Xidigaha ruwaayadaha iyo suxufiyada mustaqbalka

Dugsiga hoose-dhexe ee Vuoniitty waxaa lagu bixinayaa waxbaris la xoojiyay oo muusiga iyo miidhiyada lagu qaadanayo Maalinta dugsigu waxaay ku dhamaan kartaa gallinka la soo jeedinayo ruwaayadda ama cusboonaysiinta akawnka baraha bulshada ee dugsiga. Imitixaanaadka doorashada waxaa la qabanqaabiyaa jannaayo.
Xoojinta miidhiyada waxaa codsan kara qof kasta oo fasalka lixaad dhameysanaya. - Dhiiranaanta, awoodaha la shaqeynta kooxaha iyo su'aal iswaydiinta ayaa qofka ka caawinaya, sida uu sheegay macallinka barbaarinta miidhiyada iyo luqadda hooyo iyo suugaanta ee Arto Alho.  Photo: Antti Nikkanen
Xoojinta miidhiyada waxaa codsan kara qof kasta oo fasalka lixaad dhameysanaya. - Dhiiranaanta, awoodaha la shaqeynta kooxaha iyo su'aal iswaydiinta ayaa qofka ka caawinaya, sida uu sheegay macallinka barbaarinta miidhiyada iyo luqadda hooyo iyo suugaanta ee Arto Alho. Photo: Antti Nikkanen

Kalle, 14 sano, wuxuu gacanta ku haystaa mikrofoon isaga oo u eeg inuu la haysto, wuxuuna waraysanayaa macallinkiisa barbaarinta miidhiyada iyo luqadda hooyo iyo suugaanta ee Arto Alho. Ardeyga fasalka la dhigta Joel, 14, ayaa duubaya. 

Kalle iyo Joel waxaay dhigtaan fasalka miidhiyad lagu xoojiyay ee dugsiga hoose-dhexe ee Vuoniitty oo ku yaalla Helsinki. Ardeyda fasalka sideedaad dhigta waa kuwo ku qanacsan waxbarashada ay doorteen. 

- Waxaan xiiseynayaa wararka diyaarintooda iyo isticmaalka kameradda. Saaxiibkay ayaan ka maqlay waxbarista lagu xoojiyay miidhiyada muddo gaaban ayaanan ka fikirayay inaan codsan doono. Waxaan ku faraxsanahay inaan codsaday, ayuu Joel sheegay. 

Waxbarista la xoojiyay waxaay fursad ugu heleen inay tusaale ahaan bartaan qaabka waraysiyada loo sameeyo, isticmaalka kameradda iyo inay cusboonaysiiyaan akawnada baraha bulshada ee dugsiga. 

- Waxaa jabiyay darajadii ugu sareysay ee sawirada suulka la saaray ee dugsiga, markaan sameeyay soo jeedin baraha bulshada ah oo 170 suul la saaray, ayuu Kalle sheegay. 

Kalle iyo Joel labaduba waxaay aaminsanyihiin inay mustaqbalka ka shaqayn doonaan baraha bulshada. Waxaa macquul ah in uu qofku ka shaqeeyo xirfadda suxufiga wararka soo jeediya ama qaabeeyaha ciyaaraha muuqaalka ah. 

Ma dugsiga kuu dhow misa ka waxbarista la xoojiyay?

Dugsiga hoose-dhexe ee Vuoniitty waxaa lagu bixiyaa waxbarista la xoojiyay ee fasalada muusiga iyo miidhiyada. Waxbarista la xoojiyay ee muusigu waxaay ka bilaabataa fasalka saddexaad iyo fasalka toddobaad, waxbarista miidhiyada lagu xoojiyayna waxaa laga bilaabayaa fasalka toddobaad. Waxbarista la xoojiyay waxaa lagu qaadanayaa maaddo gaar ah ama mowduuc gaar ah.

Helsinki waxbarista la xoojiyay wuxuu ardeygu ku codsan karaa farshaxanka dhijitalka ah, suugaanta, farshaxanka, luqadda latiinka, jimicsiga, jimicsiga iyo maareynta guriga, aqoonta dhirta iyo sayanska, xisaabta, xisaabta iyo sayanska, barbaarinta miidhiyada, muusiga, dhaansiga casriga ah, suugaanta farshaxanka, dhaansiga, jimicsiga iyo suugaanta, sayanska dhaansiga, barbaarinta teknolojiyadda iyo isgaarsiinta. 

Imtixaanka doorashada ayaa lagu codsadaa waxbarashada la xoojiyay. Waxaa imtixaanada la qabanqaabiyaa bilaha jannaayo illaa febraayo waxaana lagu sameeyaa casharo lagu qiimeynayo inuu ardeygu awoodayo inuu dhigto waxbaristaas la xoojiyay dugsiga lagu bixinayo. Muddada la codsanayo waa bilaha noofembar illaa diisembar, waxaana foomka codsiga lagu buuxinayaa Wilma-da.

Oppilaat harjoittelevat musikaalin ensi-iltaa varten
Photo: Antti Nikkanen

Waxaa wax lagu baranayaa waxqabad

Macallinka Arto wuxuu sheegay in labada maaddo ee waxbarista lagu xoojiyayba ay ardeyda soo jiitaan. Gaar ahaan xoojinta isgaarsiinta ah ayaa muddadii dambe aad ay dadku sii xiiseeyaan.

- Ardeyda dugsigayaga yimaadda waxaay ka yimaadaan meelo ka baxsan nawaaxiga dugsiga ardeyga u dhow, tusaale ahaan bariga Helsinki, sida uu Arto sheegay. 

Jadwalka ardeyga waxbarista lagu xoojiyay miidhiyadu waa maaddo gaar ah oo la qaato labo saacadood toddobaadkii. Sida kale waxaa waxbarashada loo qaataa sida waafaqsan manhajka waxbarashada. Fasalka toddobaad waxaa si xeel dheer wax looga bartaa soo saaridda miidhiyada, sida duubista, qaabeynta muuqaalada iyo waraysiyada. Fasalka sideedaad iyo fasalka sagaalaad ardeyda dhigta waxaay aad u sii dhigan karaan waxbarashada miidhayada ee ay iyagu gaar u xiiseynayaan. 

- Waxbarista miidhiyada ee la xoojiyay waxaa sal u ah in qofku uu waxqabadka ku barto. Waxaan ku dadaalaynaa inaan qalabka shaqada ardeyda wakhti horeba siino, si ay u diyaarin karaan wax soo saar miidhiyada ah oo iyaga u gaar ah. Intaas waxaa dheer inaan wax ka baranayno dhaqanka miidhiyada, su'aalaha anshaxa ee miidhiyada iyo qeexidda adag ee miidhiyada. 

Booqashada wargeyska

Ardeyda waxbarista la xoojiyay ee miidhiyada qaataa waxaay sidoo kale booqdaan oo ay ka qaybqaataan mashruucyada dugsiga ka baxsan. Fasalka miidhiyadu waxaay qayb tusaale ahaan ka ahaayeen mashruuca barbaarinta miidhiyada ee Yle Uutisluokka, oo dhallinyartu ay go'aan ka qaadanayaan mowduucyada wararka laga sameeyo. Waxaa wararkaas lagu jeedinayaa janalada Yle iyo bogga internetka ee dugsiyada. 

- Waxaa hiigsugu yahay in isla bilowgaba ardeyda loo sameeyo shabakad dad ay wadashaqayn karaan oo fursad sidoo kale u siinaysa inay wax ka ogaadaan waxbarashada sii soconaysa. 

Arto wuxuu sheegay in waxbarista miidhiyada lagu xoojiyay ay ku habboon tahay qof kasta oo xiiseynaya miidhiyada oo mustaqbalka ka shaqeyn doona shaqo miidhiyada la xidhiidha. 

Imtixaanada doorashada waxaa ardeyda fasalka lixaad dhigta loo qabanqaabinayaa bilaha jannaayo illaa febraayo. Aqoon gaar ah oo mowduuca ku saabsan qofka loogama baahna. 

- Waxbarista xoojinta laguma qiimeynayo tusaale ahaan inuu qofku isticmaali karo qalabka kala duwan. Waxaa labada xooga la saarayaa awoodaha wadashaqaynta kooxaha iyo casharo lagu qiimeynayo awoodda uu qofku muuqaalada ku qiyaasi karo. Imtixaanka inuu qofku kasii naxnaxo looma baahna. 

Arto wuxuu ku soo dhaweynayaa ardeyda fasalka lixaad dhigta ee xiiseynaya xoojinta miidhiyada inay ka qaybqaataan imtixaanka doorashada.

- Waxaa aad u fiicnaan lahayd in ardey taariikh soo galooti ah leh ay sidoo kale soo codsadaan dugsigayaga.

Oppilaat harjoittelevat musikaalin ensi-iltaa varten
Photo: Antti Nikkanen

Ka sii naxidda fiidka ugu horreeya ee soo jeedinta 

Hoolka jimicsiga ee dugsiga buuq ayaa ka jira. Ardeyda fasalka sagaalaad dhigta ee xoojinta muusiga ayaa isku diyaarinaya soo jeedinta ugu horreysa ee ruwaayaddooda Shrock. Ruut, 15 waxaay soo jeedinaysaa doorka amiiradda. 

- Waxaan soo tababaranaynay deyrtii oo dhan. Imika toddobaadka soo jeedinta ugu horreysa muddadii aan ku jirnay waxaan tababaranaynay subaxdii illaa fiidkii. 

Sidoo kale macallimadda muusiga Susanna Hallaste ayaa maalmo dheer shaqaynaysay oo aad u jeclaysanaysay. Waa ruwaayaddii toddobo iyo tobnaad ee ay ku hagayso dugsiga hoose-dhexe ee Vuoniitty. 

- Shaqada gunaanadka ee waxbarashada muusiggu mar walba waxaa ka horreeya dadaal iyo farxad aad u badan. Anaga ayaa sameyneyna qoraalka qisada ruwaayadda iyo heesaha qaarkoodba.  Doorarka la matalayo waxaa lagu saleynayaa in qof kastaa uu matali karo inta uu rabo. 

Waxbarista lagu xoojiyay muusiga waxaa la codsan karaa fasalka saddexaad ama fasalka toddobaad. Fasalka saddexaad ardeyda waxbarista muusiga qaatay si toos ah ayaay waxbarista muusiga lagu xoojiyay u galayaan fasalka toddobaad markay gaadhaan. 

- Aqoon hore oo la xidhiidha muusiga qofka inaana looga baahan ayaa laga yaabaa. Sannad kasta ardey ayaa dugsigayaga yimaadda aanan hore u qaadan hiwaayad muusig ah. 

Qoraalka: Eveliina Lauhio

Ardeyda fasalka sagaalaad ee dugsiga hoose-dhexe ee Vuoniitty waxaay ku gunaanadayaan waxbarashadooda ruwaayad. - Fiidka ugu horreeya ee la soo jeedinayo waxaa aad loo sugaa muddada lagu jiro dugsiga hoose-dhexe oo dhan, ayaay macallimadda muusigu Susanna Hallaste sheegtay.  Photo: Antti Nikkanen
Ardeyda fasalka sagaalaad ee dugsiga hoose-dhexe ee Vuoniitty waxaay ku gunaanadayaan waxbarashadooda ruwaayad. - Fiidka ugu horreeya ee la soo jeedinayo waxaa aad loo sugaa muddada lagu jiro dugsiga hoose-dhexe oo dhan, ayaay macallimadda muusigu Susanna Hallaste sheegtay. Photo: Antti Nikkanen

You might be interested in