Doorashooyinka nololmaalmeedka waara

Indha-indhee adeegyada iyo talooyinka waxqabad ee kaa caawin kara ka dhigista nololmaalmeedkaaga mid waara.

Doorashooyinkeena maalinlaha ah ayaa saamayn ku leh nololwanaaggeena iyo bey'adeenna. Badeecooyinka iyo adeegyadana aan isticmaalno, isticmaalkeenna tamarta, nooca dhaqdhaqaaqeenna, cuntada aan cunno noocee ayaa dhammaan qayb ka ah raadadkeenna ekolojiga ah ee ballaaran. Go'aannada yaryar ee loo bareero sida isticmaalidda gaadiidka dadweynaha, doorashada badeecooyinka dib loo isticmaalo ee waara ayaa si weyn u xakamayn kara isbeddelka cimilada iyo dhammaynta khayraadka dabiiciga ah. Isla doorashooyinkaas ayaa sidoo kale inta badan dhaqaalayn kara lacagta sarana u qaadi kara nololwanaagga. Waxaad bogaggan ka heleysaa talooyinka waxqabadka ee ku saabsan sida aad Helsinki dhexdeeda ugu noolaan karto nolol ekoloji ahaan iyo dhaqaale ahaanba waarta.

Amaaho ama kireyso

Looma baahna in wax kasta la soo iibsato. Kahor inta aadan wax cusub iibsan, ka fikir in aad soo amaahan karto ama kireysan karto shaygaas.

Miyaad ogeyd, in maktabadaha Helsinki aad ka soo amaahan karto qalabka shaqada, agabka jimicsiga ama muusikada? Waxaad sidoo kale ka isticmaali kartaa kambuyuutaro waxna waad ku daabacan kartaa. Maktabadaha qaarkood ciyaaraha ayaa lagu ciyaari karaa, wax baa lagu toli karaa ama waxaa lagu garaaci karaa bianoda.

Amaaho: Buugaag, muusik, ciyaaro, mishiinada wax lagu dalooliyo, ulaha tennista lagu ciyaaro, cabirrada garaaca wadnaha, qoryaha dhaadheer ee barafka lagu wato, kabaha seefaha leh ee barafka lagu wato iyo agabka kala duwan ee muusiga lagu garaaco.

Indha-indhee adeegyada maktabadaha maktabadda shabakadda ee Helmet (af finnish ama af ingiriis)(Link leads to external service)

Varaamo waxaad ka heli kartaa goobaha iyo agabka kala duwan ee magaalada oo aad lacag la'aan ama jabni ku qabsan karto. 

Ballanso: Qolalka shirarka, goobo shaqo, goobo xaflado, goobo munaasabado, istuudiyoyaal, guryo iyo sauna; daabacaadda 3D, makiinadaha harqaanka, leysarka wax lagu jaro iyo daabacaadda sawirada.

Ballanso qolalka iyo qalabka magaalada (af finnish ama af ingiriis)(Link leads to external service)  

Ka fiiri adeegyada kale ee amaahashada iyo kireysashada ee ku jira  Kaartada adeegga(Link leads to external service) (af finnish) 

Ereybixinta uga faa'iidayso helitaanka adeegga. 

lainaus 

amaahasho 

lainaamo, lainaamot

meeshaa wax laga amaahdo, meelaha wax laga amaahdo

varata, varaa

ballansasho, ballanso

vuokraus 

kireyn 

vuokraamo

meesha wax lagu kireeyo

vertaisvuokraus

wax kala kireysashada dadka caadiga u dhexeysa

laite, laitteet, laitteita

qalab, qalabyo, qalabaad

esine

shay

työkalu, väline

qalabka shaqada, agab

Mudnaanta sii alaabta la soo isticmaalay

Marka aad iibsato shay la soo isticmaalay, waxaad isla tayadi aad rabtay ka bixisay lacag yar. Waxaad sidoo kale sadaqo u bixin kartaa ama iibin kartaa alaabtaada weli la isticmaali karo.

Waxaa dukaamada Xarunta dib u warshaqadeynta lagu iibiyaa laguna guddoomaa alaabaha la soo isticmaalay. Dukaamada oo dhan waxaay sidoo kale leeyihiin qayb alaab lacag la'aan ah laga qaadan karo. Dhaqaalaha dukaamada ka soo xarooda waxaa loo isticmaalaa shaqada deegaanka iyo shaqaalaynta dadka.

Ku deeq ama iibso: Dhar, buugaag, maacuun, baaskiilado, agabka guriga, roogag, waaraadka guriga, alaabta carruurtu ku ciyaarto, cd-yada muusiga, mashiinada guriga iyo qalabka elegtrooniga ah.

