Helsinki waxay dayrta 2026 tallaallada hargabka iyo koroona siinaysaa dadka loogu talaggalay tallaalladan 

Haddii aad deggan tahay Helsinki oo aad ka mid tahay dadka loogu talaggalay tallaalka hargabka iyo koroona, waxaad tallaallada ku heli kartaa lacag la'aan. Tallaalladu waa ikhtiyaari, taasoo loola jeedo khasab ma ahan. Akhri warkan si aad u ogaato in aad xaq u leedahay tallaallada iyo inkale, goorta aad qaadan karto iyo sida aad u qabsan karto ballanta tallaalka.
Tallaallada hargabka iyo kuwa koroona waxay kaa difaacayaan cudur aad u daran. Sawir: Silja Minkkinen

Ma xaq ayaan u leeyahay tallaalka hargabka?

Waxaad tallaalka hargabka ku heli kartaa lacag la'aan haddii:

  • aad tahay 65 sano ama ka weyn
  • aad uur leedahay
  • aad dhowaan bilaabayso adeegga ciidanka ama adeegga ciidanka ee ikhtiyaariga ah
  • aad ka tirsan tahay dadka u nugul ama halista ugu jira cudurka sababo la xiriira xanuun ama daryeel
  • aad xiriir dhow la leedahay qof si gaar ah ugu nugul hargab daran
  • aad tahay shaqaale ka tirsan adeegyada arrimaha bulshada, caafimaadka ama adeegyada daawooyinka, kana qaybqaata daryeelka tooska ah ee bukaannada ama macaamiisha
  • aad ku nooshahay ama muddo dheer joogto xarun daryeel ama goob la mid ah
  • aad khatar ugu jirto in aad qaaddo hargabka shimbiraha.

Intaa waxaa dheer, tallaalku waa lacag la'aan carruurta da'doodu u dhexeyso 6 bilood ilaa 6 sano. 

Haddii aad ka yar tahay 65 sano oo aad guud ahaan caafimaad qabto, waxaa adigoo iska bixinaaya kharashka aad tallaalka hargabka ka qaadan kartaa adeegyada caafimaadka ee gaarka ama baraayfadka loo leeyahay.

Ma xaq ayaan u leeyahay tallaalka koroona?

Waxaad tallaalka koroona ku heli kartaa lacag la'aan haddii:

  • aad tahay qof waayeel ah oo ku nool xarun daryeel, ama aad hesho daryeelka guriga ama daryeel uu qof qaraabo ah ku siiyo
  • aad tahay 75 jir ama ka weyn
  • uu difaaca jirkaagu si weyn u daciifay
  • aad tahay 18 jir ama ka weyn, isla markaana aad qabto laba cudur ama ka badan oo kordhiya khatarta ah in uu kugu dhaco cudurka koroona ee daran.

Tallaallada hargabka iyo koroona ee xarumaha caafimaadka

Helsinki waxay tallaallada hargabka iyo koroona ka bixinaysaa xarumaha caafimaadka muddada u dhexeysa 6.10.–20.11.2026, iyadoo dadka loo kala qaadaayo kooxo da'dooda ku salaysan. Tallaallada waxaa laga bixinayaa xarumo caafimaad oo gaar ah, waxaana lagu heli karaa oo keliya ballan hore loo qabsaday.

Haddii aadan hubin in aad ka mid tahay dadka loogu talaggalay tallaalka, waxaad talo iyo caawimaad ka heli kartaa adeegga la talinta caafimaadka, lambarka telefoonka 09 310 10023. Waxaa laguugu adeegayaa luqadaha kala ah af-finnish, af-iswiidhish iyo af-ingiriis.

Akhri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dadka tallaallada loogu talaggalay, jadwalka tallaallada iyo sida ballanka loo qabsado (af-ingiriis).

Goorma ayaan tallaalka koroona ama hargabka ka heli karaa xarunta caafimaadka?

Haddii aad tahay 75 jir ama ka weyn, waxaad tallaallada hargabka iyo koroona heli kartaa muddada u dhexeysa 6.10.–20.11. Labada tallaalba isku mar ayaa lagu siinayaa.

