International House Helsinki wuxuu bixiyaa adeegyo muhiim ah markaad dalka soo dagto. Goobta adeegga ah ee la jecelyahay waxaa ka adeegta ku dhawaad badh ka mid ah dadka Finland soo degay oo dhan.
International House Helsinki waxaa kuugu suurta gal ah:
- Inaad diwaangaliso xuquuqdaada deggenaanshaha, haddii aad muwaadin ka tahay Midowga Yurub.
- Deggene ahaan inaad degmada iska diwaangeliso,
- Lambarka aqoonsiga ayaad codsan kartaa,
- Kaarka canshuurta ayaad codsan kartaa,
- Ammaanka sooshalka iyo kaarka caymiska xanuunka ayaad codsan kartaa,
- Shaqo codsade ahaan ayaad iska diwaangelin kartaa,
- Talooyin ku saabsan soo degista dalka ama adeegyada Helsinki ayaad codsan kartaa.
Maadaama goobta adeegga laga heli karo adeegyo badan oo kala nooc ah, arrimo badan ayaad isla markii aad booqatoba ka qabsan kartaa.
Nagu soo booqo goobta aadeegga ee cusub
Goobta adeegga International House Helsinki ee Sörnäinen ku taalla imika waa la xidhay. Goobta adeegga ee Pasila waxaa la furay 1.6. Goobta adeegga waxaad hadda kaddib ka helaysaa cinwaanka: Ratapihantie 7, 00520 Helsinki.
Goobtu marka ay soo guurto kaddib ammaanka sooshalka ama kaarka caymiska ee xanuunka (Kela-kortti) lagama codsan karo xafiiska adeegga ee waxaad danahaas ku qabsanaysaa adeegga onlin-ka ah. Goobta adeegga waxaad ku isticmaali kartaa kombiyuutar aad ku heli karto xidhiidh maqal iyo muuqaal ah oo aad kula xidhiidhayso shaqaalaha Xafiiska masaariifta dadwaynaha (Kela-da).
Markaad kaarka aqoonsiga aad codsanaysona, waa inaad sidoo kale saldhigga booliska ee Helsinki ka daneysataa. Saldhigga boolisku wuxuu ku ag yaallaa goobta adeegga oo u dhow cinwaanka Pasilanraitio 11, 00240 Helsinki.
Goobta adeegga ee cusub waxaa sidoo kale hadda kaddib ka shaqeynaya Helsinki-info, halkaas oo aad ka helayso talobixin luqaddaada ku baxaysa oo ku saabsan adeegyada magaalada Helsinki ama arrimaha dal soo degista.