Ohjaamo Helsinki waxay dhallinyarada ka caawisaa qaangaarista

Ma tahay da'yar reer Helsinki ah oo u dhexeeya 15–29 sano. Miyaad raadinaysaa shaqo, miyaad ka fekersantahay waxbarashada mise waxaad u baahantahay in lagaa caawiyo nololmaalmeedka? Ohjaamo Helsinki waa goob talabixin oo ay dhallinyaradu leeyihiin, taas oo qaab lacag la'aan ah kuu caawinaysa. Waxaad si fudud oo ballan la'aan ah caawimaad nooga heleysaa xaaladaha kala duwan ee noloshaada.
Koox dhallinyaro ah oo jaranjaro fadhisa Helsinki dhexdeeda.
Dhallinyaradu waxay Ohjaamo ka heleyaa caawimaadda su'aalaha ay ka fekersan yihiin. Photo: Karun Verma

Caawimaad noocee ah ayaan Ohjaamo ka helayaa?

Waxaa Ohjaamo ka shaqeeya khabiiro laamo kala duwan ku takhasusay, kuwaas oo kaa caawinaya tusaale ahaan:

  • Shaqo raadinta: Sideen shaqo u helaa, shirkad u samaystaa ama u qoraa codsiga shaqada?
  • Waxbarashada: Sidee u helaa waxbarasho ama xirfad igu habboon?
  • Arrimaha lacagta: Sidee ayaan ugu dadaalaa dhaqaalaha ama aan u codsadaa caawimaadda iyo kaalmada dowladda?
  • Deegaanka: Sidee ayaan guri u codsadaa waxna u qabtaa, marka aan u guurayo guri aan anigu leeyahay?
  • Nolol-wanaagga: Sidee ayaan naftayda u daryeelaa mustaqbalkaygana u qorsheeyaa marka aan qaangaaro?

Sidee ayaan uga danaysanayaa Ohjaamo?

Adeeggu waa lacag la'aan. Waxaan ku hadalnaa af finnish, iswiidhish iyo ingiriis, laakiin waxaan isticmaali karnaa turjubaan. Waxaad annaga nooga danaysan kartaa adigoo aan magacaaga sheegin. Kaalay noo imow, na soo wac ama iimayl noo soo dir!

Macluumaadka xiriirka ee Ojaamo

  • Ohjaamo Kamppi
    Fredrikinkatu 48, Dabaqqa hoose ee la siman wadada 
    Waxay furantahay Isniin illaa Jimco saacadda u dhexeysa 12–16
  • Ohjaamo Itäkeskus 
    Turunlinnantie 1 
    Waxay furantahay Khamiis kasta saacadda 12–16
  • Lambarka telefoonka: 09 310 25861 (Isniin-Jimco, saacadda 9–15)
  • Iimayl: ohjaamo@hel.fi(Link opens default mail program) . Ha ku qoran farriintaada macluumaadyada ay tahay in sir ahaan loo xafido, sida summadda aqoonsigaada. 

Arrinta ugu muhiimsan waa, in aad nala soo xiriirto, xittaa haddii aanay weli su'aaluhu kuu kala caddayn. Waan ku sugaynaa! 

Faahfaahinta dheeraadka ah ee Ohjaamo Helsinki ka aqri (af ingiriis)(Link leads to external service)

Waxaad sidoo kale kala soo xiriiri kartaa Jodel

Khabiirada Ohjaamo ayaa uga jawaabaha su'aalaha gudaha ablikeeshinka farriimaha ee Jodel, janaalka @helsingintyöllisyyspalvelut. Adigoo aan magacaaga sheegin ayaa farriin noo soo diri kartaa. 

Jodel @helsingintyöllisyyspalvelut (af ingiriis)(Link leads to external service)