Ku macasalaamee ehelkaaga goobta meydka ee cusub ee Malmi

Xabaalaha Malmi waxaa laga furay goob cusub oo lagu keydinayo meydka. Goobta cusub waxaad ku macaasalaameyn kartaa oo si diintaada ama dhaqankaaga waafaqsan ugu dhaqi kartaa ehelkaaga.
Malmin uusi vainajatilarakennus.
Dhismaha cusub wuxuu qaadayaa qiyaastii 300 oo meyd. Sawir: Mika Huisman

Dhismuhu wuxuu leeyahay isku gayn afar qol oo aad ku macasalaameyn karto ehelkaaga. Labo goobna sidoo kale waad ku dhaqi kartaa meydka.

"Macasalaameyntu waa arrin ku culus qofka ehelka u ah qofka geeriyooday. Waxaan rabnaa inaan xaaladdaas sida ugu macquulsan uga dhigno mid deggan. Goobaha cusub sidii hore waa kuwo ka fiican oo qofka fursad u siinaya inuu sii macasalaameeyo ehelkiisa", sida ay sheegtay dhakhtarada maamulka ah ee isbitaalka Helsinki Laura Pikkarainen.

Midabada loo dooray goobaha meydku waa kuwo deggan oo caddaan xiga. Goobta waxaa loo adeegsaday dhismaheeda agab dabiici ah. Daaqadaha waawayn waxaa ka muuqda bey'adda iyo dhirta ku hareereysan dhismaha.

Sideen u qabsan karaa qolka macasalaamaynta?

Haddii ehelkaaga loo soo wado goobta meydka ee Malmi, lacag la'aan ayaad ku qabsan kartaa qolka macasalaameynta. Ehelkaaga meydka ah qolka waad ugu labisi kartaa, waad ku dhaqi kartaa, waxaanad u diyaarin kartaa socdaalkiisa ugu dambeeya.

Waxaad goobta ka helaysaa tuwaalo ama shukumaano nadiif ah iyo shamacyo led ku shaqeeya. Sababo ammaanka la xidhiidha darteed fadlan, goobta ha keenin dab rasmi ah ama udug la shidi karo.

Qolka macasalaameynta waxaad ka qabsataa lambarka 09 310 41076. Adeeg qabsashadu waxaay furantahay isniinta illaa jimcaha inta u dhaxeysa 8–20.30 iyo dhammaadka toddobaadka saacadda 10.30–17.30. Marka aad ballanta qabsanayso soo sheeg haddii aad rabto inaad meydka dhaqdo. Waxaan ka xunnahay in adeegga macaamiisha af finnish kaliya lagu heli karo.

Goobta meydka ee Malmi cinwaankeedu waa Malmin kalmistotie 2, 00700 Helsinki.

Munaasabad tacsi ah sideen u qabsan karaa?

Goobta macasalaameynta ee Malmi looguma talo galin in lagu qabsado munaasabad tacsi ah ama aas ah.

Haddii aad rabto inaad munaasabad tacsi ah qabsato, fadlan la xidhiidh xafiiska aaska. Xafiisyada aasku waa shirkado kaa caawinaya qabanqaabinta aaska iyo goobta aaska. 

Xabaalaha Helsinki badankoodu waa kuwo ay mas'uul ka yihiin xeer diimeedyada injiilka Luteralka ah, laakiin waxaa lagu aasaa dad diimo kala duwan ka soo jeeda. Intaas waxaa dheer in Helsinki ay ka jiraan xabaalo islaam ah iyo kuwo dadka aanan diin haysanin lagu aaso oo ku yaala Honkanummi, xabaalaha ortodhoksiga ah ee Lapinlahti iyo xabaalaha yuhuudda oo Malmi ku yaalla.

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso