Goobta is-cabbirka ee xarumaha caafimaadku waxay ku shaqaysaa 14 luqadood. Liiska luqadaha waxaa ka mid ah af-finnish, af-iswiidhish iyo af-ingiriisi, iyo sidoo kale af-soomaali.
Goobta is-cabbirku waxay ku siinaysaa tilmaamo, waxayna natiijooyinka kuugu sheegaysaa shaashadda iyadoo ku qoran afkaaga hooyo. Haddii aad rabto inaad natiijooyinka cabbirka qaadato, waxaad daabacan kartaa iyagoo af-ingiriisi ku qoran.
– Isticmaalka qalabku wuxuu ahaa mid fudud, af-carabiga aan tijaabiyayna faseex ayuu ahaa. Sannado badan ka hor ayaan tijaabiyay qalab cabbir oo kale, balse kan aad ayuu uga fiicnaa. Qalabku wuxuu muujinayay in si xirfad leh loo sameeyay, ayuu yidhi Rajab Tameem, oo tijaabiyay goobta is-cabbirka.
Qalabku wuxuu xaaladdaada caafimaadka ka cabbiraa dhinacyo badan
Isbeddellada jirka ka dhaca waxay wax badan ka sheegaan xaaladdaada caafimaad. Is-cabbirku waa hab fiican haddii aad rabto inaad si joogto ah ula socoto caafimaadkaaga ama aad ka shakisan tahay inaad jirran tahay.
Waxaad goobta ku cabbiri kartaa:
- Cadaadiska dhiigga iyo garaaca wadnaha,
- heerka ogsijiinka ama naqaska ee dhiigga iyo tirada neefsashada,
- heerkulka jirka,
- miisaanka iyo boqolleyda dufanka jirka,
- sawir kooban oo waxqabadka wadnaha ah (EKG), kaas oo muujinaya shaqada wadnaha,
- cabbirka AGE, kaas oo cabbira sonkorta ku ururtay unugyada maqaarka.
Isticmaalka qalabka is-cabbirku waa ammaan
Waxaad isticmaali kartaa qalabka is-cabbirka adigoon siin xogtaada shakhsiga ah.
Haddii aad rabto, waxaad goobta is-cabbirka ku buuxin kartaa baaritaan caafimaad oo dijitaal ah oo faahfaahsan. Baaritaanka caafimaadka waxaad ka helaysaa xog ku saabsan sida caafimaadkaaga maskaxeed iyo hab-nololeedkaagu u saameeyaan caafimaadkaaga. Baaritaanka ka dib, waxaad dooran kartaa in goobta is-cabbirku ay natiijooyinka cabbirka iyo jawaabaha su’aalaha u dirto kalkaalisada caafimaadka. Ka qaybqaadashada baaritaanku waa ikhtiyaari, khasabna ma aha.
Waxaad baaritaanka caafimaadka ee dijitaalka ah ku samayn kartaa oo keliya af-finnish, af-iswiidhish ama af-ingiriisi. Keydinta jawaabaha waxay u baahan tahay aqoonsi sugan, taas oo ah aqoonsiyada bangiga internetka ee Finnishka ama xaqiijinta taleefanka gacanta. Haddii aad rabto xog dheeraad ah oo ku saabsan caafimaadkaaga balse aadan isticmaali karin aqoonsi sugan, ka qabso ballan xarunta caafimaadka.
Waxaad baaritaanka caafimaadka ee dijitaalka ah sidoo kale ku samayn kartaa adeegga internetka ee Omaolo. Dooro magaaladaada iyo xaruntaada caafimaadka si aad u aragto natiijooyinka. Uma baahnid inaad is aqoonsato haddii aadan rabin inaad xogtaada u gudbiso kalkaalisada caafimaadka.
Adeegga elegtrooniga ah ee Omaolo (af-ingiriis)(Link leads to external service)
Sideen u isticmaalaa goobta is-cabbirka?
Waxaad goobaha is-cabbirka ka heli kartaa hoolalka laga soo galo ee xarumaha caafimaadka ee Vuosaari iyo Kalasatama.
Samee sidan:
- Gal goobta is-cabbirka.
- Raac tilmaamaha shaashadda ku qoran, kadibna samee cabbirrada.
- Natiijooyinka cabbirka ka akhri shaashadda. Haddii aad rabto, waxaad daabacan kartaa iyagoo af-ingiriisi ku qoran.
- Haddii aad rabto, aqoonsiga ka dib buuxi baaritaanka caafimaadka ee dijitaalka ah. Ka qaybqaadashadu waa ikhtiyaari.
- Haddii baaritaanka caafimaadku muujiyo khataro caafimaad, waxaad natiijooyinka uga diri kartaa qalabka xaruntaada caafimaadka.
Xarunta caafimaadka ee Kalasatama (af-ingiriis)
Xarunta caafimaadka ee Vuosaari (af-ingiriis)