Aqoonta luqaddu waxay furtaa albaabka mustaqbalka

Dugsiga hoose-dhexe ee Malmi waxaa wax looga bartaa af finnish iyo ingiriis. Qof kasta ayaa fasalka laba luqadeedka ah ku codsan kara imtixaanka gelitaanka. Shuruudda gelitaanka ee muhiiimka ah waa rabitaanka qofka.
Oppilaat oppitunnilla Malmin peruskoulussa
Photo: Antti Nikkanen

Maxaa "dhuuxa lafta" af ingiriis lagu yiraahdaa? Waxyaabahan oo kale waxaa looga fekerayaa xiisadda uu macallinka afka ingiriiska Sergei Saikkinen ka bixiyo dugsiga hoose-dhexe ee Malmi ee Helsinki ku yaal. Waxaa fasalka ka socda xiisad afka ingiriiska ah ee fasalka labo luqadeedka ah ee 7K. Waxbarashadu waxay inta badan ku baxaysaa ingiriis, laakiin erayada waxaa lagu baranayaa labada luqadood ee wax lagu baranayo. Ka sokow dhuuxa lafta, waxay ardayda fasalka todobaad yaqaanaan n ay sheegeen tusaale ahaan, in unug jirideedka lagu yiraahdo afka ingiriiska stem cell.  Saikkinen wuxuu jecelyahay shaqadiisa macallinnimiada ee fasalka labada luqadeed. "Barashada luqaddu waa fure furaya albaabo badan oo kala duwan ee dhaqamada iyo aragtiyada. Horumarinta aqoonta luqadeed waxay fure u noqonaysaa adduunka.

Englanninopettaja Sergei Saikkinen pitämässä oppituntia Malmin peruskoulussa Helsingissä.
Photo: Antti Nikkanen

Imtixaannada gelitaanka ee guga

Dugsiga hoose-dhexe ee Malmi wuxuu bixiyaa waxbarasho labo luqadeed ah oo ku baxaysa finnish-ingiriis ee fasal-sannadeedyada 1–9. Waxbarashadu waxay ku baxaysaa af ingiriis ugu yaraan boqolkii 25. Ardayda waxaa laga qaadanayaa deegaanka Helsinki oo dhan. Ardayda waxaa lagu xulanayaa imtixaanka gelitaanka ee guga. 

Magaalada Helsinki waxay bixisaa waxbarashada aasaasiga ah oo labo luqadeed ah oo ku baxeysa luqadaha ingiriiska, isbaanishka, shiineeska, saame woqooyi, ruush iyo istooniya. Waxbarashada labada luqadeed ku baxaysa waxaa laga billaabo fasalka koowaad ee dugsiga hoose ama fasalka todobaad ee dugsiga dhexe. Haddii aad u wareegto waxbarashada labo luqadeedka ah ee dugsiga dhexe, waa in aad leedahay aqoon luqadeed oo kugu filan. Ardayga Helsinki u soo guuraya ee horay wax ugu soo bartay waxbarashada aasaasiga ah ee labo luqadeedka ah, wuxuu codsiga joogtada ah ku codsan kartaa fasallada dugsiga hoose-dhexe oo dhan.

Luqadda labaad ee waxbarashada labo luqadeedka ah waa markasta af finnish. Waxbarashada lagu qaadanayo luqadda qalaad waa boqolkiiba 25–50 waxayna waafaqsantahay qorshaha waxbarashada ee uu dugsigu dejiyo. 

Waxbarashada labo luqadeedka ah waxay horumarisaa fahamka maqalka, aqoonta akhrinta iyo qoritaanka iyo aqoonta luqadeed ee afka ah ee ardayga. Waxaa kale oo ay waxbarashadu dhiirrigelisaa caalaminnimada waxayna qofka u carbisaa barashada luqadaha kale. 

Aqoonta luqadeed ee nololmaalmeedka

Ka sokow Saikkinen, waxaa fasalka labo luqadeedka ah ee dugsiga hoose-dhexe ee Malmi wax ka dhigta Elena Ståhle, oo macallin ka ah fasalka 5-6K. Fasalkeeda waxaa ku jira lix arday oo fasalka shanaad ah iyo 14 fasalka lixaad ah. Xiisadaha qaar wadajir ayeey u qaataa, qaarna kala gooni. 

Nidaam ahaan, waxbarashada labo luqadeedka ah waxaa loola jeedaa, in afka finnishka iyo ingiriiska si hufan oo isla socda loola isticmaaliyo. ”Hadafku waa in la xoojiyo labada luqadood. Waxbarashadu waxay markasta ka billaabataa aqoonta luqadeed ee wanaagsan. Marka ay badan tahay aqoonta aad u leedahay waxaad si fiican u awooddaa in aad luqad qalaad barato”, ayeey tiri Ståhle. 

