Waxqabad la hagayo oo carruurta loogu talagalay fasaxa deyrta

Dugsiyada hoose-dhexe ee Helsinki waa xiran yihiin fasaxa deyrta, yacni inta u dhexeysa 13.–17.10.2025. Inta lagu jiro todobaadka fasaxa, magaalada Helsinki waxay barnaamijyo badan ugu qabanqaabinaysaa carruurta iyo dugsileyda magaalada oo dhan. Waxqabadyada jardiinooyinka ciyaarta, maktabadaha iyo xarumaha dhaqanku waa lacag la'aan mana loo baahna in la iska diiwaangeliyo.
Lapset leikkivät leikkipuistossa.
Magaaladu waxay todobaadka fasaxa deyrta u qabanqaabisaa waxqabadyo carruurta da' kasta leh. Sawir: Ville Lehvonen

Dhacdooyinka jardiinooyinka ciyaarta ee carruurta loogu talagalay

Waxaa jardiinooyinka ciyaarta ee magaalada Helsinki badankood loogu qabanqaabiyaa todobaadka fasaxa deyrta qoysaska carruurta leh dhacdooyin loogu talagalay. Waxaa inta badan dhacdooyinkaas lagu hagayaa luqadda finnishka ama ingiriiska, laakiin waa laga qaybgeli karaa xittaa haddii aan luqadda la aqoon. Hoos ka indha-indhee barnaamijyada la qabanayo!

Jardiinada ciyaarta ee Loru, makatabadda dhexe ee Oodi

Jardiinada ciyaarta ee Loru waxay u qabanqaabisaa wakhtiyo waxqabad ilmaha dhallaanka ah iyo qoysaska ilmaha dhallaanka ah haysta, qoysaska carruurta yaryar iyo dugsileyda. Waxaa muddada todobaadka ah jira wakhtiyo waxqabad oo badan, kuwaas oo ay ku jiraan farsamada gacanta, jimicsi iyo muusik. Wakhtiyada waxqabadku waa labo ama saddex jeer maalinti, Isniinta illaa iyo Jimcada. Wakhtiga waxqabadka ee koowaad waxaa la qabanaqaabinayaa 10.00 10.30. saac. 

Cinwaanku waa Töölönlahdenkatu 4, 00100 Helsinki. Jardiinada ciyaarta ee Loru waxay ku taalaa dabaqa 3aad ee Oodi. 

Maktabadda dhexe ee Oodi (af ingiriis)(Link leads to external service)

Jardiinada ciyaarta Kiikku, Kontula 

Waxaad jardiinada ciyaarta ee Kiikku ku barankartaa qoysaska kale ee haysta dhallaanka iyo carruurta, carruurtuna waxay helayaan asxaab ay la dheelaan. Waxaa barqadi lagu qabanqaabiyaa jardiinada ciyaarta waxqabad noocyo badan oo lacag la'aan ah oo la hagayo. Waxyaabaha ku jira barnaamijka todobaadka fasaxa deyrta waxaa kamid ah: 

Cinwaanku waa Kiikku 6, 00940 Helsinki.

Jardiinada ciyaarta Kiikku (af ingiriis)

Dhacdooyin lacag la'aan ah oo qoyska dhan loogu talagalay

Ka sokow jardiinooyinka ciyaarta, waxaa Helsinki ka jira tobaneeye munaasabadood oo loogu talagalay carruurta, dhallinyarada iyo qoysaska carruurta leh, kuwaas oo badankood lacag la'aan ah. Kaalay oo disko ciyaar, daawo kartuun ama dhis robot!

Ka sokow jardiinooyinka ciyaarta, waxaa dhacdooyinnada lagu qabanqaabinayaa maktabado iyo xarumo dhaqameedyo badan. Hoos ka indha-indhee dhowr dhacdo oo todobaadka fasaxa deyrta ah!

Annantalo, Kamppi

Cinwaaku waa Annankatu 30, 00100 Helsinki

Annantalo (af ingiriis)(Link leads to external service)

Malmitalo, Malmi

Cinwaaku waa Ala-Malmin tori 1, 00700 Helsinki.

Malmitalo (af ingiriis)(Link leads to external service)

Vuotalo, Vuosaari

Cinwaanku waa Mosaiikkitori 2, 00980 Helsinki.

Vuotalo (af ingiriis)(Link leads to external service)

Dhacdooyin kale ka hel kalantarka dhacdooyinka

Ka sokow waxyaabaha kor lagu soo ururiyay, waxaa dhacdooyin lagu qabanqaabinayaa meelo badan oo soonaha Helsinki ah. Ka fiiri dhacdooyin dheeraad ah kalantarka dhacdooyinka magaalada Helsinki oo ku qoran af finnish, iswiidhish ama ingiriis.

Waxaad sidoo kale dukaanka ablikeeshinnada ka soo degsan kartaa ablikeeshinka telefoonka ee Leikkipuistot ee cusub. Waxaad halkaas si fudud uga heleysaa jardiinooyinka ciyaarta ee kuu dhow iyo dhacdooyinka oo hal meel ku jira. Waxaa ablikeeshinka lagu heli karaa af finnish, iswidhish iyo ingiriis.

Kalanta dhacdooyinka magaalada Helsinki (af ingiriis)(Link leads to external service)

Ka dhegeyso warka fiidiowga

Waxqabad la hagayo oo carruurta loogu talagalay fasaxa deyrta

Dugsiyada hoose-dhexe ee Helsinki waa xiran yihiin fasaxa deyrta, yacni inta u dhexeysa 13.–17.10.2025. Inta lagu jiro todobaadka fasaxa, magaalada Helsinki waxay barnaamijyo badan ugu qabanqaabinaysaa carruurta iyo dugsileyda magaalada oo dhan. Waxqabadyada jardiinooyinka ciyaarta, maktabadaha iyo xarumaha dhaqanku waa lacag la'aan mana loo baahna in la iska diiwaangeliyo.