Halkeed ka heshaa dareenka wanaagsan? Waxaa muhiim ah in xilliga jiilaalka xittaa la sameeyo arrimahaas, markaas oo ay dad badan dareemayaan in ay aad u daallan yihiin marka loo eego xilliyada sannadka ee iftiinka ah. Waxaa wanaagsan in a nololmaalmeedka ku jiraan habab wax dejiyo iyo kuwa firfircoonaan keena. Halkan ka baxso tusaalooyinka wakhtiga firaaqada ee adiga kugu habboon!
1. Maktabadaha
Finnishku waxay fiidadka mugdiga ah wakhti badan ku qaataan guriga. Qaar badan ayaa shida shumacyo, shaah caba buugaag fiicanna akhrista. Miyaad ogtahay, in maktabadaha Helmet ee soonaha caasimadda laga helo buugaag ku qoran in ka badan 80 luqadood oo loogu talagalay carruurta iyo dadka waaweyn? Waxaa maktabadda shabakadda Helmet ka raadsan kartaa buugaagta ku qoran luqadda aad rabto kaddibna waxaa lacag la'aan ku dalban kartaa in laguugu keeno maktabadda xaafaddaada. Waxaa barashada afka finnishka caawiya buugaagta ku qoran luqadda fasiix ah oo lagu isticmaalo luqadda finnishka ee fudud. Shaqaalaha maktabadda ayaa kaa caawinaya in aad maktabadda xaafaddaada ka hesho buugaagta ku qoran luqadda fasiixa ah.
Maktabadda shabakadda ee Helmet (af ingiriis)(Link leads to external service)
2. Banaan ku lugabaxsiga
Helsinki waxaa ku yaal 10 garoomada barafka gacan ku samayska ah, kuwaas oo ku taraarixiddoodu aanay lacagi kaaga baxayn. Garoonka barafka Brahe waxaa ku taal meel wax kireysa oo aad lix yuuro uga kireysan karto kabaha barafka lagula taraaraxo. Maalmaha jiilaalka ee barafka leh waxaa iskii'inka ku soo tijaabin kartaa Paloheinä, halkaas oo aad qiimo macquul ah uga kireysan karto looxyada iskii'inka, ulaha iyo kabaha iskii'inka. Marka aad cimilada qabowga ah ku socoto waxaa wanaagsan, in aad iska kor gashato dhowr lakab oo dhar khafiifa ah. Ha hilmaamin koofiyadda, gacmo-gashiga iyo qoordedka. Sii qaadto cunto, sida kaakaawe diirran iyo rooti-macaan.
Garoomada barafka ee gacan ku samayska ah ee Helsinki (af ingiriis)(Link leads to external service)
Kaartada jimicsiga bannaanka (af ingiriis)(Link leads to external service)
3. Jimicsiga gudaha
Goobaha jimicsiga guduhu waxay ku habboon yihiin dadka aan rabin, in ay ku jimicsadaan bannaanka qabowga ah. Hoolalka jimicsiga ee magaaladu waa kuwa qiima ahaan raqiis ah mana loo baahna in xubin laga noqdo. Hoolasha dabaasha ayaa sidoo kale xilliga jiilaalka dad badan soo jiita, sababtoo ah waxaa goobahaas lagula raaxaysan karaa biyo diirran iyo sawno kulul.
Goobaha jimicsiga gudaha (af ingiriis)(Link leads to external service)
Akhri warar dheeraad ah ee hoolasha dabaasha ee magaalada (af soomaali)
4. Madxafyada
Madxafyadu waa meelo ku fiican booqashada haddii uu roob da'ayo ama qabowgu uu yahay 30 digrii. Madxafka magaalada Helsinki waxaa qayb ahaan joogto ah looga helaa Helsinkida carruurta, taas oo ah meel ku fiican in dalxiis gaaban lagula tago carruurta ku jirta da'da ciyaarta. Carruurtu waxay Helsinkida carruurta ku baranayaan qaab dheel iyo baaritaan ah taariikhda Helsinki. Madxafka magaaladu wuxuu ku yaal bartamaha Helsinki, koonaha Senaatintori. Madxafku wuxuu furanyahay maalin kasta lacag la'aan ayaana lagu galaa.
Helsinkida carruurta (af ingiriis)(Link leads to external service)
5. Hiwaayadaha
Janaayo waa wakhti fiican oo la billaabo hiwaayadda wakhtiga firaaqada oo cusub islamarkaana joogto ah. Liiska magaalada ayaad ka heleysaa hiwaayado badan oo lacag la'aan iyo qiimo jaban ah oo loogu talagalay dadka oo dhan da' kastaba ha jiraane.
Hiwaayadaha (af ingiriis)(Link leads to external service)
Sanad cusub oo wanaagsan 2026.