Munaasabadaha Welcome Day waxaay bisha sebtembar u keenayaan farxad iyo warbixin dadka reer Helsinki ah ee cusub

Waxaan rabnaa inaan Helsinki ku soo dhaweyno dadka cusub ee Finland soo degay. Munaasabadaha Welcome day dadka cusub ee magaalada soo degay waxaay fursad u helayaan barnaamijyada noocyada badan leh waxaayna wax ka baran karaan waxqabadka wakhtiga firaaqada ee soonaha ay ku noolyihiin.
شابّان يمشيان بجانب بعضهما ويتحدثان مع بعضهما في بهو المبنى.
Munaasabadaha Welcome Day waxaa lagu qabanqaabinayaa afar nawaaxi oo mashquul ah oo Helsinki meelo kala duwan kaga yaalla. Sawir: Suvi-Tuuli Kankaanpää

Ma imika ayaad soo degtay Helsinki? Ma rabtaa inaad wax ka barado deegaankaaga iyo adeegyadiisa, hiwaayadihiisa iyo fursadihiisa waxqabadka wakhtiga firaaqada? Ma rabtaa inaad barato dad cusub ama wakhti inaad la qaadato qoyskaaga? Iska diwaangali munaasabadaha lacag la'aanta ah ee Welcome day!

Munaasabadaha Welcome Day waxaa bisha sebtembar ee 2025 lagu qabanqaabinayaa afar nawaaxi oo ku yaalla Helsinki:  

  • Welcome Day Vuotalo arbacada 10.9. saacadda 16-20 Vuosaari, Mosaiikkitori 2
  • Welcome Day Kanneltalo salaasada 16.9. saacadda 16-20 Kannelmäki, Klaneettitie 5
  • Welcome Day Stoa salaasada 23.9. saacadda 16-20 Itäkeskus, Turunlinnantie 1
  • Welcome Day Malmitalo khamiista 25.9. saacadda 16-20 Malmi, Ala-Malmin tori 1

Waxaan ku talinaynaa inaad ka qaybqaadato munaasabadda ugu dhow gurigaagaga ama ku taalla meel si kale kuugu habboon. Sidan ayaad munaasabadda uga helaysaa warbixin faa'idada ugu badan kuu leh. Haddii munaasabadda kuugu dhow aanay kugu habboonayn, waxaad sidoo kale iska diwaangalin kartaa munaasabad kale.

Waxaad iman kartaa wakhti kugu habboon waxaanad joogi kartaa illaa inta aad rabto.

Munaasabadda Welcome Day waxaan inta u badan ku hadalnaa af ingiriis. Munaasabadda waad ka qayb qaadan kartaa xattaa haddii aanad ku hadlin af ingiriis, af finnish ama af iswidhis. Munaasabadda waxaa goob-joog ka ah turjumaano shaqaale badanna waxaay ku hadlaan luqado kala duwan. Waxaa sidoo kale la bixinayaa barnaamijyo badan oo aan u baahnayn wax aqoon luqadeed ah.

Waxqabad noocyo badan leh oo qoyska oo dhan loogu talo galay

Munaasabadda Welcome Day waxaay warbixinta faa'iidada leh ka sakow leeyihiin barnaamij wanaagsan oo carruurta iyo dadka waawaynba loogu talo galay. Ilmuhu waxaay fursad u helayaan dhaqdhaqaaq iyo waxqabad gacanta laga qabanayo: tusaale ahaan Vuotalo, Malmitalo iyo Stoa waxaa lagu tijaabinayaa tabaha siirkuska iyo Stoa iyo Kanneltalo oo lagu sameynayo bulukaatiga saaxiibtinimada. Dadka waawayn waxaay fursad u leeyihiin inay dad cusub ku bartaan waxqabadka.

Munaasabad kastaa waxaay ku soo gabagaboobaysaa bandhig muusig oo tamar leh. Vuotalo waxaa bandhig ku leh Ramithawi, Kanneltalo BaranBand, Stoa Ombre Zion & The Riddiments iyo Malmitalo Suistamon Sähkö. Bandhigyadu waxaay bilaabmayaan 18.30.

Ka qaybqaateyaashu waxaay sidoo kale ku caweyn karaan kafee iyo bulla, sida dhaqanka finnishkaba ku jirta.  

Ku soo dhowaada soo dhoweyn diirran! Munaasabadaha uga warran sidoo kale macaariiftaada dhawaan soo degay Helsinki.

Munaasabaduhu waa lacag la'aan laakiin waxaa daruuri ah in hore layskaga soo diwaangaliyo.

Buuxi foomka oo is diwaangali:

Welcome Day Vuotalo(Link leads to external service)

Welcome Day Kanneltalo(Link leads to external service)

Welcome Day Stoa(Link leads to external service)

Welcome Day Malmitalo(Link leads to external service)

Dhacdooyinka noocee ah ayaa la qabanqaabinayaa?

Vuotalo, Kanneltalo, Stoa iyo Malmitalo waa xarumaha dhaqanka ee magaalada Helsinki. Isla dhismeyaashaas ayaad kaga qaybqaadan kartaa munaasabadaha dhaqanka, waxaad wakhti ku qaadan kartaa maktabadaha, waxaad tagi kartaa kafeelaha waxaanad ka qaybqaadan kartaa tusaale ahaan koorsooyinka luqadda finishka ama farsamada gacanta. Kanneltalo iyo Stoa waxaa sidoo kale ku yaalla xarunta dhallinyarta oo ay dhallinyartu fursad ugu helayaan hiwaayadaha iyo inay la kulmaan asxaabtooda.

Ka akhriso faahfaahin dheeraad ah waraaqaha macluumaadka (bogogga 8-13).

A man leans against a railing in a bright stairwell and looks to the side.
Stoa waxaa bandhig ku leh Ombre Zion & The Riddiments, oo muusigooda laga maqli karo muusiga rithimka leh ee casriga ah iyo dhaqamada afrikaanka ah. Sawir: J Ryder
Thirteen exuberant musicians stand side by side against a beige background, some holding instruments.
Kanneltalo waxaa bandhig ku leh BaranBand oo muusigiisu uu shabaho dhaqanka fariisiinta iyo kurdida.
Four distinctively dressed people stand in front of a blue wall, looking at the camera.
Malmitalo waxaa bandhig ku leh Suistamon Sähkö oo ay iskugu jiraan muusiga dhaqanka iyo ka elegtrooniga ah. Sawir: Mortti Saarnia
A man looks at the camera and holds a rose in a blurry, stylized close-up.
Vuotalo waxaa bandhig ku leh Ramithawi waa abwaan Venezueal iyo Suuria u dhashay.