Helsinki waxay dabaalatada raaxaynaysa ku dibuhabayn

Helsinki waxay ku dhaq dhaqaaqdaa kaarka 'Helsinki liikkuu' waxaad si jaban ugu isticmaali kartaa barkadaha dabaasha iyo adeegyada isboortiga ee magaalada. Waxaa jira adeeg cusub oo ah tookooyin dabaal oo aan u qabannay dadka waayeelka ah. Waxaa kale oo dabaalatada u furmay hoolka dabaasha ee la jecelyahay ee Yrjönkatu labo sano dayactir ah kaddib.
Yrjönkadun uimahalli.
Waxaad hoolka dabaasha ee Yrjönkatu kula raaxaysanaysaa jawiga u eg goobta nasashada. Sawir: Katri Lehtola

Hoolka dabaasha ee Yrjönkatu dib ayaa loo furay

Hoolka dabaasha ee Yrjönkatu (Yrjönkadun uimahalli) waa hoolka dabaasha dadweynaha. kii ugu horreeyay. Waxaa bartamaha Helsinki laga furay sannadkii 1928.

Hoolka dabaasha ee dhaqan ahaan soo jireenka ah wuxuu dayactir ku jiray labo sano. Dayactirka waa la dhameystiray, hoolka dabaashana waxaa dadweynaha loo furay Febraayo. Waxaa dayactirka lagu hagaajiyay xayiraad la'aanta, farsamada iyo bey'ada u saaxiib ahaanshaha, laakiin muuqaalka kore iyo jawiguba waa sidii hore.

Dumarka iyo raggu waxay hoolka dabaasha ee Yrjönkatu ku dabaashaan maalmo u kala gaar ah. Maalmaha dumarka waa Isniin, Arbaci, Jimco iyo Axad. Raggu waxay ku dabaashaadaan Talaada, Khamiis ito Sabtida. 

Waxaa hoolka dabaasha lagu dabaalan iyadoo la xiranyahay dharka dabaasha a la qaawanyahay. Ogsoonow, in shaqaalaha ay ku jiraan dumar iyo rag. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in tookada dumarka marka lagu jiro uu nin shaqaale ah uu dhexmaro goobaha lagu mayrto.

Lacagta halka mar lagu galo hoolka dabaashu waa 6 yuuro. Waxaad ku geleysaa waaskada dabaasha iyo sawnooyinka dabaqa koowaad.

Gelista hoolka dabaasha ee dabaqa labaad waa 20 yuuro. Waxaa lacagtaas ku jira qol nasasho oo yar, jaakadda qubayska, shukumaan iyo tuwaal yar. Waxaa dabaqa labaad ka heleysaa maqaayad kafateeri ah iyo saddex sawno oo kala duwan.

Hoolka dabaasha Yrjönkatu (af ingiriis)

Haddii aad badanaa dabaalato, iibso kaarka 'Helsinki liikkuu'

Haddii aad marar badan tagto dabaasha, waxaa kuu wanaagsan in aad gadato kaarka 'Helsinki liikkuu'. Kaarku wuxuu joogaa 4 yuuro. Waxaa kaarka ku shuban badeecooyinka adiga ku habboon ee uu jimicsiguna qiimo ahaan kuu jabanyahay.

Tusaale ahaan 10 jeer oo tegista hoolka dabaasha ah waxay joogtaa 48 yuuro, badeecada kuu saamaxaysa in aad gudaha ku gasho muddo lix bilood ah maalmaha shaqada saacadda u dhexeysa 11-15 wuxuu joogaa 60 yuuro.

Waxaa kaarka macaamiisha lagu isticmaalaa dhammaan goobaha jimicsiga ee magaalada, kuwaas oo ay ku jiraan ka sokow afar hoolal dabaal ah, 2 berkadaha dabaasha oo aan dadnayn ah, 7 hoolka jimicsiga gudaha ah iyo 16 hool oo jimicsiga iyo bir qaadista ah.

Waxaad badeecooyinka aad hoolka dabaasha u soo iibsatay kuila jimicsan kartaa xittaa hoolasha jimicsiga ee gudaha iyo hoolalka jimicsiga iyo bir qaadista. Waxaad kaarka ka iibsan kartaa kana buuxsan kartaa dhammaan hoolashada dabaasha ee ay magaalada Helsinki leedahay, kuwaas oo kala ah hoolasha dabaasha ee Itäkeskus (Itäkeskuksen uimahalli), Jakomäki (Jakomäen uimahalli), Pirkkola (Pirkkolan uimahalli) iyo Yrjönkatu.

Ka sii aqri faahfaahinta dheeraadka ah ee goobaha jimicsiga, badeecooyinka iyo qiimaha (af ingiriis)(Link leads to external service)

Tookooyin dabaal lacag la'aan ah oo loogu talagalay dadka waayeelka ah

Dadka waayeelka ah ee Helsinki deggan ee buuxiyay 68 sano waxay lacag la’aan ku geli karaan afar hool dabool oo ay magaaladu leedahay Isniinta illaa Jimcada saacadda u dhexeysa 11–15.

Haddii aad si joogto ah u tagto dabaasha, waxaad markiiba hal sano ku shuban kartaa kaarka 'Helsinki Liikkuu' xaqa dabaasha ee lacag la'aanta ah. Waxaad kaarka ka codsan kartaa kaasada hoolka dabaasha, marka aad hoolka booqato.

Marka koowaad ee buuxsanayso ayaan da'daada ka hubinaynaa aqoonsigaaga, kaarka Kela ay bixiso Hay'adda hawlgabka qaranka ama kaarka macaamiisha ee xarunta qaabilaadda.

Warka ku saabsan tookooyinka dabaasha ee loogu talagalay dadka kaweyn 68 sano (af ingiriis)

Nala wadaag aragti-celintaada ku saabsan hagayaasha hoolka dabaasha Itäkeskus

Haddii aad tagtay hoolka dabaasha ee Itäkeskus, miyaad dareentay hagayaasha cusub ee af Soomaaliga ku qoran?

Dayactirka aasaasiga ah ee hoolka dabaasha ee Itäkeskus wuxuu billaabanayaa qaybta dambe ee sannadka 2027. Magaalada ayaa sidoo kale rabta in inta uu dayactirku socdo ay hagaajiso hagayaasha hoolka dabaasha. Waxaan rajaynaynaa in isticmaalayaashu ka jawaabaan weydiimada aragtidoodna ka dhiibtaan hagayaasha.

Weydiimadu waxay furan yihiin illaa iyo 31.3. Waxaan dadka weydiimaha ka jawaabaha dhexdooda u qorituuraynaa 5 xabo oo kaararka 'Helsinki Liikkuu' ah oo min 10 jeer ah, kuwaas oo lagu geli karo sida hoolalka dabaasha iyo jiimamka.

Ka jawaab weydiimada kana qaybqaado qorituurka (af Soomaali)(Link leads to external service)