Waxaa waxbarista looga faa'iidaysanayaa nidaamka CLIL, kaas oo laga soo gaabiyay erayada ah Content and Language Integrated Learning. Afka finnishka waxay ku noqonaysaa waxqarashada isku xirta dulucda iyo luqadda. ”Nidaamku wuxuu barashada luqadda ku xirayaa maaddooyinka kale. Waxay noqon kartaa tusaale ahaa arrinta ah, in marka lagu jiro xiisadda ingiriiska aan mowduucyada xiisadda bayolojiga uga hadllayno afka ingiriiska.” 

Luokanopettajat Elena Ståhle ja Sergei Saikkinen kannustavat hakemaan kaksikieliselle luokalle, jos kielitaidon kasvattaminen yhtään houkuttelee. ”Aiempaa kokemusta kaksikielisestä opetuksesta ei välttämättä tarvita.”
Photo: Antti Nikkanen

Waxaa loogu talaggalay ardayda kala duwan

Macallimiintu waxay u arkaan, in fasalka labo luqadeedka ah uu ku habboonyahay dhammaan ardayda xiisaynaysa horumarinta aqoontooda luqadeed islamarkaasna niyad u haya caalaminnimada. Looma baahna in la leeyahay waayo-aragnimo hore oo barashada labo luqadeed ah. ”Waxa ugu muhiimsan barashada luqaduhu waa rabitaanka. Waxaa laga yaabaa in wax ku barashada fasalka labo luqadeed ah darteed ay ugu yaraan billowga hore qabsan kugu noqoto in aad shaqo badan qabato, sababtoo ah waxaa qorshe waxbarasho oo isku mid ah lagu baranayaa labo luqadeed”, ayeey tiri Ståhle. 

Waxaa fasalkeeda ku jira arday kala duwan. Qaarkood waxay guryohooda kula hadlaa afka ingiriiska, qaarkoodna ma lahan waayo-aragnimo hore oo labo luqadeedka ah. ”Hodannimo ayaan u arkaa, in isku koox ay ku jiraan arday ay aqoontooda af ingiriisku kala heer tahay. Waxay wax ku kala baranayaan nololmaalmeedka.” Saikkinen wuxuu u arkaa, in aqoonta luqadeed ay tahay raasamaal aan dukaanka laga soo iibsan karin. Aqoonta luqaddu waxay furtaa albaabka mustaqbalka iyo dunida caalamiga ah. ”Markii aan yaraa ayeey hooyadeed igu dhiirrigelin jirtay barashada luqadda. Waxay si caqligal ah u tiri, in marka aan weynaado aanan u baahnaan doonin in qaamuusyo boorsada ku qaado, ee erayada ayaa adiga ku qaadaya.”
 

Oppilas opiskelemassa puhelimen sovelluksen avulla
Photo: Antti Nikkanen

Wadashaqeyn dhow

Ardayda fasalka todobaad ee dugsiga hoose-dhexe ee Malmi Riiko, 13, Jon, 13 iyo Turkina, 12, waxay ku jiraan fasalka waxbarashada labo luqadeedka ah. Waxay hadda luqadda ingiriiska ku bartaan sida dhaqaalaha guriga, muusikada iyo jimicsiga. Erayada xisaabta waxaa lagu bartaa labada luqadood. 

Fasalka waxaa ku jira lix arday. ”Waxaan noqonnay bulsho isu dhow. Waxaad mooddaa in aan sannado wadajir ahayn, inkastoo aan is naqaanay fasalkii todobaad kaddib”, Tuerdi ayaa sidaas tiri. 

Dhammaan waa ku qanacsan yihiin doorashada ay doorteed wax ku barashada fasalka labo luqadeedka ah. ”Waa fududdahay in mustaqbalka shaqo la codsado, haddii ay aqoontaada luqadeed ay fiicantahay”, Riiko ayaa sidaas ku fekertay. 

Ardayda fasalka todobaad waxay dhiirrigelinayaan qof kasta oo xittaa waxyar xiisaynaya aqoonta luqadeed iyo caalaminnimada, in ay codsadaan fasalka labo luqadeedka ah. ”Dadka qaar hadalka ayeey ka yara baqaan, sababtoo ah waxay u arkaan in ay ku hadlayaan "ingiriiska lahjad kale ah". Qaab dhawaaqu wax macno ah ma lahan. Annaga oo dhan ayaa hadda baranaynaa”, Turkina ayaa sidaas tiri kaddibna waxay aadday saacadda biririfta. 

Qoraalka: Eveliina Lauhio

Matematiikan kaksikielistä opetusta
Photo: Antti Nikkanen

You might be interested in