Koorsada KOTIVA waxaa af finnishka lagu barayaa waalidka carruurta yaryar haysta

Haddii ilmahaaga aad guriga ku xanaaneynayso oo aad rabto inaad af finnish barato, iska diiwaangeli koorsada KOTIVA! Inta koorsadu socoto waxaad u soo jeedsan kartaa waxbarashada, ilmahaaguna way ciyaari karaan iyagoo qof xirfadle ah uu hagayo. Ka qaybqaadashada koorsadu waa lacag la'aan.
opettaja auttaa KOTIVA-tunnilla opiskelijaa tehtävän tekemisessä..
Koorsada KOTIVA waxaa ka qaybqaadan kara waalidka ilmahoodu ay 10 bilood ka waynyihiin laakiin 3 sano ay ka yaryihiin. Sawir: Pinja Landén

Koorsooyinka KOTIVA waxaay bilaabmaan labo mar sannadkii oo kala ah jannaayo iyo agoosto. Kooxaha badankoodu waxaay kulmaan muddo saddex saacadood ah labo mar toddobaadkii. Koorsooyinku waxaay qaataan hal sano, waxaana lagu qabanqaabiyaa meelo kala duwan oo Helsinki ka tirsan.

Koorsada waxaa lagu baran karaa af finnishka heerkiisa bilowga ah iyo heerka sii wadista ah. Intaas waxaa dheer in waxbarashada KOTIVA ay ka tirsantahay koorso akhris iyo qoraal ah oo lagu baranayo xarfaha latiinka ah.

Koorsada KOTIVA waxaa sidoo kale lagaga fikirayaa waxa aad qaban karto koorsadu marka ay kuu dhamaato kaddib. Waxaa tusaale ahaan lagaa taageerayaa codsashada booska waxbarashada ama shaqada.

Dadka kale la baro af finnishka

Kooxaha KOTIVA waxaa badanaa jooga 7-10 arday. Kooxo yar ayaa lagu bartaa af finnishka sababta oo ah qayb ka mid ah ka qaybqaateyaasha waxaay barteen af finnish ka badan inta kale. Koorsada dadka ku jira qaar badan oo ka mid ah way ka cabsan jireen inay af finnish ku hadlaan. Koorsadu waxaay siisay kalsooni ay ku isticmaalaan luqadda finnishka ah.

Heba Atiya oo jannaayo bilowday waxbarashada KOTIVA ayaa sheegtay inay erayo badan oo cusub baratay. Nimo Saleban waxaay dareentay in koorsadu ay u fududaysay inay finnish intii hore ka badan fahanto marka ay tukaanka joogto, mararka qaarna af finnishka ay ku jawaabi karto.

Macalimadda kooxda Katja Kauti-Karakus waxaay u aragtaa in af finnishka la barto marka lagu hadlo oo kaliya.

"Labo mar toddobaadkii ayaan kulanaa, waxaay taasi noo saamaxdaa inaan si fiican isku barano. Maadaama kooxdu ay yartahay dadka oo dhan ayaa ku khasbanaada inay af finnish badan ku hadlaan", laakiin taasi waa arrin wanaagsan.

Saaxiibo cusub ka hel koorsada

Dadka dhigta koorsada KOTIVA aad ayaay u rabaan inay wax bartaan sababta oo ah dhammaantood waa waalid hal xaalad oo nololeed wadaaga. Jawiga fasalka ka jiraa waa mid naxariis iyo dhiirigalin leh.

Deeqa Hasam Sim Cale hadda kahor ayaay af finnish baratay, laakiin markay guriga u joogtay inay ilmaheeda yar haysato, waxaay dareentay inay ilaawayso luqadda.

"Markaan koorsada imidday, arrimihii hore ayaan dib u soo xasuustay. Waxaan koorsada ka helay asxaab aan xattaa wakhtiga firaaqada la kulmo. Koorsadu waxaay i siisay kalsooni an ku hadlo af finnishka", ayaay sheegtay iyadu.

Dadka koorsada dhigta ka sakow carruurta ayaa asxaab ku helay naadiga KOTIVA. Naadiga carruurtu wuxuu u dhowyahay koorsada luqadda, laakiin isla meel kulama yaallo. Taasi waxaay waalidka u saamaxaysaa inay si deggan wax u bartaan.

Imika codso koorsada KOTIVA

Koorsooyinka xiga ee KOTIVA waxaay bilaabmayaan bisha agoosto. Codsiga koorsadu waa mid imika socda.

Koorsada waxaad codsan kartaa, haddii:

  • aad ku nooshahay Helsinki,
  • aad ilmo guriga ku xanaaneysato,
  • ilmahaagu uu ka waynayhay 10 bilood laakiin uu ka yaryahay 3 sano, marka ay koorsadu bilaabmayso,
  • aad rabto inaad barato af finnishka.

Koorsada KOTIVA waxaa lagu codsadaa foomka ku qoran af finnish, af ingiriis ama af soomaali. Codsadeyaasha waraysi ayaa loogu yeedhayaa, waraysigaas ayaana lagu dooranayaa dadka koorsada ka soo qaybqaadanaya. Haddii koorsada dad loo qaatay ay baajiyaan ama boos laga helo, waxaan ardeyda koorsada ka dooraneynaa safka codsadeyaasha.

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso

"".

Codso waxqabadka galabtii ee dugsiyada

Saacaada:
Kaksi ihmistä keskustelee kadulla.

Ka hel tababarka shaqaalaha jihada cusub ee noloshaada

Saacaada: