
Dhibaatooyin noocyo badan ayaa la xiriiri kara nolosha carruurta iyo dhallinyarada. Waxay tusaale ahaan kula kulmi karaan dugsiga dhibitaan ama waxbarashada oo ku adkaata ama waxaa laga yaabaa in ay guriga ku galaan muranno badan. Dhibaatooyinkaas dartood ayuu da'yarku u dareemi karaa murugo, kelinnimo ama ammaandarro.
Marka ay dareennada xun daba-dheeraadaan waxay isu beddeli karaan dhibaatada caafimaadka dhimirka. Haddii ay ku adagtahay in uu ka gudbo fikradaha xun, wuxuu da'yarku u baahanyahay caawimaadda xirfadlaha si uu dhibaatooyinka uga baaraandego. Waxa ugu muhiimsan waa, in cunugga ama da'yarku aanu kali ku noqon welwellada.
Sharciga cusub ayaa dammaanadqaadaya helista teraabiyada oo ka dhakhsiyo badan sidi hore
Sharciga Terapiatakuu wuxuu dhaqangalay Maajo 2025. Sharcigu wuxuu quseeyaa dhammaan dadka kayar 23 sano, ujeeddada laga leeyahayna waa wanaajinta helista adeegyada caafimaadka dhimirka ee carruurta iyo dhallinyarada.
Sida sharcigu dhigayo, degmooyinku waa in ay daryeelka billaabaan 28 maalmood gudohood oo ka billaabanaysa, marka uu xirfadluhu caddeeyo, in cunugga ama da'yarku uu caawimaad u baahanyahay. Daryeelku wuxuu noqon karaa tusaale ahaan teraabiyo gaaban. Teraabiyo gaaban waxaa loola jeedaa mid caawimaad la sheekeysi oo uu xaddidanyahay wakhtiga ay qaadanayso. Hadafkeedu waa in taageero loo fidiyo kahor inta aanay dhibaatooyinku sii xummaan.
Daryeelka qaybta ka ah xayndaabka Terapiatakuu waxaa loogu talagalay calaamadaha cudurka caafimaadka dhimirka ee fudud.
Marka lagu jiray xaaladaha dhibaatada ah, haddii adiga ama cunuggaagu uu qabo tusaale ahaan fikrado is-halligis ah ama fikradu waxyeelleynta dadka kale ah, ka wac Caawimaad Heeganka Helsinki (Päivystysapu) lambarka 116 117.
Meelo badan ayaad taageero uga heleysaa caafimaadka dhimirka
Haddii cunugga ama da'yarku uu qabo dareen xun, wuxuu caawimaad u raadsan karaa si fudud oo degdeg ah. Uma baahna marka uu Helsinki joogo, in loo gudbiyo daryeelka caafimaadka ee wuxuu taageero ka heli karaa meelo badan oo uu yaqaan.
Wuxuu welwelkiisa kala hadli karaa tusaale ahaa:
- shaqaalaha dugsiga ama machadka waxbarashada
- goobta adeegga caafimaadka dhimirka Mieppi
- rugta caafimaadka
- xarunta dhallinyarada
- adeegga mukhaadaraadka dhallinyarada ee Pysäkki
Waxaa caawimaadda doonan kara carruurta ama dhallinyarada naftooda ama waalidkood amaba mas'uulkooda kale.
Adeegyada cilmu-nafsiyaqaanka ee dugsiga (af ingiriis)
Goobta adeegga caafimaadka dhimirka Mieppi (af ingiriis)
La xiriirista rugta caafimaadka (af ingiriis)
Adeegga mukhaadaraadka dhallinyarada ee Pysäkki (af ingiriis)
Waxaa sidoo kale macluumaad iyo taageero ku heli kartaa shabakadda
Waxaad bogagga magaalada Helsinki ee hel.fi/youngmentalhealth ka heleysaa macluumaad ingiriis ku qoran kuna saabsan, sida aad u taageeri karto caafimaadka dhimirka carruurta iyo dhallinyarada. Waxaad sidoo kale heleysaa macluumaad ku saabsan, wakhtiga iyo sida loo codsado caawimaadda xirfadlayaasha.
Waxaa bogga ku jira:
- macluumaad ku saabsan adeegyada caafimaadka dhimirka
- talooyin ku saabsan nololwanaagga qalbiga
- linkiyada khadadka lagu sheekeyso oo ammaan, kuwaas oo dhibaatooyinka lagala hadli karo dhallinyaro ama dad waaweyn oo kale.
Ka aqri caafimaadka dhimirka dhallinyarada hel.fi/youngmentalhealth (af ingiriis)
Macluumaadka dheeraadka ah ee caafimaadka dhimirka oo ku qoran (af ingiriis)(Link leads to external service)