Inaad danahaaga ka dhameysato adeegyada aadka u tirada badan ee magaalada Helsinki waxaay kula noqon kartaa wax la dhibsado, gaar ahaan haddii ay qofka ka soo hor baxaan kalmado qariib ah ama adag. Dadka reer Helsinki ah mar walba waan ku soo dhaweyneynaa adeega la talinta ee Helsinki-info, wayna la iman karaan su'aal kasta oo ay qabaan.
Kooxda la talinta adeegga ku siinaya ee khubarada ah way ku dhageysanayaan wayna hagayaan macaamiisha. Kooxdu waxaay kaa caawinaysaa inaad fahanto habsocodka nidaamyada qaybihiisa kala duwan waxayna kaa taageerayaan helitaanka xogta iyo adeegga.
"Gaar ahaan waxaay macaamiishu su'aalo ka qabaan adeegyada magaalada sida helitaanka adeegga iyo adeegyada caafimaadka iyo qoysaska carruurta leh. Intaas waxaa dheer oo ay rabaan inay wax ka ogaadaan arrimaha soo degidda dalka la xidhiidha, sida sharciyada deggenaanshaha, diwaangelinta Midowga Yurub, codsashada muwaadinimada iyo codsiyada isku keenidda qoyska. Caawimaadda waxa kaloo loo codsado fahanka go'aanada saraakiisha dowladeed," sidaas ayaay sheegaysaa Elena oo ah lataliyaha adeegga ee Helsinki-Info.
Way kuu bannaantahay mar walba inaad timaaddo Helsinki-info adiga oo anan ballan qabsan. Intaas waxaa dheer in adeegga lagu tijaabinayo la talin ballan loo qabsanayo illaa bisha Diisembar. Ballanta hore loo sii qabsaday macaamiilka iyo lataliyaha adeeggaba waxaay ka caawinaysaa inay kulanka isku diyaariyaan. Macluumaadka wada-hadalka fududeynaya ayaa khibradda la talinta horumarinaya waxaayna suuro-galinayaan kulanka si xeel dheer.
Adeegga Helsinki-info waxaad ku heli kartaa caawimaad luqad kasta ah
Macaamiilka iyo lataliyeyaashaba waa u muhiim inay ogyihiin in la fahmayo. "Waxaan sagaal luqadood ugu adeegnaa macaamiil dhaqamo kala duwan iyo khibrado kala duwan leh, taas oo arrimaha in la daryeelo horumarinaysa oo ka dhigaysa wax dhib la'aan ah," Sida ay sheegtay Elena.
Haddii la talinta luqadaha lagu hadlo laga waayo mid ku habboon, waxaay la taliyeyaasha adeeggu isticmaali karaan turjumaad degdeg ah oo taleefanka laga isticmaalo. Sannadkan turjumaadda waxaa lagu isticmaalaya oo kaliya goobaha adeegga. Sannadka soo socda waxaan hiigsanaynaa in turjumaadda sidoo kale lagu helo adeegga taleefanka. Sannadka soo socda wuxuu Helsinki-info keenayaa waxyaabo kale oo cusub.
"Sannadka 2025 Helsinki-info wuxuu u yahay sannad isbaddal wayn wata. Isbaddaladaas waxaay ugu muuqan doonaan macaamiisha muddo yar kaddib in wakhtiyada adeegu ay sidan ka roonaanayaan oo adeegu uu ka noocyo badnaananayo guud ahaanna ka tayo fiicnaanayo," Sida uu sheegayo maamula talo-bixinta ee Helsinki-info Eeli Wördman.
Macaamiisha cusub waan ku soo dhaweyneynaa Helsinki-info
Helsinki-info wuxuu bishii noofembar bilaabay adeegga la dhaho "Talo waa maxay...?", kaas oo loogu dabaal degayo kala duwanaanshaha baaxadda leh ee luqadaha ee magaalada. Mashruucaas waxaa la rabaa in adeegga la talinta lagu gaadhsiiyo dadka aanan wali aqoon u lahayn. Waxaa loo doortay xayeysiiska qayb ka mid ah kalmadaha af-finnishka ah ee adag iyadoo lala kaashanayo la taliyeyaasha adeegga ee Helsinki-info.
La taliyeyaasha adeegga ee Helsinki-info waxaay maalin walba la kulmaan dad su'aalo adag oo kala duwan qaba. Adeegga qaybtiisa ugu fiican waxaay dadkaasi ku sheegeen kooxda ka shaqeysa adeegga ee khubarada ah ee luqadaha kala duwana ku hadasha macaamiishana xaaladaha kala duwan ka kaalmeysa.
La talintu inay muhiim u tahay macaamiisha waxaa loo arkaa inay tahay wax micno wayn leh, sababta oo ah adeeggu wuxuu xattaa taageerayaa dal la qabsigooda. La taliyeyaashu waxaay macaamiisha ka caawinayaan qaabka ay uga soo bixi lahaayeen dhibaatooyinka maalinlaha ah ee ay wax fiican uga sii baran lahaayeen qaabka mushtamaca finnishku uu u shaqeeyo.
La talinta waxaa laga heli karaa taleefan lambarka +358 9 310 111 11 ama chatka. Intaas waxaa dheer in Helsinki-info ay saddex goob oo adeeg ku leedahay Helsinki: xarun-dhaqameedka Stoa ee Itäkeskus ku taalla, International House Helsinki oo Sörnäinen ku taalla iyo maktabadda santarka ee Oodi oo ku ag taalla saldhigga wayn ee tareemada ee Helsinki.