
Xeebaha dabaasha
Helsinki waxaa ku taal 26 xeebaha dabaasha ee dadweynaha ah, kuwaas oo aad lacag la'aan ku isticmaali karto. Xeebaha dabaasha ee waaweyn waxaa heegan ahaan uga shaqeeyo badbaadiyayaasha xeebta 2.6–10.8. Xeebaha dabaasha intooda badan waxay ku yaalaan xeebaha badda.
Ku dhowaad dhammaan xeebaha dabaasha waxaa ku yaal qolalka yaryar ee dharka, musqulo iyo qubays bannaanka ah. Waxaa xeeba badan laga helaa sidoo kale kafateeri ama dabakaayo, goob ay carruurtu ku dheesho, jiimka bannaanka iyo garoon kubbadeed.
Marka aad booqasho ku timaado xeebta, ka hubi inta ay biyuhu qodan yihiin kaartada sabuuradda ogeysiisyada. Iska ilaali meelaha sida degdegga ah moolka degdegga ah dheeraad ee xeebta (af finnish waxaa lagu dhahaa: äkkisyvä) Waxaad sidoo kale sabbuuradda ogeysiisyada ku arkaysaa, haddii aan lagu talinayn in xeebta lagu dabaasho tayada biyaha oo xun darteed.
Waalidka ayaa ka mas'uul ah ilmihiisa. Ku hay carruurta biyaha ku jirta meel laga arki karo dhammaan inta aan dabaasha aqoonna meel ay gacantu ka gaarto.
Xeebaha Helsinki waxaa xilliga xagaaga lagu arkaa aljigga buluugga ah oo sun noqon kara. Horay u sii hubi xaaladda markaas jirta ee ku saabsan aljiga. Haku dabaalan xeeb lagu arkay aljiga buluugga ah.
Waxaa xagaagan lagu qabanqaabinayaa xeebaha dabaasha dugsiyo dabaal oo lacag la'aan ah, kuwaas oo ay tahay in horay la isaga diiwaangeliyo. Koorsooyinka dabbaasha waxaa la qabanqaabinayaa bilowga Juun illaa Agoosto waxaana lagu qabanqaabinayaa xeebaha Aurinkolahti, Hietaranta iyo Palettilampi. Wakhtiyada dugsiyada dabaasha macluumaadkooda faahfaahsan ee goobaha iyo hagitaanka isdiiwaangelinta waxaad ka heleysaa bisha Juun bogaggeena shabakadda.
Dugsiyada dabaasha ee xaabaha (af finnish iyo ingiriis)(Link leads to external service)
Xeebaha dabaasha iyo berkadaha dabaasha (af ingiriis)
Berkadaha dabaasha
Haddii biyaha baddu ay aad u qabow yihiin ama ay cimiladu dhaxan leedahay, waxaa wanaagsan in la aado berkadaha dabaasha aan dadnayn ee Helsinki. Berkadda dabaasha ee Kumpula iyo Istaadiyoonka dabaasha (Uimasatdion). Berkadaha dabaasha waad ku dabaalan kartaa, sawno ayaad ku geli kartaa, wakhtiga ayaad ku qaadan kartaa, isboorti ayaad ku samayn kartaa cunto fudud iyo qadana waxaad ka iibsan kartaa kafateeriyada.
Barkadaha dabaasha ee aan dadnayn waa lacag, tusaale ahaan halkii mar waa 6 yuuro.
Carruurta iyo dhallinyarada reer Helsinki ee u 7–19 sano jiryada ay waxay xagaaga 2025 lacag la'aan ku gelayaa berkadaha dabaasha ee aan dadnayn, sababtoo ah golaha deegaanka ee Helsinki ayaa sidaas ku go'aamisay munaasabaddii lagu maamuusayay 150 sano guuradeeda. Waxaa gelitaanka loogu baahanyahay kaarka xubinnimada adeegyada dhallinyarada ee lacag la'aanta ah, kaas oo uu mas'uulka cunuggu uu shabakadda uga diiwaangelinayo cunugga.
Berkadaha dabaasha waxaa ka jira nidaam lamid ah kan hoolalka dabaasha, tusaale ahaan qubaysashada iyo dharka dabaasha ku habboon.
Xusuusyo wanaagsan oo lacag la'aan ah oo loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada reer Helsinki sannadka oo dhan (af soomaaliga)
Hoolasha dabbaasha ee magaalada Helsinki ayaa dhawaan furmaya, sidan ayaad si fudud uga daneysan kartaa hoolka dabbaasha (af soomaaliga)
Jimicsi ciyaareedka lacag la'aanta ah ee jardiinada
Magaalada ayaa xagaaga bannaanka ku qabanqaabisa jimicsiyo ciyaareed lacag la'aan ah. Jimicsiyo ciyaareedka laga jecelyahay waxaa dhinacyo kala duwan oo Helsinki ah lagu qabanqaabiyaa laga billaabo Juun iyo illaa iyo bartamaha Agoosto.
Looma baahna in horay la isaga diiwaangeliyo jimicsi ciyaareedka. Waxaad ka qaybqaadan kartaa marka ay adiga kugu habboontahay. Waxaa wanaagsan in jimicsi ciyaareedka jardiinada loo soo qaato salliga jimicsi ciyaareedlka. Lama qabanqaabiyo jimicsi ciyaareedka marka uu roobku da'ayo.
Jimicsiga ciyaareedka waxaa lagu sameeyay dhaqdhaqaaqyo fudud, kuwaas oo uu haguhu tusaale ahaan kuu tusayo. Qof kasta wuxuu jimicsi ciyaareedka uga qaybqaadan kartaa inta awooddiisa.
Jimcis ciyaareedka jardiinada (af ingiriis)(Link leads to external service)