Haddii aad ka yar tahay 75 sano, waxaad tallaalka hargabka heli kartaa muddada u dhexeysa 19.10.–20.11. Waxaad isla wakhtigaas heli kartaa tallaalka koroona, haddii aad sidoo kale ka mid tahay dadka loogu talaggalay tallaalka koroona.

Goorma iyo sidee ayaan ballan tallaal uga qabsan karaa xarunta caafimaadka?

Waxaa lagu talinayaa in aad ballanta marka hore ka qabsato adeegga caafimaadka ee elektoroonigga ah ee Maisa, adigoo isticmaalaya bogga maisa.fi ama ablikeeshinka Maisa. Si aad adeeggaas u gasho, waxaad u baahan tahay aqoonsiga bangiga internetka ee Finland (verkkopankitunnus) ama aqoonsiga moobilka (mobiilivarmenne).

Haddii aadan isticmaali karin Maisa, waxaad ballanka qabsan kartaa adigoo wacaaya lambarka 09 310 46300. Adeeggu wuxuu furan yahay isniinta illaa jimcaha, saacadaha 8–16.

Maisa iyo telefoonkaba waxaa ay adeegga ku bixiyaan af-finnish, Af-iswiidhish iyo af-ingiriis. Adeegga telefoonku ma laha adeegga dib u soo wicista. Soo wicitaanka telefoonka wuxuu ku kacayaa qiimaha wicitaanka telefoonka caadiga ah.

Ballamaha tallaalka waxaa loo furayaa da' kasta wakhti u gaar ah:

  • Dadka 65 jirka ah ama ka weyn, ballan qabsashadu waxay 22.9. ka furmaysaa Maisa, telefoonkana waxaa ay ka furmaysaa 23.9., lambarka 09 310 46300.
  • Dadka ka yar 65 sano, ballan qabsashadu waxay 7.10. ka furmaysaa Maisa iyo telefoonka, lambarka 09 310 46300.

Adeegga daryeelka caafimaadka ee internetka Maisa (af-Ingiriis)(Link leads to external service)

La talinta adeegyada caafimaadka (af-ingiriisi)

Haddii aad uur leedahay ama aad carruur leedahay

Haddii aad uur leedahay ama aad leedahay carruur da'doodu u dhexeyso 6 bilood iyo 6 sano, waxaad tallaalka hargabka ka heli kartaan xaruntiinna rugta daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada (neuvola), marka aad u tagtaan baaritaanka caafimaadka, muddada u dhexeysa 16.11.2026–26.2.2027.

Waxaad sidoo kale rugta daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada (neuvola) si gaar ah uga qabsan kartaa ballanka tallaalka hargabka muddada u dhexeysa 16.–27.11. Waxaad ballan qabsan kartaa laga bilaabo 7.10. adigoo adeegsanaaya Maisaama wacaaya lambarka ballan qabsashada ee rugta daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada (neuvola), 09 310 55530 (isniin–jimce saacadaha 8–14; adeegga dib-u soo wicistu wuxuu shaqeeyaa saacadaha 8–16).

Haddii adiga ama ilmahaagu aad ka mid tihiin dadka loogu talaggalay tallaalka koroona, waxaad tallaalka koroona ka heli kartaan rugta daryeelka caafimaadka dhallaanka iyo hooyada ee Kampi (Kampin neuvola). Ballanta tallaalka koroona waxaad telefoonka oo keliya ka qabsan kartaa laga bilaabo 7.10., adigoo wacaaya lambarka 09 310 55530 (Isniin–Jimce saacadaha 8–14; adeegga dib u soo wicistu wuxuu shaqeeyaa saacadaha 8–16).

Maisa iyo adeegga telefoonka labaduba waxay ku adeegaan af-finnish, af-Iswiidhish iyo af-ingiriis.

La talinta xarumaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka (neuvola) (af-ingiriis)

Rugta daryeelka hooyada iyo dhallaanka Kampi (af-ingiriis) 

Waxaa laga yaabaa inaad xiisaynayso