Deyrtu waxaay soo celinaysaa caadooyinki hore loo lahaa - wakhtiga ilkaha la cadyanayo waa mid qoyska isku keena

Af iyo ilko caafimaad qaba waxaay qayb ka yihiin caafimaadka qofka. Daryeelka ilkaha lagu bilaabo marka uu ilmuhu yaryahay waxaay ka hor tagaan in ilkuhu dalooshamaan waxaayna ilmaha baraan caadooyinka fiican ee ilkaha lagu daryeelo. Magaalada Helsinki waxaay carruurta iyo dhalinyarada siinaysaa daryeel ilkaha ah oo lacag la'aan ah laga soo bilaabo wakhtiga uu ilmuhu dhallaanka yahay illaa marka uu qaangaaro.
Ilmaha iyo waalidka ayaa si wadajir ah ilkaha u cadayanaya.
In si wadajir ah ilkaha loo cadaydo ayaa fududeyneysa barashada caadooyinka kana dhigaysa daryeelka ilkaha wakhtiga lagu qaato mid la jeclaysto. Sawir: Maija Astikainen

Xagaaga kadib qoysas badan ayuu nolol-maalmeedku sidii hore ugu soo noqday: dugsiga ayaa bilaabmay noloshii maalinlaha ee xanaanada ayaa bilaabatay waxaana fiidkii haddana lays xasuusinayaa waxyaabaha ay tahay in laga gaadho in la sameeyo intaanan la seexanin. Waalidka qaar badan oo kamid ah ayaa dareemaya in isla wakhtiga ay tahay in ilkaha la cadayo ay suurta galinayso xaalad deggan oo maalinta lagu dhameysto.

Daryeelka ilkaha oo qayb ka ah nolosha maalinlaha ah ee qoyska carruurta leh

Caafimaadka ilkaha ee wanaagsan wuxuu qayb ka yahay nolol-wanaaga ilmaha iyo da'yarka ee baaxadda leh. Caadooyinka yaraanta lagu barto, sida cadayga joogtada ah iyo caadiiyinka cunto-cunista ee caafimaadka leh waxaay ka caawiyaan qofka ka hor taga in ilkuhu ay dalooshamaan waxaayna taageeraa horumarka ilkaha. Daryeelka afka ee wanaagsan wuxuu sidoo kale taageeraa caafimaadka guud: tusaale ahaan in cirridka oo infekshan leh la daryeeli waayo wuxuu jidhka oo dhan ku sii kordhiyaa halista infekshanka.

Nolol-maalmeedka qoysku badanaa waa mid mashquulku ku badanyahay laakiin waalid badan ayaa cadayga ilkaha ee fiidkii iyo subaxdii ka dhex hela wakhti deggan oo ay wada qaataan. Xirfadleyaasha caafimaadka afku waxaay sheegeen in isla caadooyinkaas yaryar ay yihiin qaabka ugu fiican ee ilkaha ilmaha loo daryeeli karo isla markaasna loo sii xoojiyo dareenka ammaanka ah ee ilmaha.

"In qofka wayn uu ka qaybqaato cadaysashada ilkuhu waa muhiim gaar ahaan marka uu ilmuhu ka yaryahay 10 sano, sababta oo ah ilmuhu wali ma awoodo ama ma yaqaano sida uu isagu si taxaddar leh ugu cadayan lahaa. Waxqabadka daryeelka ah ee si wadajir ah loo qabtaa sidoo kale waxaay noqotaa wax uu ilmuhu si fiican u xasuusto. Sidoo kale ilmaha 10 sano da'diisu ka wayntahay ayaa u baahantara hafitaanka ama caawimaadda qofka wayn". Sidaas ayaay sheegtay shaqada daryeelka kalkaalisada qabata caafimaadka ilkaha ku tukhasustay, Heidi Ovaska daryeelka caafimaadka ilkaha ee magaalada Helsinki

Ilmaha yaryar marka ilkaha lala cadaynayo mar walba ma aha wax fudud - waa arrin caadi ah arrintaasi. Dulqaadka, dhiirigalinta iyo joogtaynta ayaa sida ugu wanaagsan u caawisa. Xaalad kasta oo yar oo ilkaha lagu daryeelayo, waxaay ilmaha u dhisaysaa caadooyinka caafimaadkiisa taageeraya.

