Dhaqamada loogu talagalay carruurta da’da 0–6 sano
Haddii aad haysato cunug dhashay 2020, aadna deggantahay Helsinki, u diiwaangeli cunuggaaga carruurta waalid sharafeedka dhaqanka (kulttuurin kummilapset)!
Carruurta waalid sharafeedka dhaqanka ayaa ugu yaraan sannadkii labo jeer ka helaya magaalada Helsinki casuumadda munaasabadaha illaa iyo inta uu cunuggu dugsiga ka billaabayo. Munaasabadaha ayaa noqon kara bandhigyo, riwaayado ama hoosyooyin ku xiran sannadka dhalashada cunugga.
Waxaad wakhtiyo farxad leh la qaadanaysaa cunugga. Farshaxanku wuxuu taageerayaa horumarka iyo waxbarashada cunugga iyo nololwanaagga qoyska. Munaasabaduhu waa lacag la'aan ka qaybgalkooduna uma baahna aqoonta afka finnishka.
Sidan samee:
- Ka diiwaangeli ilmahaaga bogagga shabakadda ee adeegga. Adeeggu wuxuu ku shaqaynayaa af finnish, iswidhish iyo ingiriis. Waxaa laga codsanayaa in aad samayso borofaylka Helsinki, yacni aqoonsiyada adeegga lagu galo. Waxaad markaas kaddib foomka ku buuxinaysaa macluumaadkaaga iyo kan cunuggaaga.
- Waxaa iimaylkaaga laguugu soo dirayaa farriin marka bogagga shabakadda lagu soo daabacyo munaasabado cusub.
- Ku gal adeegga aqoonsigaaga kaddibna iska diiwaangeli munaasabadaha adiga ku habboon.
Haddii aad dhib ku qabto sidii aad isaga diiwaangelin lahayd adeegga isticmaalaha ama aad doonayso in aad su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan waxqabadka weydiiso, u dir iimayl cinwaanka kulttuurin.kummilapset@hel.fi(Link opens default mail program) .
Xafladaha carruurta ee maalinta xornimada
Waxaa maalinta xornimada Finland loo dabbaaldegaa Sabtida 6:da Disembar. Maktabadda dhexe ee Oodi ayaa lagu munaasabadda xornimada darteed lagu qabanqaabinayaa xafladaha carruurta oo farxadda leh saacadda u dhexeysa 12–18. Lacag la'aan ayaa lagu gelayaa xafladaha carruurta qoyska oo dhanna waa lagu soo dhoweynaa xafladaynta. Kaalay oo ku raaxayso sirkuska, muusikada, farshaxanka iyo tabab samaynta. Waxaa munaasabadda ku jira waxqabadyo badan oo aan u baahnayn aqoonta afka finnishka ama ingiriiska.
Ka fiiri barnaamijka rasmiga ah bogagga shabakadda Oodi (af ingiriis)(Link leads to external service)
Ku raadi munaasabadaha kale ee carruurta adigoo isticmaalaya habka wax raadinta ee bogga tapahtumat.hel.fi (af ingiriis)(Link leads to external service)
Farxadda jimicsiga ee todobaad kasta
Magaalada Helsinki waxay qabanqaabisaa koorasyo jimicsi oo raqiis ah. Waxaa liiska jimicsiyadaas laga helayaa tusaale ahaan dugsiyada dabaasha, ciyaarta xeegada barafka iyo jimicsi ciyaareedka carruurta loogu talagalay. Hagista koorasyadu waxay ku baxaysaa af finnish iyo ingiriis.
Isdiiwaangelinta koorasyada gugu waa Talaadada 9.12. saacadda u dhexeysa 11–19. Isdiiwaangelinnadu waxay u billaabmayaa qaab kala horrayn ah, yacni horay uga sii hubso bogagga shabakadda wakhtiga isdiiwaangelinta ee kooraskaaga. Si degdeg ah ayeey koorasyada qaarkood u buuxsamaan. Waxaad sidoo kale isdiiwaangelin kartaa wakhtiga isdiiwaangelinta adigoo wacaya lambarka 09 310 28858. Isdiiwaangelintu waxay ku hirgalaysaa af finnish, iswiidhish iyo ingiriis.
Hagitaannada rasmiga ah ee iska diiwaangelinta koorasyada jimicsiga (af ingiriis)(Link leads to external service)
Indha-indhee koorasyada booskaagana ka qabso Liikuntakauppa (af ingiriis)(Link leads to external service)
Xarunta farshaxanka iyo kafteeriyada ee qoysaska carruurta leh
Waxaa wanaagsan in loo jihaysto marka la jaago bartamaha Helsinki xarunta farshaxanka carruurta ee Annantalo oo cinwaankeedu yahay Annankatu 30. Waxaa deyrtan Annantalo laga furan kafateeriyada Napero oo cusub qoysaska carruurta lehna loogu talagalay. Kafateeriyadu waxay maanka ku haysaa carruurta marka ay ku jirto hawsho raashin bixinta, qiimaha iyo cabirka cuntada. Waxaa kafateeriyada laga bixiyaa qaadada maalmaha shaqada ee caadiga ah illaa iyo 16 saac.
Annatalo waxaa lagu baraa samaynta farshaxanka waxaana carruurta loogu qabanqaabiyaa bandhigyo. Inta badan dhacdooyinku waa lacag la'aan. Waxaad tusaale ahaan booqan kartaa bandhigga Piilossa, ka qayngeli kartaa munaasabadaha diskowga la jecelyahay ee AnnanHouse ama waxaad soo mari kartaa hoosooyinka Farshaxan sabtiyeedka ee furan Sabti kasta saacadda u dhexeysa 11–14.
Qoraallada bandhigga iyo hagista hoosooyinku waxay intooda badan ku qoran af finnish ama ingiriis, laakiin ka qaybgalka munaasabaddu uma baahna aqoonta afka finnishka ama ingiriiska.
Kafateeriyada Napero (af ingiriis)(Link leads to external service)
Munaasabadaha Annantalo (af ingiriis)(Link leads to external service)