa dadka waayeelka ah ama waxaad caawimaad ka geysan kartaa kafatreeriga qoysaska ee dhaqamada badan. Hawlo badan oo la qabto ayaan u baahnayn in la yaqaan af finnish ama iswiidhish. 

Kaalay munaasabadda macluumaadka ee hawlaha iskaa wax u qabso Arbacada 23.9. saacadda 17–18.45. Munaasabadda macluumaadka waxaa lagu qabanayaa af-ingiriis iyo af-finnish faseex ah. Khadka internetka ayaa madasha lagu qabanqaabinayaa aaladda Teams-ka.

Iska diiwaangeli munaasabadda macluumaadka (af-finnish/af-ingiriis)(Link leads to external service)
Waxqabadka iskaa wax u qabso ee magaalada (af-ingiriis)(Link leads to external service)

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso