Wakhti hore caawimaad codso dhibaatada waalidnimada

Waxaa qoysaska carruurta leh ee Helsinki loo fidinayaa caawimaad noocyo badan oo dhinaca dhibaatooyinka nololmaalmeedka ah. Adeegyadu waxay abuurayaa bey'ad la aamini karo oo ammaan ah, halkaas oo aad uga hadli karto welwelkaada kahor inta aanay xaaladda qoyskaadu isu beddelin mid daran.
Onnellinen perhe halaa toisiaan.
Taageero wakhti gaaban ah ayaa qoyska ka caawin karta adkaysiga iyo helitaanka ilo-awoodeedyo. Sawir: Maija Astikainen

Qof kasta ayaa caawimaad ugu baahan kara waalidnimada. Helsinki waxay qoysaska carruurta leh caawimaad ka siisaa dhibaatooyinka jira inta lagu jiro marxaladda hore. Xusuusnow, in aadan u baahnayn in aad kali ku noqoto xaaladda nolosha ee cusub.

– Uma baahna qoysku in uu ku jiro xaalad xasarad ah ama mid daran. Welwel oo kaliya ayaa ku filan, in annaga nalala soo xiriiro. Hadafkeennu waa, in qoysasku ay si degdeg ah caawimaad iyo nafis ugu helaan nololmaalmeedka, sidaas waxaa sheegtay Emilia Hokkanen, madaxa adeegga guriga iyo hagista sooshalka ee qoysaska carruurta leh ee Helsinki.

Taageerada xannaanaynta iyo barbaarinta carruurtu waxay ku tixgelisaa kala duwanaanshaha dhaqameed

Waxaa macaamiil kasta loogula dhaqmayaa adeegyada sooshalka ee hore ee magaalada si shakhsi ah, adeegyadu waa kuwa isku mid u ah dhammaan qoysaska carruurta leh ee reer Helsinki.

– Macaamiilku wuxuu qeexayaa fikradda uu ka qabo waalidnimada iyo barbaarinta ku salaysan dhaqankiisa. Hawsheennu waa in aan dadka dhegeysananno ee mahan malayn. Waxaan markasta caawimaad u jaangoynayaa qaab ku habboon baahiyaha qoyska iyadoo la dhegeysanayo rajooyinkooda iyo hadafyadooda, Hokkanen ayaa sidaas sheegtay.

Tusaale, waxaad adeegga guriga ee qoysaska carruurta leh ka heli kartaa caawimaadda xannaanaynta carruurta oo gurigaaga laguugu siinayo, haddii aad u baahantahay nasasho ama caawimaad dheeraad ah. Talabixinta barbaarinta iyo qoysaska ee rugta talabixinta qoysaska waxaad ka heli kartaa caawimaad wadahadal ah oo la xiriirta arrimaha xiriirada gudaha iyo barbaarinta ee qoyska. Waxaa caawimaad la heli kartaa tusaale ahaan, haddii uu ilmaha yar u baahanyahay hagista hurdada ama taageerada saamaynta isku lahaansha waalidka.

Si joogto ah ayaa waxqabadka kooxda loogula xisaabtamahaa dhaqamada iyo luqadaha kala duwan, sida kooxaha rugta daryeelka hooyada iyo dhallaanka ee afka Soomaaliga ee Bariga Helsinki lagu qabanqaabiyo, halkaas oo ay waalidku kula kulmi karaan kuwa kale oo ay ku jiraan xaalad nololeed iskumid ah. Waxaad fursadda ka qaybgalka waxqabadka weydiin kartaa rugtaada daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Adeegyada guriga ee qoysaska carruurta (lapsiperheiden kotipalvelu) (af ingiriis)
Rugta latalinta qoysaska (perheneuvola) (af ingiriis)
Hagista hurdada (uniohjaus) (af ingiriis)

Nala soo xiriir

Caawimaadda gudaha Helsinki waa mid dhow, fasax ayaana loo haystaa in la codsado. Haddii aad doonayso in aan ka hadasho xaaladda qoyskaada, waddooyin badan ayeey taasi ku hirgelaysaa. Waxaad codsan kartaa in turjubaan wadahadalka kaala qaybgalo, marka aad telefoonka ama si fool-ka-fool ah u danaysanayso.

  • Ka wac talabixinta sooshalka qoysaska carruurta (lapsiperheiden sosiaalineuvonta) eh lambarka telefoonka 09 310 15454. Adeeggu wuxuu furanyahay Isniinta illaa iyo Jimcada saacadda 9.00–12.00.
  • Buuxi foomka la soo xiriirista ee ku jira adeegga shabakadda Maisa adigoo isticmaalaya af finnish, iswiidhish ama ingiriis.
  • Xirfadlaha ka codso caawimaadda marka aad ka danaysanayso rugtaada daryeelka hooyada iyo dhallaanka, xannaanada ama dugsiga. Iyaga oo ku metelaya ayaa la soo xiriiri kara adeegyada sooshalka.

Xusuusnow, in danqabsashadu ay tahay mid ikhtiyaar loo leeyahay, samaynta xiriirkuna meelna kuguma waajibinayso. Waxaad ka danaysashada adeegga joojin kartaa marka aad hesho caawimaad kugu filan.

Talabixinta sooshalka qoysaska carruurta leh (af ingiriis)
Foomka la soo xiriirista ee adeegga shabakadda Maisa (af ingiriis)(Link leads to external service)

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso