Inkasta oo Helsinki ay inta badan tahay magaalo af-Finnish lagaga hadlo, haddana waxaa sidoo kale laga heli karaa adeegyo, waxbarasho, hiwaayado iyo fursado shaqo oo af-Iswiidhish ah. Alejandro Arce Justiniano oo Bolivia uga soo guuray Finland, ayaa ka warramaya sida af-Iswiidhishku uga caawiyay inuu booskiisa ka helo dalkiisa cusub.
Luqaddu waxay kaa caawinaysaa inaad la qabsato dalka cusub
Dadka dibadda uga soo guura Helsinki waxay heli karaan adeegyada la qabsashada iyo dhexgalka bulshada, kuwaas oo ka caawiya inay nolosha ka bilaabaan dalkooda cusub. Adeegyadan waxaad ka heli kartaa barashada luqadda iyo macluumaad ku saabsan nolosha iyo shaqada Finland. Marka aad barato luqadda dalka, way kuu fududaanaysaa inaad saaxiibo hesho, dadka kale la xiriirto oo aad arrimahaaga maalinlaha ah si fudud u qabsato.
Marka aad bilowdo adeegyada la qabsashada iyo dhexgalka bulshada, waxaad dooranaysaa in luqadda aad ku qaadanayso adeegyada la qabsiga dalku uu noqdo af-Finnish ama af-Iswiidhish. Doorashadaadu waxay saamaynaysaa, tusaale ahaan, luqadda aad waxbarashada ku helayso iyo luqadda adeegyada lagugu siinayo. Sidaas darteed waxaa wanaagsan inaad bilowgaba si deggan uga fikirto luqadda aad dooranayso.
Alejandro, oo Bolivia uga soo guuray Finland, wuxuu doortay inuu af-Iswiidhish ku la qabsado Finland oo uu bulshada kaga dhexgalo.
– Waxaan bilaabay inaan Finland ku dareemo inaan gurigayga joogo markii aan bartay af-Iswiidhish oo aan nolol maalmeedkayga ku isticmaali karay. Luqaddu waxay iga caawisay inaan dad cusub barto oo aan xiriirro cusub sameysto, ayuu sheegay.
Adeegyada la qabsashada iyo dhexgalka bulshada (af-soomaali)
Aqoonta luqaddu waxay fududaynaysaa helitaanka shaqada
Aqoonta af-Iswiidhishku waxay sidoo kale faa’iido u leedahay nolosha shaqada. Alejandro wuxuu hadda ka shaqeeyaa Helsingin Kahvipaahtimo.
– Markii aan shaqo raadinayay, aqoonta af-Iswiidhishku faa’iido ayay ii lahayd. Shaqadayda waxaan ku isticmaalaa af-Ingiriis, af-Iswiidhish iyo af-Isbaanish, ayuu yiri.
Alejandro wuxuu xusayaa in sidoo kale aqoonta af-Finnishku faa’iido ku leedahay Helsinki iyo guud ahaan caasimadda iyo nawaaxigeeda. Sidaas darteed, xalka ugu wanaagsan waa in si tartiib tartiib ah loo barto labada luqadoodba.
Raadi koorsooyinka af-Finnish iyo af-Iswiidhish ah (af-ingiriis)(Link leads to external service)
Af-iswidhishka wakhtigaaga firaaqadana tababar ku samee
Barashada luqaddu kuma koobna oo keliya fasalka. Helsinki gudaheeda, af-Iswiidhishka waxaa sidoo kale lagu isticmaali karaa hiwaayadaha iyo hawlaha wakhtiga firaaqada.
Wakhtigiisa firaaqada, Alejandro wuxuu Arbiska, oo ah xarunta waxbarashada dadka waaweyn ee af-iswiidhishka ee Helsinki, ka dhigaa koorso ku saabsan dayactirka daaqadaha qadiimiga ah.
– Koorsada waxaan ku hadalnaa af-iswiidhish. Isla markaasna qofku wuxuu bartaa dad cusub, wuxuuna dareemayaa inuu qayb ka yahay bulshada, ayuu sheegay.
Indha-indhee koorsooyinka Arbis (af-ingiriis)(Link leads to external service)
Iska diiwaangeli koorsooyinka Työväenopisto bisha agoosto (af-soomaali)