Indha-indhee qoraal waxqabadka Xarunta dib u warshadeynta (af finnish ama af ingiriis)(Link leads to external service)

Hoosooyinka Uusix waxaa dib loogu hagaajiyaa ama lagu sameeyaa agab ka sameysan alaabta dib loo soo wareejiyay oo waaraya. Hoosooyinka Uusix waxaa ku dhexyaal Xarunta dib u isticmaalidda ee Kyläsaari.

Iibso: Alaab farsamada gacanta lagu sameeyay, kombiyuutaro la hagaajiyay, qaybo ka mid ah kombiyuutarada, baaskiilado la hagaajiyay, qaybo ka mid ah baaskileeddada, agabka wax lagu dhiso.

Ku deeq: Baaskiilo iyo qaybo ka mid ah baaskiilada, waaraad, sharraxaad yaryar, qalabka dhismaha, agabka alwaaxa ah iyo agabka birta ah.

Kaartada adeegga ee Uusix(Link leads to external service)

Xaruntaas shaqada ee Pakila waxaa lagu diyaariyaa oo dib loogu hagaajiyaa agab ka sameysan ashyaa dib loo warshadeeyay.

Iibso: Qalabka guriga ee la hagaajiyay iyo alaabaha guriga ee yaryar.

Xarunta shaqada ee Pakilka ee ku qoran Kaartada adeegga(Link leads to external service)

Helsinki waxaa ku yaalla goobo ay dadku wakhtiga xagaaga ku kulmaan oo ay alaabtooda ku gataan. Qof si gaar ah u qabanqaabinaya ma jiro wakhtiyadaas alaabta la iibinayo ee qof kastaa isaga ayaa ka mas'uul ah goobta uu wax ku iibsanayo. 

Ugama baahnid magaalada oggolaanshaha iibinta, haddii aad alaabtaada iibinayso adigoo aan wax dhismo ah samaynayn (sida miis) dhaqdhaqaaqa dadka kalana ee soonahana aadan xannibayn. Xasuuso si kastaba inaad nadiifiso meelaha aad wax ku gadeysay kana qaad alaabta aan kuu gadmin.

Waxaad jardiinooyinka guud ee huudhayda lagu gado ee xilliga xagaaga ee Stadi ka heleysaa bogga (af finnish)(Link leads to external service)

Waxaad ka iibsan kartaa kuna sii iibin kartaa alaabaha la isticmaalay meelo kale oo badan.

Dukaamada kale ee lagu iibiyo alaabaha la isticmaalay ee ku jira Kaartada adeegga (af finnish)(Link leads to external service)

kirppis, kirpputori, pihakirppis, puistokirppis

suuqa huudhay, suuqa huudhyada, huudhayda ardaaga lagu iibiyo.huudhayda jardiinada lagu iibiyo

itsepalvelukirpputori

suuqa huudhayda ee iskaa u adeegashada ah

kauppa, myymälä

dukaan, goob ganacsi

käytetty

la isticmaalay

vaate, vaatteet

dhar. dhar

uusiotuote

alaab dib loo warshadeeyay

kunnostettu

la dayactiray

Hagaaji oo dayactir alaabtaada

Jiinyeerka miyaa kaa hallaabay, mise duleel ayeey leedahay boorsadaada jeebku? Tijaabi, in aad hagaajin karto. Halkan ka fiiri talooyinka aad adigu wax ku samayn karto ama adeegyada.

Waxaad maktabadaha ka amaahan kartaa ama ku isticmaali kartaa qalabka shaqada oo kala duwan, sida makiinadda birta qorta, qalabka telefoonnada lagu dayactiro, qalabka lagu dhaqo dharka, harqaanka, qalabka tolliinka ama agabka harqaanka.

Tijaabi adigoo isticmaalaya  wax raadinta maktabadda(Link leads to external service) (af finnish ama af ingiriis), in aad hesho waxa aad raadinayso.

Hoosadda baaskiilku waa hoosad furan oo ku shaqaysa mabda'a ah iskaa wax u samayso, halkaas oo aad lacag la'aan ugu dayactiran karto baaskiilkaaga. Waxaa hoosadda laga helayaa qalabka shaqada ee loo baahanyahay dadka sida ikhtiyaariga ah uga shaqeeya hoosadduna waxay bixiyaan talooyin ku saabsan dayactirka.

Indha-indhee waxqabadka Hoosadda baaskiilka (af fnnish)(Link leads to external service)  

Xarumaha jimciyadaha ee Stadi waa goobo hiwaayadeed iyo kuwa kulan oo dadka oo dhan u furan. Xarumo jimciyadeedyo badan ayaa waxaa laga helaa harqaanno iyo wakhtiyo hagitaan lacag la'aan ah oo tolmada dharka la xiriira, kuwaas oo bixinayo fursado lagu barto sida loo dayactiro loona habeeyo dharka. 