Talooyinka khuseeya daryeelka afka ilmaha

  • Waxaad doorataa caday jilicsay iyo dawo caday oo fluori leh. Waxaad saarataa cadeygaaga in le'eg atar yar.
  • Ilkaha waxaad cadeydaa labo mar maalintii, marna habeenkiii marna fiidkii muddo labo daqiiqo ah.
    Carruurta da'doodu da'da dugsileyda ka yartahay waxaay u baahanyihiin in qof wayn ka caawiyo cadayashada.
  • Markaad wax cunto kaddib waxaad qaadataa nacnaca yar ee ksylitolku ku jiro ee ilkaha lagu daryeelo ama xanjo calali. Ksylitoligu wuxuu kaa caawinayaa in afkaagu uu ka soo noqdo weerarka asidhka leh.
  • Iska ilaali inaad cuntada maanta dhan ku noqnoqoto. Mar walba oo wax aanan ka ahayn biyo la cuno ama la cabo waxaa afka ka bilaanma weerarka asidhka. Ilkaha way u fiicantahay inay mararka qaar iska nastaan.
  • Iska ilaali sonkorta iyo asidhada. Ilkaha waxaa si gaar ah u dhiba macmaacaanka, koonflaikska noocyada kala duwan ee sinkorta leh, cabitaanada, cabitaanada khudaarta leh.
  • Markaad cunto cunto kaddib biyo ka daba cab. Inaad biyo ka daba cabto cuntada waxaay kaa saamaxaysa ainay dajiso xaaladda afka.
  • Si joogto ah u tag baadhitaanada ilkaha. Baadhitaanka waxaa lagu arki karaa tusaale ahaan daloolka ama infekshanka cirridka intaanan calaamadohooda la dareemin.

Ballanta baadhitaanka ilkaha si fudud ayaa loo qabsadaa

Baadhitaanada ilkaha ee carruurta waxaa Finland laga heli karaa daryeelka caafimad ee caadiga ah. Ilmaha si toos ah ayaa da'aha kala duwan markuu marayo baadhitaanka loogu yeedhaa. Baadhitaanka waxaa lagula socdaa hore u socodka ilkaha iyo caadooyinka cadayga waxaana lagu bixiyaa talooyin haddii loo baahdo.

Kalkaalisooyinka ilkaha iyo nadiifiyeeyaasha ilkuhu waxaay sameeyaan baadhitaanka ilmkaha ee 1, 3 iyo 5 sano jirrada loogu talo galay. Baadhitaanka 1 sano jirka waxaa sida caadiga ah la qabtaa iyadoonan ilmaha lala kulmin, waxaana wakhtiga laga qabsan karaa Maisa.

Dugsileyda oo dhan ayaa waraaq ahaan ama talobixin Maisa ka hela oo loogu sheegayo inay ballan ka qabsadaan baadhitaanka ilkaha afar mar oo inta ay dugsiga hoose-dhexe ku jiraan ah. 7-11 jirradu waxaay baadhitaanka ugu tagaan nadiifiyeyaasha ilkaha, nadiifiyaha ilkaha ayaana daryeel sii soconaya oo dhakhtarka ilkaha ah u qabanaya ilmaha. Baadhitaanada 9-14 jirrada waxaa sameynaya dhakhtar ilko.

Haddii aanan laguu yeedhin oo aad rabto inaad ballan qabsato waxaad ka qabsataa daryeelka ilkaha ee nawaaxigaad adigu ku nooshahay.

Adeegga macaamiisha ee daryeelka ilkaha
Wuxuu furanyahay isniin-khamiis 7.00–18.00, jimce saacadda 7.00–15.00
Soo wac +358 9 310 51400
Ka danayso internetka: maisa.fi(Link leads to external service)

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso