Helsinki waxay u diyaargarowday xiisadaha dhibaatada ah

U diyaargaroobista waxaa loola jeedaa ku sii talagelista xalaadaha aan caadiga ahayn ee kala duwan. Magaaladu waxay u diyaargarowday xiisadaha daran iyadoo tusaale ahaan gabbaadyada dadweynaha u dhistay dadka reer Helsinki oo dhan. Aqri, waxa aad ka qaban karto hagaajinta ammaankaada.
Väestönsuojaan rakennettu skeittihalli Luuppi.
Hoolka iskaytiga ee Kontula Luuppi wuxuu u shaqeeyaa sidii gabbaadka dadweynaha ee guud. Sawir: Pelastuslaitos

Gabbaadyada dadweynuhu waxay dadka deegaanka deggan ka difaacaan xasaradaha daran sida kuwa xilliga dagaalka.

Sida ku cad isbarbardhigga caalamiga ah, Finland waxaa ku yaal shabakad gabbaadka dadweynaha ah oo aan caadi ahayn aan u ballaaran. Helsinki waxaa ku yaal in ka badan 5000 oo gabbaadka dadweynaha ah, kuwaas oo qaada qiyaastii 950 000 oo qof. Tirada dadka Helsinki ku nool waa qiyaastii 700000 qof.

Calaamadda caalamiga ah ayaad ku aqoonsanaysaaa gabbaadka dadweynaha. Waxaa gudaha calaamadda midabka casaan hurdiga ah ku dhexyaal saddex gees buluug ah.

Halkee ayaan ka helayaa gabbaadka dadweynaha ee iigu dhow?

Daaraha dabaqyada ah badankood waxay leeyihiin gabbaadyo dadweyne oo u gaar ah. Haddii aanu gabbaadka dadweynuhu guriga ku oolin, waxaad gabbaadka kuugu dhow meesha ay ku taal ka heleysaa kaartada adeegga magaalada Helsinki.

Gabbaadyada dadweyne ee ku jira kaartada adeegga ee maagaalada Helsinki (af ingiriis)(Link leads to external service)

Ku faaruji 72 saac gudohood gabbaadka dadweynaha 

Gabbaadyada dadweynaha ee Helsinki ayaa sidoo kale la isticmaalaa xittaa marka lagu jiro xaaladaha caadiga ah. Gabbaadyada dadweynaha ee ku yaal daaraha dabaqyada ah ayaa inta badan bakhaar ahaan loo isticmaalaa. Gabbaadyada dadweynah ee waaweyn waxaa ku yaal garoonnada ciyaaraha, hoolalka jimicsiga, hoolaka baarkinnada baabuurta iyo xittaa hoolka dabaasha.

Saraakiisha ayaa saddex maalmood kahor kugu soo wargelinaya haddii gabbaadka dadweynaha loo isticmaalayo gabbaad ahaan. Waa in aad bakhaarada ku yaal gabbaadka dadweynaha ku faarujisaa 72 saac gudohood oo ka billaabanaysa marka aad wargelinta heshay.

Xusuusnow, in qofkasta oo deggan guriga dabaqa ah uu isagu bakhaarkiisa faarujiyo.

Halkeen ka ogaanayaa wakhtiga ay tahay in aan aado gabbaadka dadweynaha?

Marka aad maqasho wiishka digniinta khatarta adigoo bannaanka jooga, u wareeg gabbaadka dadwweynaha ee kuugu dhow. Waxaa wiishka digniinta ku aqoonsanaysaa dhawaaqa si kaltan ah marna u kacaya marna u degaya, kaas oo soo noqnoqonaya muddo daqiiqad ah.

Marka lagu jiro xaalad degdeg ah, saraakiisha ayaa sidoo bixinaya ogeysiiska khatarta jirta, kaas oo ka heleyso bogagga shabakadda warbaahinta qaranka ee Yle, kanaalada idaacadaha iyo telefishinnada. Ogeysiiska khatar jirta ayaa sidoo kale soo gelaya ablikeeshinka '112 Suomi', kaas oo aad telefoonkaada ku soo degsan karto.

Saraakiisha ayaa Isniinta ee koowaad ee bilkasta saacaddu marka ay tahay 12 tijaabisa qalabka digniinta dadweynaha. Waxaad bannaanka ma maqlaysaa dhawaaqa wiishka oo wakhti gaaban ah, laakiin uma baahnind in aad wax samayso. Saraakiisha ayaa hubinaya in qalabka digniintu ay dhab ahaantii shaqaynayaan.

Wararka warbaahinta qaranka ee Yle (af Soomaali)(Link leads to external service) 
Soo degso ablikeeshinka '112 Suomi' (af ingiriis)(Link leads to external service)

Maxaan u sii qaadan karaa gabbaadka dadweynaha?

Haddii aad aadayso gabbaadka dadweynaha iyadoo lagu jiro xaalad degdeg ah, sii qaado ugu yaraan markasta:

  • Aqoonsi,
  • cunto iyo cabitaan,
  • daawooyinkaada gaarka ah,
  • kaniiniga Jodi,
  • kiishka hurdada iyo salliga dalxiiska gaaban loo qato.

Xusuusnow, in aadan gabbaadka dadweynaha u wadan karin xayawaanka guri joogto ah ama qalabka kulka dhaliya sida qalabka wax lagu kariyo ee gaaska ku shaqeeya ama feynuus. Waxaa kale oo gabbaadka dadweynaha mamnuuc ka ah daroogada iyo hubka.

Sideen ugu diyaargaroobi karaa xasaradaha?

Ku noolaashaha Helsinki waa ammaan, laakiin qof kasta oo reer Helsinki ah waa in uu u diyaargaroobaa tusaale ahaan haddii la jirrado ama korontadu go'do. Saraakiishu waxay ku talinayaan, in aad gurigaada dhigato maaddooyinka aan nololmaalmeedka looga maarmin oo qoyskaaga ku filan 72 saacadood.

Maaddooyinka guriga la dhigto waa:

  • 6 liitar oo biyo ah oo qofkiiba loogu talagalay,
  • cuntooyinka sida wanaagsan u kaydsama,
  • daawooyinka aan lagama maarmin iyo agabka gargaarka degdegga ah,
  • beteriyaal iyo raadiyaha iyo tooshka beteriga ku shaqeeya,
  • warqadda musqusha, shukumaannada wax lagu qooyo iyo jeermisdilaha gacmaha,
  • sharootada eerkondhishaka,
  • lacag yar oo kaash ah.

Marka lagu jiro xaalad degdeg ah, wac lambarka xaaladaha degdegga ah oo Finland ka ah 112.

Hagitaannada diyaargaroobista: Qofka diyaargaroobay si aad u wanaagsan ayuu wax u qabanayaa (PDF, af Soomaali)(Link leads to external service)

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso