Ka hel tababarka shaqaalaha jihada cusub ee noloshaada

Waxaad tababarka shaqaalaha ku baran kartaa aqoon xirfadeedyo cusub oo kaa caawinaya in aad shaqo ka hesho Finland. Waxaad sidoo kale ku horumarin kartaa aqoonta aad hadda leedahay, adigoo tusaale ahaan ka baranaya waxbarasho dheeraad ah ama aqoonta xirfadeed ee xirfadda aad horay u baratay.
Kaksi ihmistä keskustelee kadulla.
Waxaa jira xirfado badan oo kala duwan oo laga helayo tababarka shaqaalaha. Sawir: Jussi Hellsten

Tababarka xirfadeed ee shaqaaluhu (ammatillinen työvoimakoulutus) wuxuu dad badan u yahay tallaabadooda koowaad ee dhinaca xirfadda ama ganacsiga. Waxaa tababarka lacag la'aanta ah loogu talagalay dadka shaqo la'aanta ah iyo kuwa dhawaan shaqo la'aan noqonaya.

Haddii aad tahay shaqo la'aan islamarkaana aad qaadato lacagta kaalmada shaqo la'aanta, waxaad sidoo kale heli kartaa lacagta kaalmada shaqo la'aanta inta aad tababarka ku jirto. Waxaa kale oo lagu siinayaa magdhowga kharashaadka.

Tababarka shaqaaluhu waa markasta waxbarasho maalin oo dhan ah. Waxbarashada waxaa lagu qabtaa xarunta waxbarashada ama goobta shaqo-barashada.

Maxaan anigu ka faa'iidayaa tababarka shaqaalaha?

Marka aad aqoontaada horumariso, waxaad hagaajisay fursaddaada aad shaqo uga heli karto Finland.

Tababarka shaqaalaha waxaad awoodaa inaad:

  • ku beddeli kartaa xirfaddaada ama ku baran kartaa xirfad cusub
  • ku horumarin kartaa aqoontaada xirfadeed adigoo qaadanaya waxbarashada sii socota ama tan dhammaystirka
  • ku hagaajin kartaa aqoontaada luqadda finnishka ama iswiidhishka iyadoo ka mid ah tababarka xirfadda
  • ku xoojin kartaa aqoonta shaqo raadinta
  • ka qaybgeli karta tababarka ganacsadennimada.

Waxaad sidoo kale iyadoo qayb ka mida ah tababarka shaqaalaha ku baran kartaa aqoonta shaqada loogu baahanyahay ama kaararka ruqsadda, sida tusaale ahaan kaarka nadaafadda (hygieniapassi).

Ka akhri wararka dheeraadka ah ee ku saabsan tababarka xirfadeed ee shaqaalaha (af ingiriis)(Link leads to external service)

Sidee ayaan ku geli karaa tababarka shaqaalaha?

Waxaan tababarrada shaqaalaha ee furan ku soo wargelinaynaa bogagga shabakadda ee työmarkkinatori.fi. Waxaad wargelinta codsiga ka heleysaa macluumaad hadafka waxbarashada, waxyaabaha ay ka koobantahay shuruudaha lagu gelayo. Waxaad sidoo kale si sugan u eegtaa shuruudaha aqoonta luqadeed ee tababarka, sababtoo ah, heerka aqoonta luqadeed ee la iska doonayo ayeey tababaradu ku kala duwanyihiin.

Si taxaddar ah u buuxi codsiga. Sababee, sababta ay tahay in tababarka laguu qaato. Codsadayaasha loo xusho ayaa loogu yeerayaa wareysi iyo haddii loo baahdo imtixaan luqadeed ama ku habboonaan. Waxaad casuumaadda wareysiga ku heleysaa farriin qoraal ah ama iimayl uu kuu soo dirayo qabanqaabiyaha tababarka.

Ku codso tababarka bogga shabakadda tyomarkkinatori.fi, adeegga Asiointi ee danqabsashada adigoo isticmaalaya af finnish ama iswiidhish. Waa in aad haysataa aqoonsiyada bangiyada finnishka ama xaqiijinta mobaylka, si aad u gasho adeegga.

Haddii aadan ka danaysan karin bogagga shabakadda, waxaad goobta shaqada ee adeegyada shaqo gelinta ku buuxin kartaa foomka warqadda ah.

Khabiirka adeegyada shaqo gelinta ayaa ka caawin kara helitaanka tababarka shaqaalaha ee kugu habboon - ku dhiirro oo weydii fursadaha la kala dooran karo!

Codso tababarka shaqaalaha ee Helsinki (af ingiriis)
Työmarkkinatori: Adeegga danqabsashada ee Asiointi (af ingiriis)(Link leads to external service)
Työmarkkinatori: tababarada shaqaalaha ee furan (af ingiriis)(Link leads to external service)
Talabixinta Työmarkkinatori (af ingiriis)(Link leads to external service)

Macluumaadyada xiriirka ee Adeegga shaqo galinta Helsinki

Talabixinta ballana la'aanta ah waxaad luqadaha kala ah finnish, iswiidhish iyo ingiriiska uga heleysaa Isniinta illaa iyo Jimcada saacadda u dhexeysa 9.00–16.00 goobaha shaqada ee soo socda: 

  • Goobta shaqada ee Kamppi (Työllisyyspalvelut Kamppi): Malminkatu 34, 00100 Helsinki 
  • Goobta shaqada ee Itäkeskus (Työllisyyspalvelut Itäkeskus): Asiakkaankatu 3A, 00930 Helsinki 

Waxaad sidoo kale ka wici kartaa adeeggeenna khadka telefoonka lamabarka 09 310 36107(Link starts a phone call) . Adeeggeenna telefoonku wuxuu furanyahay Isniin illaa jimcada saacadda u dhexeysa 9.00–15.00.

Waxaa intaas dheer, goobaha Ohjaamo oo aan dadka 30 sano kayar ugu shaqayno ballan la'aan.

  • Ohjaamo Kamppi: Fredrikinkatu 48, Isniinta illaa iyo Jimcada, saacadda 12–16
  • Ohjaamo Itäkeskus: Turunlinnantie 1, Khamiis kasta saacadda 12–16

Finland miyaad u soo guurtay waxkayar saddex sano kahor?

Xusuusnow, in haddii aad Finland u soo guurtay intii lagu jiray saddexdiisa sano ee ugu dambaysay, waxaad tababarka shaqaalaha u heli kartaa isagoo qayb ka ah adeegyada laqabsashada (kotoutumispalvelut) dalka. Waxaad waxbarashada laqabashada dalka ku horumarinaysaa aqoontooda luqadeed waxaadna ku baranaysaa bulshada Finnihska ah, laakiin waxaad sidoo kale ku qorshayn kartaa xirfad ahaan jiho cusub adigoo hagaajinaya u darbanaantaada nolosha shaqada oo ah qayb ka mid ah tababarka.

Wararka dheeraad ah ee ku saabsan adeegyada laqabsashada dalka ee magaalada Helsinki ka akhri bogagga laqabashada dalka oo ku qora (afka Soomaaliga)

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso