U codsi cunugga booska dugsiga ee waxbarashada la xoojiyay

Carruurta Helsinki ku dhigaya dugsiga hoose-dhexe waxay wax ku baran karaan fasal caadi ah ama fasalka waxbarashada la xoojiyay. Ardaydgu wuxuu waxbarashada la xoojiyay si qoto dheer ugu baranayaa maaddo cayiman, sida muusikada, jimicsiga ama farshaxan sawireed. Waxbarashada la xoojiyay waxay ku billaabataa fasal-sannadeedka koowaad, saddexaad ama todobaad. Codsiga waxbarashada la xoojiyay waa Janaayo 2026.
Oppilaita peruskoulun tunnilla.
Waxaa sannadka 2026 billaabaysaa fasalka koowaad carruurta dhalatay sannadkii 2019, fasalka saddexaad kuwa dhashay sannadkii 2017 iyo kuwa dhashay sannadkii 2013 oo billaabaya fasalka todobaad. Sawir: Maija Astikainen

Miyuu cunuggaagu billaabayaa Agoosto 2026 fasalka koowaad, saddexaad ama todobaad ee dugsiga hoose-dhexe? U codso isaga booska waxbarashada la xoojiyay (painotettu opetus)!

Marka lagu jiro waxbarashada la xoojiyay, fasalka ardayga ayaa maaddo gaar ah ku takhasusaya. Ku takhasusidda darteed ayaa laga yaabaa in todobaadka dugsigyeedka cunuggu noqdo mid 1–2 saac ka dheer fasalka caadiga ah. Waxbarashada la xoojiyay waxay qaadataa waxbarashada aasaasiga ah, yacni illaa iyo dhammaadka fasalka sagaalaad.

Waxaa waxbarashada la xoojiyay lagu codsadaa ku dhowaad markasta imtixaanka gelitaanka. Cunuggu wuxuu hal codsi ku codsan karaan ugu badnaan shan goobood oo kala duwan. Maaddooyinka la xoojiyay oo dhan laguma baran karo dugsiyada oo dhan. Waxaa laga yaabaa in ay cunugga qasab ku noqoto, in uu dugsiga beddesho haddii uu boos helo.

Maadooyinkee ayuu cunuggaygu ku takhasusi karaa fasalka 1aad?

Waxaa fasalka koowaad la kala dooran karaa saddexda maaddo ee soo socota: 

  • Muusik (Musiikki): heesid, muusik garaacid, aqoonta muusikada, taariikhda muusikda iyo jimicsiga muusikada
  • Waxbarasho buuxda oo ku baxaysa afka ingiriiska (englanninkielinen opetus)
  • Waxbarasho labomluqadeed ah (kaksikielinen opetus): finnish iyo mid kamid ah luqadahan soo socda: isbanish, shiinees, istooniya, iswiidhish, ruush, ingiriis ama woqooyiga saame. Imtixaan gelitaan laguma codsanayo waxbarashada labada luqadeed ah ee fasalka 1aad.

Ka fiiri bogagga magaalada Helsinki sharraxaadda rasmiga ah ee maaddooyinka.  

Waxbarashada la kala dooran karo ee ku billaabanaysa fasalka koowaad (af ingiriis)

Maadooyinkee ayuu cunuggaygu ku takhasusi karaa fasalka 3aad?

Waxaa fasalka saddexaad la kala dooran karaa maaddooyinka soo socota:

  • Aqoonta wax soo jeedinta (Ilmaisu): is-sheegitaan iyadoo la kaashanayo hadal, dhaqdhaqaaq, qoob-ka-ciyaar, tiyaatar iyo muusik.
  • Muusik (Musiikki): heesid, muusik garaacid, aqoonta muusikada, taariikhda muusikda dhaqdhaqaaqa muusigga.
  • Farshaxan sawireed (Kuvataide): wax sawiridda, rinjiyaynta, qaabaynta iyo dhisidda iyadoo farsamooyin kala duwan la kaashanayo.
  • Jimicsiga (Liikunta): indha-indhaynta noocyada jimicsi oo kala duwan, barashada dheellitirka jirka iyo isticmaalidda qalabka.
  • Qoob ka ciyaarka casriga ah (Nykytanssi): bandhigista, daawashada bandhigyada qoob ka ciyaarka iyo ka sheekeysiga qaab ka ciyaarka.
  • Muujinta farshaxanka (Taideilmaisu): is-sheegitaan iyadoo la isku xirayo farshaxan sawireedka, muusikada, farsamada gacanta iyo aqoonta falgudbinta.

Ka fiiri bogagga magaalada Helsinki sharraxaadda rasmiga ah ee maaddooyinka iyo maaddooyinka lagu bixinayo dugsiyada kala duwan. Waxaad macluumaadyada xiriirka ee dugsiyada ka heleysaa linkiga ka hooseeyaa maaddo kasta.

Waxbarashada la kala dooran karo ee ku billaabanaysa fasalka saddexaad (af ingiriis)

Maadooyinkee ayuu cunuggaygu ku takhasusi karaa fasalka 7aad?

