
Deegaannada cusub ee magaalada waxaa loola jeedaa soonayaasha Helsinki ee adeegyadooda lagu horumarinayo wadashaqeyn lala samaynayo dadka deggan tusaale ahan cusboonaysiinta jardiinooyinka ciyaarta, xannaanooyinka iyo dugsiyada.
Waxaad dhacdooyinka xagaaga deegaannada cusub ee magaalada ku baranaysaa dad cusub waxaadna ka heleysaa waxqabadyo xiiso leh oo qoyska oo dhan loogu talagalay. Waxaan doonaynaa in aan dhammaan dadka reer Helsinki da' kasta oo ay jiraan ku xiisagelinno ka qaybgalka dhacdooyinka soonaha ka dhacaya.
Ka qaybqaadashada munaasabaduhu waa lacag la’aan. Dhammaan soonayaasha dhacdooyinka oo dhan waxay ku yaalaan goobo ku dhow gaadiidka dadweynaha.
Malmi
Feestada lacag la'aanta ah ee xagaaga ee Malmi waxaay keenaysaa jardiinada Ala-Malmi 5.–14.6. muddada u dhaxeysa bandhig faneedyo, munaasabado carruurta loogu talo galay, Konsertooyin, jimicsi iyo sawna.
Malminkartano
Qoob ka ciyaarka xagaaga waxaad fursad ugu helaysaa inaad ku tijaabiso qoobka cayaar lamaane la hagayo oo ka socda Puustellinaukio isniintii 2.6–4.8. saacadda 17.30–18.15. Uma baahnid in aad munaasabadaha horay isaga sii diiwaangeliso.
Mellunkylä
Maktabadda Kontula jimceyaasha waxaay leedahay barnaamijyo mowduucyo kala duwan leh. La kaalay qoyskaaga oo ka soo qayb qaado tusaale ahaan maalinta buufimaha saabuunta, maalinta sheekada, inaad ciyaarto kubadda cagta ama hoosadaha lagu sameynayao abiteyada.
Kannelmäki
Qoob ka ciyaarka xagaaga waxaad fursad ugu helaysaa inaad ku tijaabiso qoobka cayaar lamaane la hagayo oo ka socda Sitratori talaadada 3.6–5.8. saacadda 17.30–18.15. Uma baahnid in aad munaasabadaha horay isaga sii diiwaangeliso.
Faahfaahin dheeraad ah ka akhriso qoob ka ciyaarka magaalada Kannelmäki (af ingiriis)(Link leads to external service)
Meri-Rastila
Xarunta dhaqanka ee Merirasti goobta Meri-Rastila waxaa xagaaga arbacooyinka lagu qabanqaabinayaa waxqabad Popup- ah oo tusaale ahaan hoosadaha ciyaarta 25.6, sirkustka 2.7. iyo 16.7. iyo hoosadaha bahalada 9.7.
Ku soo dhowow oo ku raaxayso dhacdooyinka xagaaga!
Macluumaadka dheeraadka ah ee ku saabsan dhacdooyinka kale waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda ee magaalada iyo maktabadaha, xarumaha dhallinyarada iyo goobaha kale ee dadweynaha ee deegaannada cusub ee magaalada. Ka sokow magaalada, waxaa dhacdooyinka qabanqaabinaya ururo iyo jimciyado badan oo deegaannada ka jira.