Indha-indhee xarumaha jimciyadaha (af finnish) 

Machadka waxbarasho ee shaqaalahu waa machad waxbarasho oo dadka oo dhan u furan. Machadka waxbarashada waxaa ku diyaarsan koorsooyin noocyo badan oo luqado kala duwan ku baxaya. Kumanaanka koorsooyinka iyo munaasabadaha ah waxaad ka dhex heli kartaa koorsooyinka dib u habeynta iyo cusboonaysiinta agabka ama waaraadka.

Iska diiwaangeli adigoo isticmaalaya adeegga ilmonet.fi (af finnish ama af ingiriis)(Link leads to external service)

Halkan ka fiiri  adeegyada dayactirka iyo hagaajinta ee ku jira Kaartada adeegga(Link leads to external service) (af finnish)

Ereybixinta uga faa'iidayso helitaanka adeegga. 

korjaus

dayactir

huolto

hagaajin

ompelimo

dawaar

ompelu

tolmada dharka

ompelukone

harqaan

suutari

kaba-tole

verhoilija

farsamayaqaanka daahyada

kodinkone

makiinad guri

pyörä

baaskiil

työkalu, väline

qalabka shaqada, agab

työkalut, työkoneet

qalabyada shaqada, mashiinnada shaqada

Kala sooc qashinkgaaga

Marka ay alaabtu tahay mid aan isticmaal lahayn, kala sooc si dib loogu isticmaalo. Marka si sax ah qashinka loo kala sooco, waxaa yaraana qashinka isku qasan, markaasna qarash ahaan ayaad wax dhaqaalaysatay.

Kala soocidda qashinku waa mid dhaqaale ahaan caqligal ah, sababtoo ah qashinka aan la kala soocon waxaa ku baxda lacag badan. Marka qashinka si sax ah loo kala sooco waxaa suuro gal ah in agabkooda dib loo warshadeyn karo. Kala soociddu waxay dhaqaalaysaa khayraadka dabiiciga ah waxayna ka hortagtaa in maaddooyinka sunta ah galaan bey'ada.

Qolka qashinka ee shirkadda guriga: Qolka qashinka ee shirkadda guriga waxaad ku reebi kartaa oo kaliya qashinka uu u yaallo weel lagu rido oo u gaar ah. Waa in qashinku uu deeqaa weelka qashinka ee ad ku ridayso. Qolka qashinka iyo nawaaxigiisa nadaafaddiisa ku dadaal, si aanu jiirku u sii tarmin.

Dukaamada: Ku celi dhalooyinka cabitaanka mashiinka otomaatigga ee dukaanka. Lacag ayaa lagaaga soo celinayaa celinta dhalooyinka. Batariyada waxaa la geyn karaa dukaanka. Xusuusnow in aad sharootayso cirifyada batariga – sharootadu waxay ka hortageysaa dabka kaca.  

Goobaha Sortti: Waxaad qalabyada waaweyn iyo qashinka halista ah geyn kartaa goobta Sortti. Haddii aanad baabuur haysanin waxaad codsan kartaa adeegga soo qaadista alaabta.

→  Fiiri meelaha ay ku yaalaan iyo wakhtiyada ay furan yihiin goobaha Sortti(Link leads to external service) (af finnish ama af ingiriis)

→ Dalbo  soo qaadista Sortti ee lacagta ah(Link leads to external service) (af finnish ama af ingiriis)

Baraha kale ee qashinka la geeyo:  Ka hel Kaartada adeegga baraha qashinka lagu uruuriyo ee kala duwan, qaybta Hawlaha qashin ururuinta iyo dib u warshadeynta(Link leads to external service)

Bogga InfoFinland.fi waxaa ku jiraa macluumaadyo badan oo muhiim ah oo loogu talagalay dadka dalka u soo guuray. Bogagga waxaad ka heleysaa hagitaannada kala soocidda qashinka oo luqado badan ku qoran.

→  Sii aqri faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kala soocidda qashinka iyo dib u warshadeynta(Link leads to external service)

kierrätys

dib u isticmaalidda

lajittelu

kala soocidda

jäte

qashinka

kartonki, pahvi

kartoon, baakad

pakkaus

alaab xiran

lasi

dhalo

muovi

caag

metalli

bir

paperi

warqad

sähkölaitteet

qalabka korontada

akut ja paristot

batariyada iyo beteriyada

lamput

nalalka

tekstiili, poistotekstiili 

dhar, dharka la iska bixinayo 

puu

alwaax

vaarallinen jäte

qashinka khatarta ah

kemikaalit

kiimikada

lääkkeet

daawooyinka

roska, roskat

qashin, qashinka

Macluumaadyada dheeraad ah iyo agabka

Bandhigga adeegga ee dhaqaalaha wareegga ee nololmaalmeedka 

Ka soo degso bandhigga adeegga adeegyada dhaqaalaha wareegga ee Helsinki: Sidan ayaad bii'ada iyo lacagba u dhaqaaleyn kartaa – Wax ka baro dhaqaalaha wareega ah(pdf)