Ka sokow maaddooyinka kor lagu soo sheegay, waxaa fasalka todobaad lagu dooran kartaa maaddooyinka soo socda:

  • Luqadda laatiinka (Latina)
  • Farshaxannada iyo jimicsiga: farshaxan sawireedka dijitaalka ah (digitaalinen kuvataide), farshaxanka qoob ka ciyaarka (tanssitaide), dhaqaalaha guriga iyo jimicsiga (kotitalous ja liikunta) iyo weliba dhaqdhaqaaqa, qoob ka ciyaarka iyo sheegitaanka oo wada dhan (liike, tanssi ja ilmaisu).
  • Culuunta iyo tiknolojiyada: xisaabta (matematiikka), culuuna sayniska (luonto ja tiede) ama iskuxirka xisaabta iyo culuunta sayniska oo wada dhan (matematiikka-luonnontiede) iyo weliba waxbarashada fahamka tiknolojiyada (teknologiakasvatus).
  • Waxbarashada fahamka warbaahinta iyo isgaarsiinta (Mediakasvatus ja viestintä)

Ka fiiri bogagga magaalada Helsinki sharraxaadda rasmiga ah ee maaddooyinka iyo maaddooyinka lagu bixinayo dugsiyada kala duwan. Waxaad macluumaadyada xiriirka ee dugsiyada ka heleysaa linkiga ka hooseeyaa maaddo kasta. 

Waxbarashada la kala dooran karo ee ku billaabanaysa fasalka todobaad (af ingiriis)

Sidee ayaan cunuggayga ugu codsan karaa booska waxbarashada la xoojiyay?

Marka aad u codsanayso fasalka koowaad, ka diiwaangeli inta lagu jiro wakhtiga codsiga shabakadda adeegga ee Asti adigoo isticmaalaya af finnish, iswiidhish ama ingiriis.

  • Wakhtiga codsiga ee fasalka koowaad waa 12.– 25.1.2026

Marka aad u codsanayso fasalka saddexaad iyo todobaad, ka diiwaangeli inta lagu jiro wakhtiga codsiga adeegga shabakadda Wilma ee dugsiyada ka dhexeeya adigoo isticmaalaya af finnish, iswiidhish ama ingiriis. 

  • Wakhtiga codsiga ee fasalka saddexaad waa 19.1.– 1.2.2026
  • Wakhtiga codsiga ee fasalka todobaad waa 2.–16.1.2026

Haddii aadan haysan aqoonsiyada Wilmada, aqoonsiga bangiyada Finnishka ama xaqiijinta mobaylka, waxaad inta lagu jiro wakhtiga codsiga buuxin foomka codsiga elegtroonigga ah ee ku jira bogagga shabakadda magaalada Helsinki.

Haddii aadan foomka ka buuxin karin shabakadda, waxaad wici kartaa xoghaynta dugsiga (koulusihteeri) ee dugsiga ah rajada codsiga koowaad ee cunugga. 

Adeegga danqabsashada ee Asti (af ingiriis)(Link leads to external service)  
Adeegga shabakadda ee Wilma (af ingiriis)(Link leads to external service)

Xusuusnow in aad ka qaybgasho imtixaanka gelitaanka!

Marka aad codsato waxbarashada la xoojiyay, cunuggaagu waa in uu ka qaybgalaa imtixaanka gelitaanka. Lama soo dirayo caasumaad imtixaan, sidaas darteed waa in aad horay uga sii hubisaa jadwallada imtixaanaadka bogga shabakadda dugsiga.

  • Imtixaannada gelitaanka muusikada ee fasalka koowaad waxaa la qabanaqaabinayaa 26.1.–11.2.2026
  • Imtixaannada gelitaanka ingiriiska ee fasalka koowaad waxaa la qabanaqaabinayaa 30.1.2026
  • Imtixaan gelitaan ma lahan waxbarashada luqabada luqadeed ah ee fasalka koowaad. Waxaa boosaska lagu helayaa qorituur.
  • Imtixaanaadka gelitaanka ee fasalka saddexaad waxaa la qabanqaabinayaa 23.2.–13.3.2026
  • Imtixaanaadka gelitaanka ee fasalka todobaad waxaa la qabanqaabinayaa 26.1.–26.2.2026

Haddii uu ilmahaagu ku jiray intii lagu jiray sannadka 2025 fasalka diyaarinta ah ee xoojinta aqoonta luqadda finnishka ama iswiidhishka, wuxuu xaq u leeyahay in uu imtixaanka gelitaanka ku isticmaalo qalabka tarjumaadda ama turjubaan. 

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan doorashada fasalka waxbarashada la xoojiyay, codsashada waxbarashada ama ka qaybgalka imtixaanka gelitaanka, waxaad caawimaad ka codsan kartaa dugsiga cunuggaada. Macallimiinta ayaa sidoo kale sheegaya fasallada waxbarashada la xoojiyay ee ay haystaan ama dugsiga aad ka baran karto maaddada aad rajaynayso.

Waxbarashada la xoojiyay (af ingiriis)
"War: Waxbarashada la xoojiyay waxaay ahayd go'aan aad u fiican" (af ingiriis)

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso