Kahortagga infakshannada ee barbaarin-horaadka iyo guriga – macluumaad loogu talagalay mas’uuliyiinta carruurta

Carruurta waxaa ku dhaca cudurada infakshanka ah oo ka badan kuwa ku dhaca marka guriga lagu xannaaneeyo. Aqri sida waxqabad fudud looga hortegi karo looguna yarayn karo cudurada la kalaqaado iyo weliba wakhtiga uu cunuggu ku soo laaban karo barbaarin-horaadka jirrada infakshanka ah kaddib.

On this page

Carruurta ku jirta barbaarin-horaadku waxay qaadaan cudurada infakshanka ah oo ka badan carruurta guriga lagu xannaaneeyo. Waxaa cudurada la kalaqaado looga hortegi karaa laguna yarayn karaa waxqabadyada fudud ee hoos lagu sheegayo marka guriga la joogo iyo barbaarin-horaadkaba. Waxaa taas ka faa’iidaya carruurta, qoysaskooda, shaqaalaha barbaarin-horaadka iyo bulshada.

Maxay tahay in lagu xisaabtamo marka lagu jiro kahortagga infakshannada?

Nadaafadda gacmaha

Ku dhaq gacmaha biyo diirran iyo saabuun si fiicanna u qallaji

  • marka barbaarin-horaadka la imaanayo marka guriga lagu laabto
  • isticmaalista musqusha (WC) kaddib
  • cunto cunista kahor
  • kun tullaan ulkoa sisälle marka bannaanka laga yimaado oo gudaha la soo galo
  • marka ay gacmaha ku taal wasakh muuqata
  • siiminta diifka, quficidda iyo hindhisidda kaddib.

Haddii aanay gacmuhu lahayn wasakh muuqata, waxaad dhaqista gacmaha beddelkeeda ka caawin kartaa kuna ilaalinta cunugga isticmaalista jeermisdilaha gacmaha. Lama dhigi karo jeermisdilaha gacmaha meel ay carruurtu gaari karaan.

THL:n tulostettava käsienpesuohje (Hagista dhaqista gacmaha ee la daabacan karo ee THL)

Ka dhig ciddiyaha cunugga kuwa gaaban.

Quficidda iyo hindhisidda

Bar cunugga in uu ku qunfaco ama hindhiso mandiilka halkamar la isticmaalo. Waxaa mandiilka toos loogu ridayaa qashinka marka la isticmaalo kaddib.

Haddii aan mandiil la heli kara, bar cunugga in uu ku qunfaco ama hindiso gacanta dharka ama laabada xusulka.
THL:n tulostettava yskimisohje (Hagista quficidda ee la daabacan karo ee THL)

Alaabta carruurtu ku ciyaarto

Ku nadiifi alaabta carruurtu ku ciyaarto guriga kahor inta aadan keenin barbaarin-horaadka iyo markale maalinta kaddib.
Haddii aan alaabta carruurtu ku ciyaarto aan la dhaqi karin, ka saar ciyaarta muddo todobaad ah.

Ku dadaal nadaafadda iyo dhaqista boombalaha carruurta ee lagu seexdo.

Cinjir afeedyada

Ku nadiifi cinjir afeedyada guriga. Keen barbaarin-horaadka cinjir afeedyo magac lagu qoray, nadfiif ah kuna jira qasac nadiif ah.

Dhalada biyaha

Waxaa wanaagsan in dhalada biyaha ee cunugga maalin kasta lagu dhaqo guriga.

Cadayidda ilkaha

Ku caday ilkaha cunugga guriga subaxdii iyo habeenkii. 

Haddii uu cunuggu ku hoyanayo goobta xannaanada, waa loo cadayayaa subaxdii iyo habeenkii.

Tallaalada cunugga

Rugta daryeelka dhallaanka iyo hooyada ayaa lagu siinayaa tallaalada barnaamijka tallaalka qaranka ee cunugga ka difaacaya 13 cudur oo kala duwan iyo cudurada dambe ee laga qaado.

Tallaalka infuluwansaha ee sannadlaha ah ayeey kuwaani ku jiraan illaa iyo inta uu cunuggu ka gaarayo 6 sano.

Bukooshada cunugga

Waxaa jirta sababta looga maqnaan karo barbaarin-horaadka, haddii ay xummad hayso cunugga ama uu leeyahay calaamado kale oo muujinaya in aanu ka qaybqaadan karin waxqabadka.

Waxaa wanaagsan in uu guriga joogo marka ay ka soo muuqdaan calaamadaha xanuunka ee ugu koowaad. Cudurada infakshanka sida durayga ayaa aad loo kala qaadaa billowga cudurka.

