Maktabadaha magaalada Helsinki waxay dadka ku soo jiitaan noocyo badnaantooda

Finnishku waa isticmaalayaasha maktabadda ee Yurub ugu firfircoon, taasina la yaab ma ahan! Maktabaduhu dadka oo dhan ayeey u furan yihiin, tegistoodu wa lacag la'an waxaana laga helaa ka sokow wax akhriska waxyaabo badan oo kala duwan oo la sameeyo. Akhri afar talo oo aad sidii hore si ka fiican uga faa'iidaysan karto maktabadaha.
Asiakkaat lukevat lehtiä kirjastossa.
Waxaad maktabadda u imaan kartaa akhrinta jaraa'idyada ama isticmaalidda kambuyuutarada maktabadda. Sawir: Suvi-Tuuli Kankaanpää/Keksi Agency

Waxaa Helsinki laga helaa isugeyn 38 maktabadood iyo labo baabuur maktabadeed oo xaafadaha magaalada ee kala duwan ku wareegga.

Maktabadaha Helsinki waa qayb ka mid ah shabakadda maktabadaha Helmet ee ka dhexeeya soonaha caasimadda, taas oo ay ka sokow Helsinki ku jiraan maktabadaha magaalooyinka Espoo, Kauniainen iyo Vantaa. Haddii aad heysato kaarka maktabadda Helmet, waxaad buugaag ka amaahan kartaa maktabadaha Helmet oo dhan.

Wakhtiga ayaad ku qaadan kartaa maktabadda buugaan ama agabyada kalana waxaa u amaahan kartaa guriga. Waxaa kale oo gudaha maktabadda ka dhaca waxyaabo kale oo badan.

1. Luqaddaada ku amaaho buugaagta

In ka badan 1000 buug oo af Soomaali ku qoran ayaa ku jira agabka maktabadda yaal. Waxaad ka heleysaa kuwaas Maktabadda luqadaha badan (Monikielinen kirjasto) ee ku dhextaal maktabadda Pasila (Pasilan kirjasto), kuwaas oo xitaa lagu fidiyay maktabadaha kale ee Helsinki. Waxaad sidoo kale maktabadda shabakadda ee Helmet ka raadin kartaa buugaag, jaraa'idyo iyo codad duuban oo luqadda Soomaali ah kaddibna si lacag la'aan ah ayaad u dalban kartaa in maktabaddaada laguugu keeno.

Ka raadi agabyada af Soomaali ah bogagga shabakadda Helmet (af ingiriis)(Link leads to external service)

2. Ballanso qolal, qalab iyo agab

Wax kasta inaad adigu yeelato daruuri ma ahan. Ka sokow buugaagta iyo jaraa'idyada, waxaad kaarka maktabadda gurigaaga ugu amaahan kartaa tusaale ahaan makiinadda wax lagu dalooliyo, kabaha barafka lagula dul taraaraxo, qalabka cabirka garaaca wadnaha ama qalabka muusikada. Agabyada maktabadaha yaal waa kala duwan yihiin.

Miyaad doonaysaa in aad koox ahaan u shaqaysaan, shir qabsataan, harqaan ama daabacaadda 3D isticmaasho, muusik garaacdo ama iskudubariddo fiidiyowyo? Waxaa maktabadaha laga helaa qolal iyo qalab badan oo aad si lacag la'aan ama qiimo jaban ah uga ballansan karto Varaamo.

Ka fiirfiiri agabyada la amaahan karo maktabadda shabakadda Helmet (af finnish)(Link leads to external service)
Ka ballanso qolal iyo qalab Varaamo (af ingiriis)(Link leads to external service)

3. Habab kala duwan ku baro luqadda finnishka

Sow finnish yar ma taqaanid? Ka qaybgal kafateeriyada luqadda ee maktabadda! Waxaad kafateeriyada luqadda ku horumarin kartaa aqoontaada afka finnishka adigoo kula sheekeysanaya ka qaybgalayaasha kale.

Finnishka fasiixa ah waa af finnish fudud. Akhrinta buugaagta iyo jaraa'idyada ku qoran luqadda fudud (selkokirja) waa hab wanaagsan oo lagu horumariyo aqoonta luqadda. Maktabadda ayaa ka amaahan kartaa buugaagta ku qoran luqadda fudud. Waxaad maktabadaha Itäkeskus (Itäkeskuksen kirjasto) iyo Viikki (Viikin kirjasto) uga qaybqaadan kartaa kooxda akhrinta fudud. Waxaa kooxda akhrinta fudud lagu xushaa bil kasta buug cusub oo luqad fudud ku qoran. Ka qaybgalayaasha ayaa buugga ku soo akhrinaya guriga kaddibna inta isu yimaadaan ayeey ka sheekeysanayaan buugga.

Ka fiirfiiri kafateeriyada luqadda kalantarka dhacdooyinka (af ingiriis)(Link leads to external service)
Ka fiirfiiri buugaagta ku qoran luqadda fudud maktabadda shabakadda Helmet (af finnish)(Link leads to external service)
Ka raadi kooxaha akhrinta fudud kalantarka dhacdooyinka (af finnish)(Link leads to external service)

4. Wakhtiga kula qaado carruurta maktabadda

Carruurta iyo qoysaskuba waa kuwa markasta lagu soo dhoweynayo maktabadda si ay wakhtiga ugu qaataan, ugu dheelaan waxna ugu akhristaan. Waxaa kaarka maktabadda la heli karaa laga soo billaabo da'da ilmaha yar. Cunuggu wuxuu helayaa kaarka maktabadda, marka uu la codsado mas'uulkiisa. 

Maktabadaha Helmet oo wadashaqeyn la samaynaya shirkadaha buugaagta daabaca ayaa sannad-dugsiyeedkan ugu deeqaya arday kasta oo fasalka koowaad soonaha caasimadda ku jira buug. Buugga hadiyadda ah ee luqadda finnishka ku qoran waa buugga Vilma ja Kuris ee ay qortay Malin Klingenberg ayna sawirrada u samaysay Margareta Sandin. Maktabaddu waxay doonaysaa in ay dhowrto aqoonta wax akhrinta ee carruurta iyo in ay qoysaska ku dhiirrigeliso in ay wadajir ah guriga wax ugu akhriyaan. Fasalka kasta ee koowaad ee Helsinki wuxuu booqdaa maktabadda u dhow, halkaas oo carruurta looga soo qaadayo buugaagta. 

Sidan ayaad cunugga ugu samayn kartaa kaarka maktabadda (af finnish)(Link leads to external service)