Ku soo dhowow Helsinki!

Waad ku mahadsantahay in aad Helsinki u dooratay magaaladaada. Marka aad magaalo cusub u soo guurto, waa in aad indha-indhaysaa guriga cusub islamarkaana barataa arrimo cusub. Adeegyada la qabsashada dalka ee magaalada Helsinki ayaa ku caawinaya marka aad rabto in aad nolol fiican kula noolaato Helsinki.

Haddii aad mardhow timid Finland, akhri marka hore liiska xusuusta ee soo guuraha

Liiska xusuusta ee soo guuraha ayaa sheegaya waxay ay tahay in aad horay ka samayso marka aad Finland timaado. Waxaa bogga ku jira 3 liisaska xusuusta ah. Dooro liiska xusuusta ee saxda ah sida, haddii ka soo guurtay wadamada Woqooyiga Yurub, wadamada midowga Yurub ama waddan ka baxsa midowga Yurub. Marka aad Helsinki isaga rajistareeyso deggane ahaan, macaamiil ahaan isaga diiwaangeli adeegyada la qabsashada dalka. Liiska xusuustu wuxuu ku qoranyahay af ingiriis.

Liiska xusuusta ee soo guuraha - International House Helsinki (af ingiriis)(Link leads to external service)

International House Helsinki ayaa ka heleysaa adeegyada saraakiisha ee aad u baahantahay, marka aad Finland u soo guurto.

  • Goobta adeegga ee International House Helsinki: Lintulahdenkuja 2D dabaqa 2aad, 00530 Helsinki

International House Helsinki (af ingiriis)(Link leads to external service)

Sawir: International House Helsinki

Marka aad Helsinki u soo guurto, imow adeegyada la qabsashada dalka

Marka aad Helsinki u soo guurto, macaamiil ahaan isaga diiwaangeli sida ugu dhaqsaha badan adeegyada la qabsashada dalka. Adeegyadu waa lacag la'aan. Waxaan adeegyada la qabsashada dalka kaaga caawinaynaa helista shaqada, barashada luqada iyo fahamka bulshada Finnishka ah. Xusuusnow, in ay tahay in aad marka hore deggane ahaan isaga rajistareeyso Helsinki. Markaas kaddib ayaad ka qaybgeli kartaa adeegyada la qabsashada dalka.

La qabsasho waxaa loola jeedaa, in aad nolol caadi ah kaga noolaato waddanka cusub. Marka aad dalka la qabsato, waxaad baranaysaa luqadda finnishka ama iswiidhishka, waxbaad baranaysaa, shaqo ayaad heleysaa saaxiibo cusubna waad heli.

Finland waxaa ka jira sharciga la qabsashada dalka. Wuxuu sheegayaa adeegyada ay bulshadu u fidinayso qofka Finland u soo guura. Sharciga ayaa sheegaya kooxaha heli kara adeegyada la qabsashada dalka.

Waxaa adeegga la qabsashada dalka loogu talagalay:

  • dadka shaqo raadinaya
  • dadka aan ku jirin xoogga shaqaalaha

Marka aanu qofku ku jirin xoogga shaqaalaha, wuxuu tusaale ahaan guriga ku xannaaneeyaa ilmo ama waa hawlgab.

Haddii aad Finland degganayd qiyaastii 3 sano ama ka yar, waad ka qaybgeli kartaa adeegyada la qabsashada dalka. Adeegyada la qabsashada dalku waa lacag la'aan. Haddii aadan hubin, in adiga laguuu talagalay adeegyada la qabsashada dalka, la xiriir rugta hagista ee adeegyada shaqaaloobista.

Talabixinta adeegyada shaqaaloobista (af ingiriis) 

Adeegyada la qabsashada dalka ee magaalada Helsinki:

  • waxay kuu sheegayaan macluumaadka muhiimka ah ee Finland
  • waxay kaa caawinayaan helista adeegyada Helsinki
  • waxay kaa caawinayaa in aad nolol fiican kula noolaato Finland.

Waxaa adeegyada la qabsashada dalka qabanqaabinaya adeegyada shaqaaloobidda ee Helsinki.

Adeegyada shaqaaloobista ee Helsinki (af ingiriis)

Haddii aad Finland u timid shaqo ama waxbarasho, goobtaada shaqada ama machadka waxbarashada ayaa ah meesha koowaad ee aad caawimaad uga heleyso ku noolaanshaha waddanka cusub.

Waxaa intaas dheer, in magaalada Helsinki ay leedahay adeegyo adiga iyo qoyskaaga kaa caawinaya inaad ku noolaataan nolol wanaagsan magaalada cusub ee aad degan tahay.

Sawir: Silja Minkkinen/Helsinki Partners

Sidee ayaan macaamiil uga noqon karaa adeegyada la qabsashada dalka?

Waxaan adeegyada la qabsashada dalka uga hadlaynaa waxbarashada, shaqo raadinta iyo barashada luqadda finnishka ama iswiidhishka. Waxaad codsan kartaa in turjubaan uu kaala qaybgalo wadahadalka, marka aad macaamiil ahaan isaga diiwaangelinayso adeegyada la qabsashada dalka. Waxaad sidoo kale codsan kartaa turjubaanka, marka aad la xiriirayso adeegyada la qabsashada dalka.

Haddii aad shaqo raadinayso, halkan nagala soo xiriir

Adeegyada shaqaaloobista ee loogu talagalay shaqo raadiyayaasha (af ingiriis)

Haddii aadan ku jirin xoogga shaqada, halkan nagala soo xiriir

Adeegyada shaqaaloobista ee loogu talagalay dadka aan ku jirin xoogga shaqada (af ingiriis)

Marka aad timaado adeegyada la qabsashada dalka, waxaad ugu horreyn la sheekeysanaysaa khabiir. Waxaad ka wadahadlaysiin waxa aad baratay, nooca shaqada ee aad ka soo shaqaysay iyo waxa aad doonayso in aad ka qabato.

Wareysiga kaddib ayaad waxaad khabiirka la degsanaysaa qorshahaada la qabsashada dalka. Qorshaha la qabsashada dalu waa qorshaha adiga kuu gaarka ah ee ku saabsan, sida aad luqadda u baranayso, boos waxbarasho ama shaqo u heleyso nololmaalmeedkeedana aad caawimaad ugu heleyso. Waxaa qorshaha laguugu xulayaa koorasyada ugu fiican.

Marka aad hesho qorshaha la qabsashada dalka, ka qaybgal koorasyada aad kula heshiisay khabiirka. Waxaad koorsyada ku baranaysaa macluumaad iyo aqoon muhiim ah. Waxay kaa caawinayaan ku dhex noolaanshaha bulshada Finnishka ah. Waa kuu lacag la'aan koorasyada aad kula heshiisay khabiirka.

Marka aad dhammaysato koorasyada la qabsashada dalka, wax badan ayaad ka taqaan dhaqanka iyo luqadda Finland. Waxaad taqaan sida ay bulshada Finnishku u shaqayso, iyo adeegyada adiga laguugu talagaly ee Helsinki laga helo. Marka aad si fiican u taqaan afka finnishka ama iswiidhishka sannado badanna aad Finland deggantahay, waxaad codsan kartaa jinsiyadda Finland.

Faahfaahinta dheeraadka ah ee ku saabsan jinsiyadda Finland ka aqri bogga Hoggaanka socdaala - Migri (af ingiriis)(Link leads to external service)