Ballanso wakhtiga tallaalka hargabka influenssaha iyo koronaha hadda

Magaalada Helsinki waxay tallaallo lacag la’aan ah siisaa dadka reer Helsinki ee khatar dheeraad ah ugu jira inay qaadaan nooc daran oo cudurka ah. Tallaalka waxaad si fudud u qaadan kartaa toddobaadyada tallaalka, kuwaas oo xarumaha la-talinta hooyada iyo dhallaanka lagu qabanayo 16.–27.11., xarumaha caafimaadkana ilaa 20.11.
Sairaanhoitaja antaa pienen lapsen äidille rokotusta neuvolassa.
Tallaalladu waxay ku salaysan yihiin talooyinka Xarunta Caafimaadka iyo Nolol-wanaagga Bulshada (THL). Sawir: Silja Minkkinen

Tallaallada hargabka influenssaha iyo koronuhu waxay kaa difaacayaan noocyada daran ee cudurradan. Haddii aad guud ahaan caafimaad qabto, waxaad tallaal lacag ah ka heli kartaa adeegyada caafimaadka gaarka loo leeyahay ama daryeelka caafimaadka shaqaalaha. Ka hor intaadan ballansan wakhtiga tallaalka, hubi inaad xaq u leedahay tallaalka hargabka influenssaha ama koronaha ee lacag la’aanta ah.

Ma ka mid ahay dadka tallaalka loogu talagalay?

Dadka loogu talagalay tallaalka hargabka influenssaha waa:

  • Carruurta yaryar (6 sano iyo da'aha ka yar, laakiin ka wayn 6 bilood),
  • waayeelka (65 sano iyo da'aha ka wayn),
  • dumarka uurka leh,
  • dhallinyarada bilaabaya adeegga ciidanka, (da’doodu tahay 18–29 sano),
  • dadka ka tirsan kooxaha halista ku jira cudur ama daaweyn darteed,
  • ehelka u dhow dadka sida aadka ah ugu nugul hargabka influenssaha halista ah
  • shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee si toos ah uga qayb qaata daryeelka bukaannada,
  • dadka deggan ama waqti badan ku qaata xarumo sida isbitaallada,
  • dadka khatarta ugu jira inay qaadaan hargabka influenssaha ee shimbiraha.

Dadka loogu talagalay tallaalka koronahu waa:

  • Dadka waayeelka ah ee ku nool guryaha daryeelka, hela daryeel guri oo joogto ah ama ku jira daryeelka ehelka,
  • waayeelka (75 sano iyo ka weyn),
  • dadka difaaca jirkoodu aad u liito,
  • dadka waawayn (buuxiyay 18 sano iyo ka badan) oo leh xanuuno dhowr ah oo siyaadinaya halista cudurka koronaha.

Tallaalada hargabka influenssaha Helsinki (af-ingiriis) 
Tallaalada koronaha Helsinki (af-ingiriis)

Toddobaadyada tallaalka ee xarumaha la-talinta hooyada iyo dhallaanka 16.–27.11. 

Haddii aad leedahay ilmo ka weyn 6 bilood laakiin ka yar 7 sano, ama aad uur leedahay, adiga iyo ilmahaaguba waxaad tallaalka hargabka influenssaha oo lacag la’aan ah ka heli kartaan xarunta la-talinta hooyada iyo dhallaanka. Waxaad tallaalka hargabka influenssaha qaadan kartaan marka aad timaaddaan baaritaanka caafimaad ee xiga ama waxaad ballanta tallaalka hargabka influenssaha ka qabsan kartaan xarun kasta oo la-talinta hooyada iyo dhallaanka ah inta lagu jiro toddobaadyada tallaalka. 

Ballan ka qabso toddobaadyada tallaalka ee xarumaha la-talinta hooyada iyo dhallaanka adigoo adeegsanaya adeegga internetka ee Maisa kaas oo lagu isticmaali karo af-finnish, af-iswiidhish ama af-ingiriis. In Maisa la galo wuxuu u baahan yahay aqoonsiyada bangiga internetka ee Finnishka ama xaqiijin adag oo elektaroonig ah.

Haddii aadan isticmaali karin Maisa, qabso ballanta adigoo wacaya lambarka 09 310 55530. Adeeggu wuxuu furanyahay isniin illaa jimce saacadda 8-14. Waxaad codsan kartaa in turjumaan laguu qabto markaad daneysanayso.

Ballan qabsiga iyo la talinta xarunta hooyooyinka iyo dhallaanka (af-ingiriis) 
Adeegga internetka ee Maisa (af-ingiriis)(Link leads to external service)

Toddobaadyada tallaalka ee xarumaha caafimaadka ilaa 20.11.

Haddii aad tahay qof weyn oo aad ka mid tahay dadka loogu talagalay tallaalka hargabka influenssaha ama tallaalka koronaha, waxaad wakhti tallaal lacag la’aan ah ka qabsan kartaa xarun kasta oo caafimaad oo Helsinki ku taalla. 

Ballan ka qabso toddobaadyada tallaalka adigoo adeegsanaya adeegga internetka ee Maisa kaas oo lagu isticmaali karo af-finnish, af-iswiidhish ama af-ingiriis. In Maisa la galo wuxuu u baahan yahay aqoonsiyada bangiga internetka ee Finnishka ama xaqiijinta taleefanka gacanta.

Haddii aadan isticmaali karin Maisa, qabso ballanta adigoo wacaya lambarka 09 310 46300. Adeeggu wuxuu furanyahay isniin illaa jimce saacadda 8–16. Waxaad codsan kartaa in turjumaan laguu qabto markaad daneysanayso.

Xarumaha caafimaadka ee Helsinki (af-ingiriis) 
deegga internetka ee Maisa (af-ingiriis)(Link leads to external service)

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso

Henkilö käyttää Kalasataman itsemittauspistettä.

Kula soco xaaladdaada caafimaad goobta is-cabbirka

Saacaada:
Onnellinen perhe halaa toisiaan.

Wakhti hore caawimaad codso dhibaatada waalidnimada

Saacaada: