Magaalada Helsinki waxay dayactiraysaa barxadda Ylä-Malmi (Ylä-Malmin tori) iyo jardiinada Ala-Malmi (Ala-Malmin puisto), hoolka dabaasha ee Malmina (Malmin uimahalli) waa ay ballaarinaysaa. Waxaa sannadka soo socda billaabanaya dhisidda qolalka cusub ee dugsiga hoose-dhexe ee Malmi (Malmin peruskoulu). Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in tobankan sano ee hadda la billaabo casriyaynta isbitaalka Malmi (Malmin sairaala).
Waxaa barxadda Ylä-Malmi laga dhigayaa mid sidii hore ka wanaagsan
Si waafaqsan rajada dadka deegaanka deggan ayeey magaaladu u casriyaynaysaa barxadda Ylä-Malmi ee u dhow maxadadda tareenka ee Malmi. Barxadda ayaa noqonaysaa mid ka wanaagsan, ka cagaaran kana ammaan badan sidii hore. Dayactirka barxadda ee Sebtembar billowday wuxuu diyaar noqonayaa deyrta 2026.
Waxaa dayactirka lagu cusboonaysiinayaa dhagxaanta jidka, kuraasta, beerista geedaha iyo nalalka jidka. Waxaa sidoo kale barxadda lagu beerayaa geedgaabyo iyo geedo badan.
Waxaa barxadda lagu dhisayaa meel lagu dheelo oo yar oo carruurta loogu talagalay iyo miisas wax lagu iibiyo oo meesha ku dheggan. Magaalada ayaa rajaynaysaa in dadka deegaanku ay miisaska u isticmaalaan tusaale ahaan iibinta alaabta huudhayda ah. Dadka wax ku iibiya suuqa ayaa sidoo kale balbalooyinkooda u helaya boos fiican, waxaa sidoo kale barxadda lagu samaynayaa balanbalooyinka kafeega.
Waxaa jardiinada Ala-Malmi lagu soo kordhinayaa boosas dheeraad ah oo loogu talagalay ciyaaraha iyo munaasadaha
Magaalada ayaa dayactiraysa jardiinada Ala-Malmi islamarkaana hagaajinaysa fursadaha ciyaarista iyo qabanqaabinta munaasabadaha. Garoonka ciidda ah jardiinada ayaa laga dhisayaa meelo loogu talagaly pingiska, shataranji iyo ciyaaraha boojada, waxaana agabka ciyaarta ee goobahaas laga soo ammaahan karaa maktabadda Malmi (Malmin kirjasto) ee goobta u dhow.
Garoonka bartamaha jardiinada ku yaal wuxuu noqonayaa goob munaasabadeed sidii hore ka fiican. Waxaa garoonka lagu dhisayaa tusaale ahaan fadhiga daawadayaasha. Waxaa intaas dheer oo soonaha boos looga qabanayaa masraxa wax soo jeedinta, kaas oo ay magaaladu gadaal dambe ka hirgelinayso.
Waxaa sioo kale jardiinada lagu dhisayaa kuraas qorraxeed, wiifowga jardiinada iyo miisas duurbax oo dheeraad ah iyo qalabka wax lagu solo ama dubo ee jardiinada. Waxaa jardiinada lagu beerayaa nooc dhir ah iyo geedo cusub. Waxaa waaska biyaha ee jardiinada lagu soo kordhinayaa farshaxan cusub.
Dayactirka jardiinadu wuxuu diyaar noqonayaa dhammaadka sannadka 2026.
Dugsiga hoose-dhexe iyo xannaanada Malmi waxay heli doonaan goobo cusub
Dhismaha dugsiga ee lagu magacaabo Pohjola ee uu hadda leeyahay dugsiga hoose-dhexe ee Malmi kuna yaal Kirkonkyläntie ayaa lagu samaynayaa dayactir buuxa waxaana dhiniciisa lagu dhisayaa dhismo cusub. Dhisidda goobaha cusub ayaa billaabanaysa xagaaga 2026. Dayactirku wuxuu diyaar noqonayaa Maajo 2028. Goobaha waxay isku xirayaan goobaha dugsiga hoose-dhexe ee Malmi ee Pohjola iyo Talvela, iyadoona ay sidoo kale halkaas u wareegayaan xannaanooyinka kala ah Takatasku iyo Ylä-Malmi.
Hoolka dabaasha ee Malmi ayaa la ballaarin doonaa inta lagu jiro dayactirka
Hoolka dabaasha ee Malmi waa mid kamid ah goobaha dabaasha Helsinki ee loogu jecelyahay. Hoolka sannad kasta soo booqata 400 000 oo macaamiil ah. Waxaa dayactirka hadda socda lagu ballaarinayaa hoolka dabaasha, kaas oo diyaar noqonaya inta lagu jiro sannadka 2027. Hoolka dabaashu wuu furanyahay inta uu dayactirku socdo.
Qaybta la ballaarinayo ee hoolka dabaasha ayaa lagu dhisayaa berked dabaaleed 25 mitir ah, berkedda orodka biyaha iyo berkedda dabaal barashada dabaasha oo dherekeeda salka la bedbeddeli karo. Waxaa intaas dheer, in soonaha berkedda bannaanka laga dhigayo berkedda jiilaalka oo sannadka oo dhan la isticmaalayo. Carruurta ayaa qaybaha bannaanka ee hoolka dabaasha loogu samanayaa berked biyoodka carruurtu ku ciyaarto, berkedda carruurta, dalcadda yar ee laga soo taraaraxo iyo goobo lagu dheelo.
Isbitaalka Malmi wuxuu helayaa dhimsaha cusub
Waxaa la qorshaynayaa in isbitaalka Malmi lagu soo kordhiyo dhismo cusub oo ay u guurayaan isbitaalka horumarinta baxnaanada, xarunta qoysaska iyo xarunta caafimaadka iyo nololwanaaga. Waxaa dhismaha cusub lagu dhisayaa barta u dhexeysa isbitaalka hadda iyo Kirkonkyläntie, halkaas oo ay hadda ku yaalaan laanta Talvela ee dugsiga hoose-dhexe ee Malmi iyo goobo baabuurta la dhigto. Waxaa dhismaha isbitaalka cusub loo hirgelinayaa qayb-qayb inta u dhexeysa sannadada 2028 iyo 2035.