Iska diiwaangeli koorsooyinka Työväenopisto bisha agoosto

Helsinki waxaa ku yaal laba xarumood oo waxbarashada dadka waaweyn ah: Työväenopisto oo af-finnish ah iyo Arbis oo af-iswiidhish ah. Xarumahani waxay dadka waaweyn u fidiyaan koorsooyin iyo hiwaayado qiimo jaban ah. Bogga internetka ilmonet.fi iskaga diiwaangeli koorsooyinka xilliga dayrta laga bilaabo 10.8.
Hymyilevä nainen tietokoneen kanssa.
Isdiiwaangelinta koorsooyinka waxaa loo kala qaybiyaa iyadoo lagu salaynayo noocyada koorsooyinka ee kala duwan. Sawir: Helsingin kaupunki

Baro koorsooyinka la heli karo

Waxaad doorashooyinka koorsooyinka ee Työväenopisto iyo Arbis ka heli kartaa in ka badan 2 000 oo koorso. Koorsooyinka waxaa lagu qabtaa meelo kala duwan oo Helsinki ah. Waxaa jira noocyo badan oo koorsooyin ah, sida muusig, luqado, jimicsi, dhaqaalaha guriga, tiyaatar iyo farsamo-gacmeedyo.

Lacagta ka qaybgalka way kala duwan tahay koorso kasta. Qiimaha koorsooyinku wuxuu ka bilaabmaa 16 yuuro.

Ka indho-indhee koorsooyinka adeegga internetka ee Ilmonet.

Ilmonet.fi (af-ingiriis)(Link leads to external service)

Sideen iskaga diiwaangeliyaa koorso?

Marka aad macmiil ahaan uga diiwaangashan tahay adeegga internetka ee Ilmonet, waxaad:

  • keydsan kartaa koorsooyinka aad xiisaynayso,
  • iska diiwaangelin kartaa koorso,
  • bixin kartaa lacagta koorsada,
  • baajin kartaa ka qaybgalka koorsada.

Waxaad macmiil ahaan isu diiwaangelin kartaa adigoo adeegga ku samaysanaya magac isticmaale iyo eray sir ah, ama adeegsanaya aqoonsi sugan. Aqoonsiga sugani wuxuu u baahan yahay aqoonsiyada bangiga internetka ee Finnishka ama xaqiijinta taleefanka gacanta.

Haddii aadan isticmaali karin adeegga internetka ee Ilmonet, waxaad isku diiwaangelin kartaa adigoo wacaya adeegga macaamiisha ama tagaya goobta adeegga.

Fiidiyow hagitaan ah: Sida loo isticmaalo adeegga internetka ee Ilmonet (af-ingiriis)(Link leads to external service) 
Fiidiyow hagitaan ah: Sida loo isticmaalo adeegga internetka ee Ilmonet (af-finnish)(Link leads to external service)

Goobaha adeegga ee Työväenopisto

Waxaan ku adeegnaa af-finnish iyo af-ingiriis. Goobaha adeeggu waxay furan yihiin Isniinta ilaa Khamiista saacadaha 10–16.

  • Malmitalo: Ala-Malmin tori 1 B  
  • Opistotalo: Helsinginkatu 26, dabaqa labaad  
  • Xarun-dhaqameedka Stoa: Turunlinnantie 1
  • Lambarka telefoonka: 09 310 88610

Työväenopisto-ga Helsinki (af-ingiriis)(Link leads to external service)

Goobta adeegga ee Arbis

Waxaan ku adeegnaa af-iswiidhish, af-finnish iyo af-ingiriis. Goobaha adeeggu waxay furan yihiin isniinta ilaa khamiista saacadaha 10–15.

  • Cinwaanka: Dagmarinkatu 3
  • Lambarka telefoonka: 09 310 49494 (wuxuu furanyahay isniin illaa khamiis 10–14)

Arbis-ga Helsinki (af-ingiriis)(Link leads to external service)

Goorma ayaan iska diiwaangelin karaa koorsooyinka?

Koorsooyinka kala duwan waxaa la iska diiwaangeliyaa maalmo kala duwan. Hubi nooca ay koorsadaadu ka tirsan tahay iyo goorta ay isdiiwaangelintu bilaabanayso.

Maalmaha isdiiwaangelinta:

  • Isniin 10.8.: Farshaxanka muuqaalka ah, xirfadaha dijitaalka ah.
  • Salaaso 11.8.: Dadka, bulshada iyo dhaqanka; suugaanta, tiyaatarka iyo afka hooyo; bey'adda, deegaanka iyo arrimaha badda; farsamada iyo gaadiidka; dhaqaalaha guriga.
  • Arbaco 12.8.: Luqadaha, finnishka oo sidii luqad labaad ah.
  • Khamiis 13.8.: Jimicsi, qoob ka ciyaar, nolol-wanaagga iyo caafimaadka.
  • Jimce 14.8.: Farsamada gacanta, muusiga.

Waxaan kugula talinaynaa inaad koorsada iska diiwaangeliso sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Koorsooyin badan ayaa aad loo jecelyahay, boosaskuna si degdeg ah ayay u buuxsamaan.

Halkee ayaan ka heli karaa caawimaad ku saabsan isdiiwaangelinta koorsada?

Waxaad heli kartaa taageero gaar ah oo ku saabsan isdiiwaangelinta koorsada iyo isticmaalka adeegga internetka ee Ilmonet. Waxaan ku qabanqaabinaynaa talo-bixin hoolalka laga soo galo ee xarumaha koorsooyinka 10.–14.8. saacadaha 9–12. Työväenopisto waxay macaamiisha ugu adeegtaa luqadaha finnishka iyo ingiriiska. Arbis waxaay macaamiisha ugu adeegtaa luqadaha iswidhishka, finnishka iyo ingiriiska.

Soo dhowow, farxad ayay noo tahay inaan ku caawinno!

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso