
Magaalada Helsinki waxay barnaamijka OmaStadi ku hirgelinaysaa ka qaybgalka dejinta miisaaniyadda. Waxaa dejinta miisaaniyadda laga qaybgelayo loola jeedaa, in dhammaan dadka magaalada deggan ay soo jeedin karaan islamarkaanka codkooda ka dhiiban karaan hindisooyinka la soojeediyay waxqabadyo ay tahay Helsinki horumarinayso. Magaaladu waxay hirgelinta hindisooyinka u qoondaynaysaa sannadka 2026 10 milyan oo yuuro.
Waxaa hadda socda marxaladda soojeedinta
Waxaad soojeedintaada ku reebi kartaa bogga OmaStadi inta u dhexeysa 22.9.-5.10.2025. Waxaa soojeedinnada la samayn karaa illaa iyo 5.10.2025, saacadda 23.
Soojeedintaadu waxay la xiriiri kartaa wax kasta oo ay magaaladu qabato. Waxaa soojeedin kartaa hagaajinta waxqabadyada jira ama wax cusub ayaad fikrad ahaan u soo jeedin kartaa. Waxaa soojeedinnadi OmaStadi ee sannadihi hore lagu dhisay goobaha lagu jimicsado ee bannaanka ku yaal, waxaa la baraariyay jidadka gaadiidka doomaha ah ee jasiiradaha, waxaa dhallinyarada loo qorsheeyay xarumo ammaan ah geedo dheeraad ahna waxaa lagu tallaalay jardiinooyinka.
Si aad soojeedin u soo gudbiso, waa in aad isaga diwaangeliso sidii isticmaale cinwaanka omastadi.hel.fi. Waxaad soojedinta soo gudbin kartaa kali ahaan ama koox ahaan. Kooxdu waa in ay qof oo soojeedinta ku qoraya bogga doorato. Soojeedinnada waxaa samayn kara dhammaan dadka ka weyn 13 sano. Waxaa soojeedinta lagula qori karaa bogga af finnish, iswiidhish ama ingiriis.
Waxaa soojeedinnada ugu wanaagsan loo gudbinayaa codbixinta Maarso
Waxaa codkaada ka dhiiban kartaa inta u dhexeysa 11.3.-29.3.2026 soojeedinnada ay dadka magaaladu soo gudbiyeen kuwa aad ugu jeceshay.
Magaaladu waxay qiimaynaysaa dhammaan soojeedinnada, si ay suuragal u noqoto in dhab ahaanti la hirgeliyo. Magaaladu waxay isku dari kartaa soojeedinnada iskumidka ah, si aanay dhexdooda u loolamin. Waxaa sidoo kale loo beddeli karaa soojeedinta qaab loo hirgelin karo iyagoo qayb ka ah OmaStadi.
Haddii aanay suuragelin hirgelinta soojeedintu, laguma darayo codbixinta. Magaaladu waxay soojeedinnada la diiday oo dhan ka qoraysaa sababaha lagu diiday, kuwaas oo lagu soo daabacayo bogga shabakadda ee OmaStadi.
Waxaa hirgelinta soojeedinnada codbixinta ku guuleystay lala qorshaynayaa dadka magaalada deggan xagaaga 2026. Magaaladu waxay hirgelinta mashaariicda billaabaysaa deyrta 2026.