Qabanqaabinta adeegyada shaqaalaysiinta ee Finland waxaa hagaya sharciga. Dowladdu waxaay waajib uga dhigaysaa Helsinki oo adeegyada shaqo la'aanta qabanqaabinaysa inay baddasho adeegyadeeda, marka sharciyada la baddalo.
Sannadka 2026 gudihiisa sharciga siyaabo badan ayaa loo adkeynayaa, waxaayna kuwaasi saameynayaan macaamiisha adeegyada shaqo la'aanta ee magaalada Helsinki.
Haddii aad tahay shaqo-codsade oo aad hesho taakuleynta caymiska shaqo la'aanta ama taakuleynta nolosha, si taxaddar leh u akhri isbaddalada macluumaadka khuseeya. Haddii adiga oo shaqo codsade ah aad ilaalin waydo hagitaanada cusub, waxaa kaa raaci kara cawaaqiib.
Xeerarka taakuleynta nolosha waxaa la adkeeyay bishii Febraayo
Taakuleynta nolosha oo ah taakuleynta u dambeysa ee dhaqaale waxaa markii hore la codsan karayay haddii dakhliga uu qofku helo aanay ku filnaanaynin baahiyada aasaasiga ah ee nolosha oo qofka codsanaya kaalmeyntaasina aanay lacag keyd ah u oollin.
Bisha Febraayo ee 2026-da waxaa la adkeeyay shardiyada dadka da'da shaqada ku jira ee awoodda shaqada xaqa ay ku heli karaan taakuleynta nolosha. Hadda waa inuu macaamiilku shaqo-codsade shaqo buuxda raba isku diwaangaliyo, waa inuu ilaaliyaa jiritaanka codsashadiisa shaqada oo uu codsadaa taakuleynada mudnaanta koowaas leh intaanu helin taakuleynta nolosha.
Taakuleynada mudnaanta koowaad leh waxaa ka mid ah taakuleynta shaqo la'aanta, taakuleynta guud ee kirada guriga, taakuleynta ardeynimada iyo masaariifta howlgabka shaqada. Taakuleynta nolosha waxaa la heli karaa marka taakuleymada kale ee mudnaanta koowaad leh aanay qofka ugu filnaanin kharashkiisa daruuriga ah.
Haddii hagitaanada cusub aad ilaalin waydo, taakuleynta Haay'adda masaariifta dad waynaha (Kela-da) waxaa u bannaan inay dhinto qaybta aasaasiga ah ee taakuleyntaada nolosha. Sababtaas ayaay muhiim u tahay in shaqo-codsigaagu uu kuu shaqeeyo oo aad taakuleymaha mudnaanta koowaad leh aad marka u horreysa codsato.
Kela-da ayaad caawimo uga helaysaa codsashada taakuleynta saxda ah. Khubarada adeegyada shaqaaleysiinta ayaa kaa hagaya buuxinta waajibaadkaaga codsashada shaqada.
Haddii dhibaatooyin dhaqaale aad la kulanto oo aad ka maarmi waydo dakhligaaga, waxaa kuu bannaan inaad magaalada ka codsato taakuleynta nolosha ee buuxinta ah ama ka hor tagga leh. Caawimaad aad xaaladdaada xal ugu hesho waxaad ka helaysaa shaqada sooshalka ee dadka waawayn.
Kela: Miyaad ku talo jirtaa inaad taakuleynta nolosha codsato? Codso marka hore taakuleymada kale (af Soomaali)(Link leads to external service)
Macluumaadyada xiriirka ee Adeegga shaqaalaysiinta Helsinki (af ingiriis)
Goobaha adeegga ee shaqada sooshalka dadka waawayn ee Helsinki (af ingiriis)
Taakuleynta shaqo la'aanta isbaddal ayaa ku imanaya bisha Maarso
Taakuleynta shaqo la'aantu waa taakuleyn aad heleyso wakhtiga shaqo la'aanta ama ka fadhiisiinta shaqada.
Markaad taakuleynta shaqo la'aanta hesho, waxaa waajib kugu noqonaya inaad sameyso waxqabadyada uu kuu qorayo khabiirka adeegyada shaqaaleysiinta, sida in la codsado shaqooyin cayiman bishii oo goobta lagu heshiiyay kulamad adoo yimaaddo. Haddii adeegyada shaqaaleysiintu ay kuu qoraan goob shaqo oo ay tahay inaad codsato, waa inaad shaqadaas codsataa.
