Madxafka Helsinki (Helsingin kaupunginmuseo) waxaad ka baran kartaa wax cusub oo ku saabsan taariikhda, nololmaalmeedka iyo dhacdooyinka maxalliga ah ee magaalada. Madxafku wuxuu ku yaallaa santarka magaalada koonaha Senaatintori, oo ah sekadaha ugu da'da wayn magaalada.
Madxafka bandhigyada wakhti xaadirkan ka jira waa kuwo ku habboon qoyska oo dhan. Hoolka madxafka oo ah meel raaxo badan ayaad si xor ah wakhti ugu qaadan kartaa oo aad ugu cuni kartaa raashinkaaga aad wadato.
Shaqada cusboonaysiinta ah ee deyrtii hore madxafka ka bilaabatay dhawaan ayaay dhamaatay oo ay diyaar noqotay. Ku soo dhawoow oo soo arag bandhigyada iyo goobaha macaamiisha ee cusub.
Socdaalka taariikhda Helsinki
Bandhigga wayn ee madxafka magaaladu wuxuu ka warramayaa taariikhda magaalada Helsinki ee waagii dhagaxa illaa imika. Bandhigga waxaad ku arkaysaa sida wakhtigu uu u baddalayay muuqaalka magaalada iyo dadkaba. Bandhiggu markuu dhamaado waxaad fadhiisan doontaa tagsi kaa keenaya 1970- kii illaa wakhtigan xaadirka ah. Daahfurka bandhigga wayni wuxuu dhacayaa sabtida 13.6.
Nolosha guryaha dabaqa ah
Dabaqa afraad ee madxafka magaalada waxaa lagu bandhigayaa bandhig la dhaho Tuntematon lähiö. Lähiö waa nawaaxi ku taalla meel santarka magaalada ka baxsan, oo ah meelaha ay dadku sida caadiga ah ku noolyihiin guryo dabaq ah. Bandhiggu wuxuu soo jeedinaya qaybaha xaafadaha aan laga aqoonin badanka. Wuxuu ka warramaya sida xaafadaha Helsinki ay ula muuqdaan dadka ku nool. Bandhiggu wuxuu jiraa illaa 13.9.
Carruurta madxafka u raac
Inkastoo madxafka la cusboonaysiinayo, haddana bandhigga la jecelyahay ee Lasten kaupunki, sidiisa ayuu ahaanayaa maadaama dadka magaalada ku nool ay codsadeen sidaas. Carruurtu waxay qaab ciyaar iyo baaritaan ah bandhigga ugu baranayaan taariikhda Helsinki. Waxaay tusaale ahaan matali karaan ganacsade noolaa 1700 ama macallin noolaa 1930. Carruurta waxaa u bannaan inay taaban karaan agabka lagu soo jeedinayo bandhiga oo dhan.
Sidoo kale wax ka baro bandhigyada kale
Gaar ahaan maalmaha xagaaga ah ee roobku da'ayo ayaay madxafyada magaalada Helsinki ku habboonyihiin in la tago. Guriga dalxiiska ee Hakasalmi (Hakasalmen huvila) oo kaliya ayaa lacag lagu galaa, madxafyada kale oo dhan waa lacag la'aan.
Guriga dalxiiska ee Hakasalmi
Guriga dalxiiska ee Hakasalmi waxaa muddada xagaaga ah oo dhan lagu bandhigayaa sawiro uu qaaday sawiraaga finnishka ah ee caanka ah Stefan Bremer oo uu ka qaday caweynta Helsinki ee 1970- kii iyo 1980-kii. Tigidhka madxafku waa 17 yuuro, kooxaha qiimo dhimista ahna waa 11 yuuro. Lacag la'aan ayeey madxafka ku gelayaan dadka 18 sano kayar. Guriga dalxiisku wuxuu ku yaallaa santarka Helsinki wuxuuna u dhowyahay maktabadda santarka ee Oodi.
Madxafka guriga dalxiiska ee Hakasalmi (af ingiriis) (Link leads to external service)
Madxafka shaqaalaha
Madxafka shaqaalaha (Duunarimuseo) waxaa lagu bandhigayaa guryaha qoysaska shaqaalaha ee Helsinki iyo taariikhda xirfadaha kala duwan ee qarniga 1900. Wuxuu ku yaallaa xaafadda Alppila ee u dhow jardiinada dalxiiska ee Linnanmäki. Madxafku wuxuu furanyahay arbacada illaa axadda illaa 1.11.
Madxafka shaqaalaha (af ingiriis)(Link leads to external service)
Guriga Ruiskumestari
Guriga Ruiskumestari (Ruiskumestarin talo) waa dhismeyaasha alwaaxa ah ee ugu qadiimisan magaalada Helsinki. Madxafka waxaa lagu bandhigayaa nolosha gurigu siday ku ahayd Helsinki 1860-kii. Waxaay ku taallaa meel u dhow madxafka magaalada oo u dhow xaafadda Kruununhaka. Madxafku wuxuu furanyahay arbacada illaa axadda illaa 27.9.
Guriga Ruiskumestari (af ingiriis)(Link leads to external service)
Madxafka taraamka
Madxafka taraamka (Ratikkamuseo) waxaa laga helaa waxqabadyo fiican oo loogu talaggalay carruurta iyo dadka xiiseeya taraamka oo dhan. Waxaad fursad u helaysaa inaad booqato taramyada jiray qarniyadii 1800 iyo 1900 waxaanad wax ka baranaysaa horumarka gaadiidka taramka ee Helsinki. Madxafku wuxuu ku yaallaa xaafadda Töölö. Maalin walba ayuu furanyahay.
Madxafka taraamka (af ingiriis)(Link leads to external service)