Munaasabadaha Welcome Day waxay dadka cusub ee Helsinki deggan ku baranaayaan xaafaddooda

Waxaan rabnaa inaan Helsinki ku soo dhaweyno dadka cusub ee Finland u soo guuray. Munaasabadaha Welcome Day, dadka cusub ee magaalada soo degay waxay fursad u helayaan inay ka qaybqaataan barnaamijyo kala duwan, waxayna baran karaan waxqabadka wakhtiga firaaqada ee xaafaddooda.
Laba qof oo miiska gadaashiisa ka dhoola-caddaynaya iyagoo la sheekaysanaya saddex cunug oo taagan miiska dhiniciisa kale.
Munaasabadaha soo dhoweynta, adeegyada magaalada iyo ururradu waxay soo bandhigaan hawlahooda, waxayna ka jawaabayaan su'aalaha dadka deegaanka deggan. Sawir: Katja Tähjä

Ma dhawaan ayaad u soo guurtay Helsinki? Ma rabtaa inaad wax badan ka ogaato xaafadda aad ku nooshahay, adeegyada ka jira, hiwaayadaha iyo fursadaha waqtiga firaaqada? Ma rabtaa inaad la kulanto dad cusub ama aad waqti fiican la qaadato qoyskaaga? Ka qaybgal munaasabadaha soo dhoweynta ah ee lacag la'aanta ah!

Munaasabadaha Welcome Day waxaa lagu qabanayaa afar degaan oo ku yaalla Helsinki:

  • Welcome Day Vuotalo Jimco 12.6. saacadda 15-18 Vuosaari, Mosaiikkitori 2
  • Welcome Day Stoa Khamiis 20.8. saacadda 16-18 Itäkeskus, Turunlinnantie 1
  • Welcome Day Malmitalo Khamiis 10.9. saacadda 17-20 Malmi, Ala-Malmin tori 1
  • Welcome Day Kanneltalo Arbaco 16.9. saacadda 16.30-19 Kannelmäki, Klaneettitie 5

Waxaan kugula talinaynaa inaad ka qaybqaadato munaasabadda kuugu dhow ama mid ku taal meel adiga kuu sahlan. Sidaas ayaad munaasabadda uga heli doontaa macluumaadka adiga kuugu faa’iido badan. Haddii waqtiga munaasabadda kuugu dhow uusan kugu habboonayn, waxaad ka qaybqaadan kartaa munaasabad kale.

Munaasabadaha oo dhan waa lacag la'aan, mana loo baahna in la iska diiwaangeliyo. Waxaad iman kartaa wakhti kugu habboon, waxaadna joogi kartaa illaa inta aad rabto.

Waxqabadyo kala duwan oo loogu talagalay da' walba

Shaqaalaha magaalada iyo ururrada ayaa munaasabadaha ka warbixinaya waxqabadyada wakhtiga firaaqada ee laga heli karo xaafadaha.

Ka sokow macluumaadka faa'iidada leh, waxaa munaasabadaha ku jira barnaamij wanaagsan oo carruurta iyo dadka waaweynba loogu talo galay. Barnaamijku waa mid ku kala duwan afarta munaasabadood. Waxaad daawan kartaa bandhigyo sirkus, ka qaybqaadan kartaa farsamada gacanta, waxaad dhagaysan kartaa bandhigyo muusig.

Munaasabadaha Welcome Day inta u badan waxaa lagu hadlaa af-Ingiriis. Munaasabadda waad ka qayb qaadan kartaa xattaa haddii aadan ku hadlin af-Ingiriis, Finnish ama Iswiidhish. Munaasabadaha waxaa goob-joog ka ah turjubaanno, shaqaale badanna waxay ku hadlaan luqado kala duwan. Sidoo kale waxaa munaasabadaha ka jira barnaamijyo badan oo aan u baahnayn aqoon luqadeed gaar ah.

Goobaha munaasabaduhu sidee yihiin?

Vuotalo, Kanneltalo, Stoa iyo Malmitalo waa xarumo dhaqameed oo ay leedahay magaalada Helsinki. Isla dhismaha ayaad kaga qaybqaadan kartaa munaasabadaha dhaqanka, waxaad wakhti ku qaadan kartaa maktabadaha, kafee ku cabbi kartaa, sidoo kalena ka qaybqaadan kartaa tusaale ahaan koorsooyinka luqadda Finnishka ama farsamada gacanta. Waxaa sidoo kale xarumaha qaarkood ku yaalla xarun dhallinyaro oo ay dhallinyartu fursad ugu helayaan hiwaayadaha kuna la kulmaan asxaabtooda.

Ilmo ayaa gacanta ku haya ul ay dusheeda saaran tahay saxan ruxmaya, wuxuuna si taxaddar leh ugu saaraya kubbad yar.
Waxqabadyo farxad leh oo badan ayaa munaasabadaha ku jira oo carruurta loogu talagalay. Sawir: Katja Tähjä

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso