Magaalada Helsinki waxaay leedahay miisaaniyadda ka qaybgalka ee barnaamijka OmaStadi. Miisaaniyadda ka qaybgalka waxaa loola jeedaa, in dhammaan dadka magaalada deggan ay soo jeedin karaan islamarkaanka codkooda ka dhiiban karaan hindisooyinka la soojeediyay ee ay magaaladu hirgalinayso. Magaaladu waxay hirgelinaysaa soojeedinnada hela coddadka ugu badan.
Hirgalinta soo jeedinada OmaStadi waxaa sannadkan loo qabtay isku gayn 10 milyan oo yuuro.
Waxaan ururinay soojeedinada deyrta 2025. Markaas kaddib ayaan qiyaasnay oo aan soo jeedinadda u xisaabinay kharash. Sannadkan waxaa la sameeyay soo jeedinnadii ugu badnaa, oo ka badnaa 1 700.
Muddada codeynta ee OmaStadi waa mid wakhti xaadirkan socda. Codeyntu waxaay bilaabatay 11- kii Maarso waxaayna dhammaanaysaa 29-ka Maarso. Codee oo noo sheeg sida aad adigu u sii wanaajin lahayd Helsinki!
Hagitaanka codeynta
Codeynta OmaStadi waa mid nawaaxi ku xidhan. Waxaad u codeyn kartaa oo kaliya hal nawaaxi soo jeedinnada khuseeya. Helsinki nawaaxiyada ku yaalla waa toddobo isku gayntoodu. Markaad doorado nawaaxigaaga waxaad u codeyn kartaa ugu badnaan shan soo jeedin.
Markaad soo jeedinada barato, u codee midka aad ugu jeceshahay adiga oo isticmaalaya boogga internetka ee omastadi.hel.fi.
Si aad bogga u gali karto waa inaad haysataa macluumaadka isticmaalka bangiga internetka oo Finnish ah ama xaqiijinta moobaylka. Dugsileydu waaay ku gali karaan macluumaadkooda ay ku isticmaalaan boggaa edu.hel.fi ee magaalada Helsinki ama macluumaadka Wilma-da ee dugsiyada kale.
In lagu aqoonsado waxaay noo xaqiijinaysaa inay dadka codeynaya ay yihiin kaliya dadka xuquuqda codeynta leh.
Markaad doorato shanta doorasho ee aad ugu jeceshahay, xasuusnoon inaad wali hubiso dorashadaada. Markaad xaqiijiso doorashadada codeynta, mar dambe ma baddali kartid.
Baro soo jeedinada OmaStadi (af ingiriis)(Link leads to external service)
Hagitaanada codeynta oo sawir leh - Bogga waxaa ku jira muuqaalo hagitaan ah oo ku qoran af soomaali (af ingiriis)(Link leads to external service)
Miyaad u baahantahay in lagaa taageero codeynta?
Bogga internetka ee OmaStadi ayaad ka akhrisan kartaa oo aad ku reebi kartaa soo jeedinada oo ku qoran af iswidhish ama ingiriis.
Intaas waxaa kuu dheer oo lagaaga kaalmeyn karaa codeynta goobo badan oo adeeg oo magaaladu leedahay sida maktabooyinka waxaana laguugu adeegayaa af finnish, af iswidhish ama af ingiriis.
Kaalmeynta codeynta ee af-soomaaliga ah waxaa bixinaysa African Care oo magaalada kala shaqeynaysa. African Care waxaa kale oo ay bixinaysaa kaalmeyn ku baxaysa af-carabi iyo af-farsi.
- 26.3. saacadda 15-17 munaasabad ayaa ka jirtaa maktabadda Itäkeskus ee cinwaankeedu yahay Turunlinnantie 1.
Munaasabadaha OmaStadi (af ingiriis)(Link leads to external service)