Laga bilaabo bisha Maarso ee 2026 waxaa waajib kugu ah inaad ilaaliso wakhtiyada la cayimay ee laguu qabtay. Waxaan kuu soo diraynaa farriin xasuusin ah hal maalin kahor intaanan la gaadhin wakhtiga laguu qabtay. Farriinta waxaa laguugu soo dirayaa af finnish ama af iswidhish waxaana laguugu soo dirayaa oo kaliya taleefan lambar finnish ah. Macluumaadkaaga xiriirka ku ilaali 'Työmarkkinatori', si aad u hesho farriinta xusuusinta ah.
Haddii waajibaadkaaga aad dayacdo, waxaa kaa joogsanaya jiritaanka codsashada shaqada. Dayacaadda ugu horreysa waxaad ku muteysanaysaa ganaax lacagta shaqo la'aanta toddobo maalmood lagaaga jaranayo. Intaas waxaa kuu dheer in macluumaadkaaga laguugu qorayo dayacaaddaas. Ganaaxu markuu kuu dhamaado ayaad dib adeegyada shaqo la'aanta uga bilaabi kartaa codsashadaada shaqada.
Haddii dayacaaddaas aad dib ugu celiso hal sano gudaheed, waxaad heli kartaa taakuleynta shaqo la'aanta marka aad lix toddobaad shaqeyso ama aad ka qaybqaadato adeeg shaqaaleysiinta horumarinaya. Adeegyada shaqaaleysiinta horumariya waxaa ka mid ah koorsooyinka shaqaalaha iyo tababrka codsashada shaqada.
Adeegga internetka ee shaqo-codsadeyaasha ee 'Työmarkkinatori' (af ingiriis)(Link leads to external service)
Ka hel tababarka shaqaalaha jihada cusub ee noloshaada (af Soomaali)
Kaalmada guud waxay bedddelaysaa billowga Maajo taakuleynta shaqo la'aanta iyo taakuleynta nolosha billowga Maajo
Taakuleynta shaqo la'aantu wakhti xaadirkan saddex nooc ayaay u kala baxdaa:
- Taakuleynta maalinlaha ah ee Kela-du ay siiso shaqo-codsadeyaasha shaqo la'aanta ah,
- taakuleynta shaqada ee Kela-du ay siiso shaqo-codsadeyaasha shaqo la'aanta ah ee shardigooda shaqadu aanu buuxsamaynin,
- Sanduuqqa shaqaalaha xubnaheeda taakuleynta mushaarka qofka ku xidhan ee ay siinayso.
Bisha Maajo ee 2026 Kela-du taakuleynta guud ee ay bixinayso ayaa beddelaysa taakuleynta maalinlaha ah iyo taakuleynta shaqo la'aanta ah. Hadda kaddib taakuleynta guud ayaad helaysaa, haddii aad adeegyada shaqaaleysiinta iskaga diiwaangalisay inaad tahay shaqo-codsade shaqo la'aan ah.
Borofaylka shaqo raadinta wuxuu noqonayaa mid waajib ah bisha Sebtembar
Laga bilaabo bisha Sebtembar ee 2026 waxaa khasab kugu noqonaysa inaad shaaciso borofaylkaaga isticmaalaha ee shaqo codsadaha ee lagu sameynayo adeegga internetka ah ee 'Työmarkkinatori'. Waa inaad sidoo kale ilaalisaa in borofaylkaaga istacmaaluhu uu ku suganyahay wakhtiga. Hadda kahor in haybta isticmaalaha la shaaciyo ikhtiyaari ayaay ahayd.
Borofaylka isticmaalaha shaqo-codsaduhu wuxuu shaqaynayaa lix bilood, markaas kaddibna waa in dib loo daabacaa. Haddii aad adigu shaacin waydo borofaylkaaga isticmaalaha, adeegyada shaqaaleysiinta ayaa kuu shaacin kara.
Kuma khasbanid inaad sameysato borofaylka isticmaalaha ee shaqo haddii aanad isticmaali karin nidaamka elektroonigga ah ee 'Työmarkkinatori' ama aanad ku daneysan karin af finnish, af iswidhish ama an ingiriis.