Helsinki ma taageersana in wakhtiga shaqo doonista lagu xadeeyo saddex bilood

Magaalada Helsinki waxay xukuumadda Finland u gudbiysa fikradddeeda rasmiga ah ku aaddan isbeddelka la soo jeediyay in lagu sameeyo sharciga ajaaniibta. Magaaladu ma taageersana soojeedinta xukuumadda ee ku saabsan in wakhtiga ilaalada ah ee sharciga lagu bixiyo shaqada lagu xadeeyo saddex bilood.
Koox dad ah oo kambuyuutar fiirinaysa. Waxaa gadaal ka muuqata Kaniisadda katedraalka ee Helsinki.
Magaalada Helsinki waxay si firfircoonaan leh u horumarisaa u soo guurista waddanka ee shaqada ku salaysan iyo in dadka Finland u soo guuray ay la qabsadaan caasimadda. Photo: Matti Pyykkö/Helsinki Partners

Xukuumadda Finland waxay qorshaynaysaa isbeddello lagu samayanayo sharciga ajaaniibta. Sida uu dhigayo hindise-sharciyeedku, waa in qofka Finland ku jooga sharrciga degganaanshaha ee shaqada ku salaysan uu shaqo cusub ku helaa saddex (ama marka xaaladaha qaar lagu jiro lix bilood) bilood gudohood, haddii uu shaqo la'aan noqdo. Haddii aanu qofku shaqo ku helin inta lagu jiro wakhtiga cayiman, Hoggaanka socdaalku (Migri) waxay kala laaban kartaa sharcigiisa degganaanshaha dalka.

Magaalada Helsinki waxay xukuumadda u gudbisay fikrad rasmi ah oo ay aanay ku taageereyn beddelista sharciga. Magaaladu waxay saddex bilood u aragtaa mid ku yar in shaqo lagu helo. Helsinki ma lumin karto dadka iyada deggan ee ku jira da'da shaqada, sababtoo ah inta badan koritaanka caasimaddu wuxuu ka yimaadaa u soo guurista dalka.

Helsinki waxay doonaysaa in ay sida ugu macquulsan u noqoto magaalo caalami ah, furan dadka iyada deggan oo dhanna xor u ah. Waxaan si firfircooni leh u samaynaynaa shaqo lagu horumarinyo u soo guurista shaqada ku salaysan iyo laqabsashada dadka Finland u soo guuray.

Saddex bilood waa wakhti ku yar in shaqo lagu helo

Sida ku cad hindise-sharciyeedka xukuumadda, saddex bilood waa ku filan in shaqo lagu raadsato, sababtoo ah waxaa inta badan shaqaalaynta la billaabaa inta lagu jiro xiriirka shaqada. Sida ku cad aragtida Helsinki, qofka shaqaalaha ah inta badan horay uma sii oga dhammaanshaha xiriirka shaqada. Shaqo raadintu waxay markaas billaabanaysaa marka uu xiriirka shaqada dhammaado kaddib. Waxaa intaas dheer, in marxaladaha qaar marka lagu jiro uu boroseeska shaqo qoristu qaadan karo wax ka badan saddex bilood.

Qofka shaqaalaha ayaan sidoo kale lahayn aqoonta shaqo raadinta oo ku filan in uu si degdeg ah shaqo ugu helo. Wanaajinta aqoonta shaqo raadinta ayaa qaadan kara inta badan wakhtiga saddexda bilood ah ee shaqo raadista. Wakhtiga shaqo raadinta ee dheer wuxuu sare u qaadi lahaa fursadaha uu qofka shaqo raadiyaha ah ku shaqaaloobayo.

Haddii qofka shaqaalaha ee Finland ku joogaa shariga degganaanshaha ee shaqada ku salaysan uu shaqadiisa waayo, waa in si uu degdeg ah ku helaa shaqo cusub. Shaqada sida degdegga ah lagu keensaday waxay leedahay halis ah, in si aan dalka looga saarin uu qofka shaqaalaha ah qaato shaqo ka hooseysa heerkiisa aqoonta.

Waxaa intaas dheer in qofka shaqo codsadaha ah saddexda bilood ee loogu qabtay diyaargarowga uu ku yaryahay, haddii ay beddelista shaqada ay ka dhalanayaan isbeddello ku imaanaya deegaanka, goobta xannaanada carruurta ama dugsiga.

Finland waa in ay noqotaa dal soo jiita shaqaalaha

Magaalada Helsinki waxay qabtaa, in u soo guurista dalka ee shaqada ku salaysan ay lagama maarmaan u tahay dhaqaalaha iyo bulshada Finland. Helitaanka xoogga shaqaaluhu waa mid kamid ah dhibaatooyinka waaweyn ee ay Finland wajahayso mustaqbalka dhow. Koritaan ayeey wanaajinta dhaqaalaha guud u baahantahay.

Kobaca dhaqaaluhu wuxuu kunsanadeedka hadda lagu jiro ku salaysnaa dal u soo guurista. Waa in la taageeraa shaqo darteed ugu soo guurista iyo u degista Finland ee ma ahan in la xadeeyo. Xukuumaddu waa in ay xaqiijisaa, in Finland aanay lumin shaqaalaha aqoonta leh iyo sumcaddeeda ah in ay tahay dal laga shaqeeyo oo soo jiidsasho leh.

Helsinki waxay u aragtaa, in hindise-sharciyeedku uu yareynayo soojiidashada Finland, shaqaynta suuqa shaqada iyo u wareegista shaqaalaha ee suuqa shaqada. Waxyeellada sumacadeed ee uu Finland u keenayo hindise-sharciyeedka xukuumaddu waa mid ka weyn faa'iida laga yaabo in laga helo isbeddellada la soojeediyay. Danta Finland waa, in shaqaalaha ajanbiga ah uu shaqo helo dalkana uu joogi karo.