
Ka sokow soonaha bannaanka iyo biraha la koro ee dheesha, waxaa jardiinooyinka Helsinki ay leeyihiin meelo gudaha ah. Jardiinooyinka ciyaartu waxaay furanyihiin Isniinta illaa iyo Jimcaha, waxqabadku waa lacag la'aan, umana baahna qofku inuu iska diwaan galiyo. Waxaasi xor ah loogu ciyaari karaa bannaanka jardiinooyinka Sabtida iyo Axadda.
Jardiinooyinka ciyaarta ee Helsinki waxay xagaaga siiyaan qoysaska carruurta leh iyo ardayda dugsiga waxqabadyo kala duwan, oo la hagayo waxqabadyada dhammaantoodna ku jira jawi ammaan ah. Shaqaalaha xirfadda leh ee jardiinada ciyaarta ayaa carruurta iyo qoysaska dartood u jooga goobta.
Hel jardiinada ciyaarta ee kuugu dhow ee ku habboon cinwaankaaga (af ingiriis)
Fiiri, jardiinooyinka ciyaarta ee xagaaga furan (af ingiriis)
Qado lacag la'aan ah inta ka yar 16 sano jir
Dhammaan carruurta kayar 16 sano waxay jardiinada ciyaarta ka helayaa xagaaga cunto diirran maalmaha shaqada, saacadda 12. Waxaa cunto-cunista jardiinada la qabanqaabainayaa inta u dhexeysa 2.6.-1.8.2025.
Waxaa cunto-cunista xagaaga lagu qabanqaabiyaa dhammaan jardiinooyinka ciyaarta ee furan (marka laga reebo jardiinada ciyaarta ee Loru ee ku taal maktabadda dhexe ee Oodi). Cunuggu waa in uu wataa marka uu cunto-cunista u imaanayao saxankiisa, koob iyo malqacad. Biyo ayaa la cabayaa.
Kafateeriyada Tänään tavataan
Jardiinooyinka ciyaartu waa goobaha ugu fiican ee ay carruurta iyo dadka waaweyn ku baran karaan dad cusub.
Jardiinooyinka waxaa lagu qabanqaabiyaa kafateeriyada Tänään tavataan (Maanta ayaan kulmaynaa), kuwaas oo qoysaska ka soo kala jeedo dhaqamo kala duwan ay wakhtiga ku qaadan karaan kuna baran karaan afka finnishka. Waad imaan kartaa kafateeriyada adigoo ilmahaaga wata ama kaligaa ah.
Kafateeriyada Tänään tavataan waxaa lagu qabanqaabiniyaa Inta u dhexeysa Isniinta iyo Jimcada jardoonooyinka dheesha oo kala duwan.
Ku soo dhowaada oo ku dheela kuna raaxaysta jardiinooyinka ciyaarta ee magaalada idinka oo qoyska oo dhan ah!