Codso waxqabadka galabtii ee dugsiyada

Magaalada Helsinki waxay maalin-dugsiyeedka kaddib ardayda fasallada 1aad iyo 2aad ee dugsiga hoose-dhexe u qabanqaabisaa waxqabadka galabtii oo la hago islamarkaana lacag ah. Waxqabadka waxaa dhinacyo kala duwan oo Helsinki ah loogu qabanqaabiyaa dugsiyada iyo dugsiyada agtooda. Codso waxqabadka galabtii ee billaabanaya deyrta 2026 ugu dambeyn 13.4.2026!
"".
Waxqabadka galabtii wuxuu billaabanayaa maalin-dugsiyeedka koowaad ee Agoosto wuxuuna soconayaa illaa iyo dhammaadka sannad-dugsiyeedka, yacni kala gaddoonka Maajo-Juun. Sawir: Juho Kuva

Qiyaastii 11 000 oo ardayda fasalka 1aad iyo 2aad oo reer Helsinki ah ayaa sannad kasta ka qaybqaata waxqabadka galabtii. Carruurta dhalatay sannadkii 2018 ayaa Agoosto sannadkii 2025 billowday fasalka koowaad. Waxaa kale oo waxqabadka codsan kara ardayda heysata go'aan maamul oo quseeya caawimaadda waxbarashada.

Marka ay joogaan waxqabadka galabtii, carruurtu waa ku dheelaan, ku dhaqdhaqaaqaan bannaankana socod ayeey u aadeen iyadoo ay dad waaweyn hagayaan saaxiibadoodna la joogaan. Waxaa waxqabadka galabtii ku jira cunto fudud iyo caymiska shilalka.

Waxqabadka galabtii wuxuu fududeeyaa nololmaalmeedka qoysaska, mar haddii carruurtu maalin-dugsiyeedka kaddib haystaan waxqabad la hagayo inta ay waalidkood shaqada ku jiraan. Waalidku aad ayeey ugu qanacsanaayeen waxqabadka.

Waxqabadka galabti waa lacag

Kharashaadka waxqabadka galabti wuxuu ku xiranyahay inta uu waxqabadku qaato.

Haddii uu cunuggaado joogo waxqabadka galabti:

  • illaa iyo 16 saac, lacagta la bixinayo waa 100 yuuro bishi
  • illaa iyo 17 saac, lacagta la bixinayo waa 120 yuuro bishi

Haddii uu yaryahay dakhliga ku soo gala, waxaad codsan kartaa dhimista lacagta ama in lacagta lagaa dhaafo.

Lacagaha waxqabadka galabti laga bixiyo iyo foomka codsiga ee dhimista lacagta (af ingiriis)

Codso waxqabadka galabtii

Haddii uu cunuggaadu u baahanyahay deyrta 2026 waxqabadka galabti, codso gugan hadda ah. Wakhtiga codsiga ee sannad-dugsiyeedka 2026‒2027 hadda ayuu furanyahay. Codsigu wuxuu dhammaanayaa 13.4.2026.

Dhammaan ardayda fasalka 1aad iyo 2aad ee codsada waxay boos ka helayaan waxqabadka galabtii. Haddii aanu cunuggaadu boos ka helin goobta shaqada ee aad codsatay, goob kale ayaa boos laga siinayaa.

Wax macno ah oo gaar ah ma lahan wakhtiga aad codsiga dirtay. Boosaska bixintooda kuma salaysna sida ay wargelinnadu u soo kala horreeyaan.

Codso waxqabadka galabtii ee dugsileyda -fiidiyow (af Soomaali)(Link leads to external service)

Halkee ayaan ku samaynayaa codsiga?

Ka samee codsiga waxqabadka galabtii nidaamka elegtroonigga ah ee Wilma ee dugsiyada. Waxaad u baahanyahay aqoonsiyada bangiyada ee Finnishka ama xaqiijinta mobaylka marka aad geleyso Wilmada.

Haddii uu ilmahaagu billaabayo dugsi Agoosto 2026 islamarkaana aadan haysan aqoonsiga Wilma, waxaad aqoonsiga samayn kartaa laga billaabo 16.3.2026.

Haddii aadan Wilmada ka codsan karin booska, ku samee codsiga foomka PDF. Gaarsii foomka cinwaanka ku qoran foomka inta lagu jiro wakhtiga la qabtay.

Hagitaanka samaynta aqoonsiga Wilmada (af ingiriis)
Hagitaanka codsashada waxqabadka galabti (af ingiriis)
Foomka PDF ee waxqabadka galabtii (af ingiriis)

Waxaa sidoo kale jira hiwaayado loogu talagalay ardayda fasallada 3aad–9aad

Ka sokow waxqabadka galabtii ee lacagta ah, dugsiyada magaalada Helsinki ayaa ardayda fasallada 3aad–9aad siiya hiwaayado lacag la'aan ah. Cunuggaaga uga raadi hiwaayado cinwaanka harrastukset.hel.fi adigoo isticmaalaya magaca dugsiga kaddibna weydii in kooxda uu boos ka bannaantahay. Waxaad sidoo kale hiwaayadaha codsan kartaa adigoo barta goobista ku qoraya ’Harrastamisen Suomen malli’.

Ka hel hiwaayadaha harrastukset.hel.fi (af finnish)(Link leads to external service)
Hiwaayado lacag la'aan ah oo loo diyaariyay ardayda dugsiyada Helsinki (af Soomaali)

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso