Nolol-maalmeedka waara qof kasta ayaa xaq u leh - bogga internetka ah ee cusub oo luqado badan talooyin lagaga helo

Bogga internetka ee cusub ee Doorashooyinka nolol-maalmeedka waara waxaa lagu soo saaray bogga hel.fi. Boggaas qaab la fahmi karo ayaa lagaga warramayaa sida uu qof kastaa doorashooyinkiisa nolosha maalinlaha ah ugu ilaalin karo bey'adda oo uu lacagna ugu dhaqaaleyn karo. 

Boggu wuxuu ku qoranyahay af finnish, af iswidhish, af ingiriis, af carabi, af soomaali, af yukrayniyaan, af ruush iyo af estooniyaan. Luqadaha badan ujeedada looga dhigay waa in la gaadhsiiyo xogtaas dad badan oo ka mid ah dadka dalka soo dagay ee magaalada ku nool. In xogta lagu bixiyo luqado badan waxaa la rabaa in lagu xoojiyo fursadaha ka qayb galka iyo saameynta ay dhammaan reer Helsinki oo dhan ku yeelanayaan horumarinta hadafyada cimilada iyo horumarka waara.

Bogga internetka waxaa ku qoran talooyin la taaban karo oo ku saabsan isticmaalka, yaraynta iyo ka faa'idaysiga adeegyada wada isticmaalka ah oo uu qofku u adeegsan karo inuu nolol-maalmeed waaraya Helsinki ku qaato.

Bogga waxaa lagu taxay adeegyada dhaqaalaha wareega ee magaalada Helsinki ay bixiso iyo adeegyada gaarka ah iyo kuwa sida guud faa'idada u leh iyo adeeg bixiyeyaasha. Warbixin waxaa laga heli karaa tusaale ahaan fursadaha amaahashada, kireysashada, wareejinta, hagaajinta iyo dayactirka. agabka. Waxaad sidoo kale heli kartaa warbixin ku saabsan soocidda qashinka.

Bogga waxaa sidoo kale laga heli karaa macluumaadka warbixinta xambaarsan ee tusaale ahaan Sidan ayaad lacag iyo bey'adba u dhaqaaleyn kartaa, qoraalka warbixinta ah ee Wax ka baro dhaqaalaha la wareejiyo iyo warbixinta isticmaalka biyaha ee waara.

Bogga waxyaabaha ku qoran waxaa lagu soo saaray mashruuca Kestävät arjen valinnat iyo mashruuca tijaabada ah ee maalgelintiisa Midowga Yurub laga helay ee CommuniCity. Mashruuca tijaabada ah ee CommuniCity waxaa si wadajir ah loola soo saaray Stereoscape.

Dhaqaalaha la wareejinayo waa qaab muhiim u ah xallinta dhibaatada waaritaanka. Waxaa lagu suurta galinayaa xadeynta cimillada isbaddalaysa, khayraadka adduunku inay dhammaadaan iyo in bey'adu ay baaba'do. Helsinki waxaay leedahay hadafyo waawayn oo la xidhiidha ilaalinta bey'adda iyo barnaamijka waxqabadka ee dhaqaalaha qaybsiga iyo wareejinta ah oo dhammeystiran. Waxqabadyada u gaarka ah ka sakow magaaladu waxaay rabtaa inay xoojiso fursadaha ay dadka ku nool magaaladu u sameyn karaan doorashooyin nolol maalmeed leh qiiq hooseeya oo taageerta wareegga dhaqaalaha.
 

Bogga internetka ee Doorashooyinka nololmaalmeedka waara

Sidan ayaad bii'ada iyo lacagba u dhaqaaleyn kartaa – Wax ka baro dhaqaalaha wareega ah – warbixin PDF ah

Bogga internetka Helsinki waarta

 

You might be interested in