Haddii loo baahdo, waxaa waalidka laga codsanayaa inay cunugga soo doonaan oo guriga u kaxeeyaan iyadoo maalinta xanaanada lagu jiro.

Waa in cunugga guriga lagu siiyo wakhti bogsasho oo ku filan jirrada kaddib, illaa iyo inta uu ka awoodayo ka qaybgalka waxqabadka barbaarin-horaadka.

Goormee ayuu cunuggu ku soo laaban karaa barbaarin-horaadka jirrada infakshanka ah kaddib?

  • Calaamadaha hargabka- durayga: Kama horistaagayo ka qaybgalka barbaarin-horaadka, haddii aanay saamayn ku lahayn caafimaadka guud ee cunugga.
  • Durayga, infuluwansa, korona, caabuqa dhegaha iyo indhaha: Marka ay xumaddu ka degto caafimaadka guud ee cunuggu u saamaxayo ka qaybgalaka waxqabadka barbaarin-horaadka.
  • Caabuqa indhaha: Baahida ka maqnaanshiyuhu waxay ku xirantahay quwadda calaamadaha. Caabuqa indhaha ee khafiifka ah dartiis uma baahna loo maqnaado. Waxaa lagu talinayaa in guriga la joogo inta lagu jiro wakhtiga uu fiishka xooggan socdo.
  • Calool xanuun, shuban iyo mantag: 2 maalmood kaddib marka ay calaamadaha xanuunku ka baaba’aan si looga hortago in isqaadsiin sii socoto. Waxaa gaar ka ah kuwaas waa EHEC, shigella io salmoneela, kuwaas oo marka ay jiraan lagula soo laabanayo barbaarin-horaadka habraaca waafaqsan hagista dhakhtarka qaabilsan cudurada la kala qaado.
  • Streptokokki A: caabuqa qumanka (angiina), iskaarlatina, infakshannada maqaarka: Marka ay xumaddu ka degto caafimaadka guud ee cunuggu u saamaxayo ka qaybgalaka waxqabadka barbaarin-horaadka. Ugu horreyn waa 24 marka ay ka soo wareegto billowga daaweynta antibiyootiga ah. Waxaa wanaagsan in barbaarin-horaadka lagu wargeliyo infakshanka streptokokki A.
  • Impetigo (imbetiigo): Ugu horreyn 24 saac marka ay ka soo wareegto billaabista antibiyootiga afka laga qaato ama 48 saacadoo antibiyootiga jirka la mariyo. Inta badan waxaa sababta bakateeriyada Staphylococcus ama streptokokki A.
  • Cudurka finanka afka, gacmaha iyo cagaha ka soo baxa, cudurka shanaad, busbus carruureed: Marka ay xumaddu ka degto caafimaadka guud ee cunuggu u saamaxayo ka qaybgalaka waxqabadka barbaarin-horaadka.
  • Cadho: Daryeelka koowaad kaddib. Waxaa wanaagsan in barbaarin-horaadka lagu wargeliyo cadhada la qaaday.
  • Gooryaan dirxiyeed: Uma baahna in la maqnaado. Waxaa wanaagsan in barbaarin-horaadka lagu wargelio gooryaan dirxiyeedka lq aaday.
  • Injirta madaxa: Daryeelka koowaad kaddib. Waxaa wanaagsan in lagu wargeliyo barbaarin-horaadka injirka madaxa ee la qaaday. Haddii injirta madaxa laga helo barbaarin-horaadka, uma baahna in cunugga loo wado guriga iyadoo lagu jiro maalinnimada xanaanada.
  • Xiiq-dheer: 5 maalmood kaddib billaabista antibiyootiga. Haddii billowga qufaca ay ka soo wareegto wax badan 21 maalmood, looma baahna in la maqnaado.
  • Moqorka iyo fiixyada kale: Uma baahna in la maqnaado.
  • Fayruska furuq biyoodka:
    • Cunugga aan laga tallaalin: illaa iyo inta ay toxobyadu ka qallalayaan. Waxay inta badan taasi qaadataa 5-6 maalmood oo ka billaabinaysa finanka kaddib.
    • Cunugga laga tallaalay: marka ay joogsadaan soo bixidda bocoolladu.
  • Shingles: waxaa daawo la doonan karaa haddii isbeddelka maqaarka la dabooli karo.
  • Nabarrada herbeska: Haddii aan xummad jirin, looma baahna in la maqnaado. Dhaqidda gacmuhu waa muhiim si aanu cudurku u fidin. Fayruska herbesku wuxuu carruurta kayar 3 sano u keeni karaa caabuqa afka oo xummad leh.