Sidan ayaad adeeg uga heli kartaa xarunta caafimaadka ee Helsinki

Helsinki waxay leedahay 23 xarumood oo caafimaad. Xarunta caafimaad waa meesha koowaad ee lagaa caawiyo marka aad dhibaato caafimaad qabto. Waxaad la xiriiri kartaa xarunta adoo wacaya, adeegsanaya adeegyada dijitaalka ah, ama si toos ah u imaanaya xarunta.
Qof ku socda gaariga socodka kaalmeeya oo hortaagan rugta caafimaadka Myllypuro.
Helsinki waxaa ka jira adeegyada caafimaadka ee dadweynaha oo qiimo jaban taya ahaanna fiican oo loogu talagalay dhammaan dadka deggan. Photo: Virpi Velin

Rugta caafimaadku waxay ku caawinaysaa marka aad qabto jirro kedis ah ama mid wakhti dheer ah. Waxaad rugta caafimaadka ka heleysaa sidoo kale hagitaank ku saabsan horumarinta caafimaadka iyo nololwanaagga, kahortagga jirrooyinka ama is-daaweynta.

Sidan ayaad ula xiriiri kartaa rugta caafimaadka

Qof kasta oo reer Helsinki waxaa loo doortay rug caafimaad oo waafaqsan cinwaanka gurigiisa.

Rugaha caafimaadku waxay telefoonnada ka jawaabaan

  • Isniinta illaa Khamiista saacadda u dhexeysa 8–16
  • Jimcada iyo maalmaha ka horreeya maalmaha ciidaha, saacadda u dhexeysa 8–15

Haddii ay laymanku mashaquulsan yihiin, waxaad reebi kartaa codsiga dib u soo wicista. Isla maalintaas ayaa lagu soo wacayaa. Haddii aadan ka jawaabi karin, mar labaad ayaa lagu soo wacayaa. Waxaad sidoo kale telefoonka ku xallin kartaa arrimaha cunuggaaga.

Haddii aad ku hadasho luqad kale oo aan ahayn finnish ama iswiidhish, waxaad xaq u leedahay turjubaan. Sheeg marka aad ballanta qabsanayso, haddii aad turjubaan u baahantahay. Turjumaaddu waa kuu lacag la'aan.

Halkan ka hel wakhtiyada ay furantahay iyo macluumaadyada xiriirka ee rugtaada caafimaadka (af ingiriis)

Waxaad sidoo kale dantaada ku qabsan kartaa adeegga dijitaalka

Omaolo.fi(Link leads to external service) adeeggiisa ayaad lagaaga caawin karaa calaamadaha cusub ee cudurada ama xanuunaanada sii xumaaday. Maisa.fi(Link leads to external service) adeeggeeda waxaa loogu talagalay qabsashada danaha aan degdegga ahayn. Omakanta.fi(Link leads to external service) adeeggeeda waxaad ku cusboonaysan kartaa tusaale ahaan warqadda daawada laguugu qoray.

Waxaa danqabsashada shabakadda ugu baahantahay aqoonisyada bangiga ee Finnishka ama xaqiijinta mobaylka.

Waxaad dantaada ka qabsan kartaa isla goobta

Waxaad caafimaadka daryeeli kartaa adigoo rugta caafimaadka imaanaya xilliyada ayfurantahay, haddii aanay kuu suuragal ahyn danqabsashada dijitaalka ah ama wicistu.  Waxaa dhici karta in adeeggu uu fayl yahay.

Daryeelka degdegga ah iyo heeganka

Haddii aad si degdeg ah u jirrato ama xanuunki horay kuu hayay uu degdeg u sii xumaado, waxaad u baahantahay daryeel degdeg ah. Ka buuxi qiyaasta calaamadaha xanuunka cinwaanka Omaolo.fi(Link leads to external service) , haddii aad isticmaali karto adeegyada dijitaalka ah

  • Haddii ay rugta caafimaadku furantahay: Wac ama aad rugtaada caafimaadka.
  • Haddii ay rugta caafimaadku xirantahay: Sug inta ay ka furmayso rugta caafimaadku, haddii jirrashado aanay darnayn. 

Marka lagu jiro xaaladaha kale, wac lambarka caawimaadda heeganka ah 116 117. Khadku wuxuu furanyahay maalin kasta afar iyo labaatanka saac sannadka oo dhan. Falyla ayaad ku jiri kartaa ama waxaad reebi kartaa codsiga ah in lagu soo waco. Sida ugu dhakhsasha badan ayaan kuu soo wacaynaa. 

Haddii aad degdeg ugu baahantahay daaweyn, heeganka toos u aad.  

  • Heeganka Malmi ama Meilahti wuxuu kuu adeegayaa haddii aad tahay qaangaar ama aad ka weyntahay 16 sano.
  • Isbitaalka cusub ee carruurtu (Uusi lastensairaala) wuxuu kuu adeegayaa, haddii aad ka yartahay 16 sano.

Macluumaadka xiriirka ee heganka Malmi (af ingiriis)(Link leads to external service)  
Macluumaadka xiriirka ee heganka Meilahti (af ingiriis)(Link leads to external service)  
Macluumaadka xiriirka ee heeganka Isbitaalka cusub ee carruurta (af ingiriis)(Link leads to external service)

Xaaladaha degdegga ah

Haddii uu dhibku aad u daranyahay, sida laab xanuun, neef qabatow ama calaamadaha naafowga, horay ka wac lambarka guud ee gurmadka degdegga ah 112. 

You might be interested in