Inta tareenada socodkoodu uu go'anyahay, tareenada magaalada dhexdeeda ee I iyo P ayaa maraya inta u dhaxeysa Helsinki–Tikkurila–Lentoasema–Myyrmäki.
Waqooyi galbeedka Helsinki maxaddooyinka tareenka ee ku yaalla dib u habeyntoodu waxaay soconaysaa muddooyin kala duwan:
- Maxaddada Malminkartano tareenadu ma istaagayaan inta u dhaxeysa 3.5–6.9.
- Maxaddooyinka Kannelmäki iyo Pohjois-Haaga tareemadu kuma istaagayaan inta u dhaxeysa 1.6.–9.8.
Basas ayaa kabaya gaadiidka tareemada inta ay go'anyihiin oo dhan
Inta tareemadu ay go'anyihiin:
- Basaska 37, 40 iyo 400 ayaa in ka badan inta imika ay socdaan soconaya.
- Maxaddada uu ku dhamaado baska 52 waxaay ka soo wareegaysaa Kuninkaantammi waxeeyna u soo wareegaysaa Myyrmäki.
- Baska 401X ayaa dhex soconaya maxaddooyinka Myyrmäki iyo Pasila inta u dhaxeysa. Waxaa halkaas ka soo baxaysa fursad lagu gaadhayo tareemada Pasila ka baxaya.
HSL: Gaadiidka kabista ah 2026–2027 (af ingiriis)(Link leads to external service)
Marka dib u habeyntu ay dhammaato maxaddooyinku waxaay noqonayaan kuwo sida imika ay yihiin ka ammaan badan
Saddexda maxaddo ee dib u habaynta lagu sameynayo waxaa la dhisay 1970- kii. Da'dooda ayaa keentay inay dib u habayn ay u baahdaan. Dib u habayntu marka ay dhamaato waxaa kordhaysa ku raaxeysiga, ammaanka iyo xayiraad la'aanta maxaddooyinka.
Maxaddada Malminkartano waxaa laga sameynayaa dib u habaynno waxaana la cusboonaysiinayaa sawirada ku yaalla darbiga tannalka. Isla markaas waxaa la cusboonaysiinayaa kuraasta, weelka qashinka iyo dhirta ku beeran.
Maxaddada Kannelmäki dhismaha ku yaalla ee maxaddada waa la burinayaa. Dhismayaasha soonaha kaabadda iyo briijka waa la cusboonaysiinayaa. Nalka maxaddada, hagitaanka iyo xayiraad la'aanta waa la kobcinayaa.
Maxadada Pohjois-Haaga waxaa laga dayactirayaa soonaha kaabadaha nalalkana waa la cusboonaysiinayaa.
Shaqada jidka tareenka laga qabanayo ayaa saameynaya gaadiidka tareemada ee Galbeedka Helsinki
Xagaaga 2026 waxaa dib u habayn lagu sameynayaa biriijka kor mara Hämeenlinnanväylä iyo jidka tareenka ee u dhaxeeya Huopalahti iyo Ilmala maxaddooyinka u dhaxeeya ee Galbeedka Helsinki. Dib u habayntaasi waxaay keenaysaa in tareemada A aanay ku istaagin maxaddooyinka Valimo iyo Pitäjänmäki iyo Mäkkylä oo Espoo ah 1.6. iyo 9.8. inta u dhaxeysa.