
Waxaa marki hore qasab kugu ahayd, in aad taqaan sida looga raadsao bogag internet oo badan adeegyo iyo waxbarashooyin kugu habboon. Waxaad adeegga gacan ku adeegsiga (Palvelumanuaali) ee cusub ka heleysaa adeegyada shaqo raadinta, waxbarashada iyo nololwanaagga. Waxaa adeegyada bixinaya qolooyin la aamini karo sida degmooyinka Uusimaa, soonaha nololwanaagga, Hay'adda hawlgabka qaranka (Kansaneläkelaitos, Kela), machadyada waxbarashada iyo ururada.
Sidee ayuu u shaqeeyaa adeegga gacanta lagu isticmaalo?
Waxaa adeegga kasta lagu sheegayaa cidda loogu talagalay iyo sida aad uga qaybgeli karto. Waxaa adeegga gacanta lagu adeegsado ka akhrisan kartaa, in uu adiga kugu habboonyahay. Waxaad sidoo kale heleysaa fahamka nooca caawimaadda kaa taageeri kara shaqaaloobidda ee aad Helsinki ka heli karto.
Waxaa xaaladdaada nolosha u dooran kartaa kan sida ugu fiican adiga kuugu habboon. Waxyaabaha la kala dooran waa tusaale ahaan: "Waxaan rabaa in aan boos shaqo heli", "Waxaan shaqaaloobiddayda ugu baahanahay waxbarasho dheeraad" ama "Waxaan rabaa in aan xirfadda iska beddelo".
Adeegga gacan ku adeegsigu waa lacag la'aan umana baahnid in aad isticmaale ahaan isaga diiwaangeliso. Waxaad bogga shabakadda ku isticmaali kartaa wakhtiga adiga kugu habboon telefoonka, kambuyuutarka ama tabletka. Waxaa bogga lagu heli karaa af finnish, iswidhish iyo ingiriis.
Indha-indhee adeegga gacanta lagu adeegsado (af ingiriis)(Link leads to external service)
Hababka kale ee nalagu heli karo
Haddii aadan isticmaalin adeegyada internetka ama aadan aqoon luqadda adeegga gacanta lagu adeegsado, waxaad adeegyada kala baaraandegin kartaa khabiirka adeegyada shaqaaloobidda ama laqabsashada dalka.
Kaalay oo soo booqo goobta shaqadda ee Kamppi, cinwaanka Malminkatu 34, 00100 Helsinki. Goobta shaqadu waxay furantahay Isniinta illaa iyo Jimcada saacadda 9-16. Ballan la'aan ayaad ka danaysan kartaa turjubaad dan-qabsashadaada kaa caawiyana waad codsan kartaa.
Waxaad sidoo kale wici kartaa lambarka 09 3103 6107 ama waxaad iimayl u diri kartaa cinwaanka tyollisyyspalvelut@hel.fi(Link opens default mail program) .