Injirtu waxay madaxa qofka kale u wareegtaa marka ay timaha qofka kale taabtaan qofka kale timihiisa, tusaale ahaan marka ay carruurtu ciyaarayso madaxooduna uu isu dhowyahay. Calaamadda qaadista cudurku waxay noqon kartaa cuncun maqaarka madaxa dhexdiisa ah. Waxaa kale oo suurtagal ah in lagu kala qaado madax gashiyada, shukumaannada, waxyaabaha timaha lagu qurxiyo iyo shanlada, laakiin kala qaadista aan tooska aheyn ma ahan mid caam ah. Qaadista injirtu kama dhalato bay’ad aan dhammaystirnayn ama nadaafadda qofka.
Ogaanshaha
Inta badan waxaa qaadista injirta lagu caddeeyaa helitaanka ugxaanta injirta ama qandhicilka ku dheggan timaha. Inta badan waxaa laga helaa dhegaha gadaashooda ama jeegada. Waxa ugu fiican ee lagu ogaado qaadistu waa in timaha oo qoyan loo shanleeyo si waafaqsan tilmaamaha soo socda.
- Waxaad u baahantahay shanlaha injirta oo aad farmashiyaha ka soo iibsan karto.
- Doobbo shaambada ku fidi timaha qoyan taas oo ka dhigaysa timaha mid si fudud loo shanlayn karo timaha raanta ahna waxaa lagu shanlaynayaa shanlo ama burushka ilka xooggan leh.
- Gadaal u shanlee timaha bartamaha dhalada madaxana ka samee kala qeybin.
- Ka billow shanlaynta foolka adigoo markiiba qaybqayb u shanlaynaya illaa iyo dhanka qoorta.
- Ka shanlee qayb kasta oo tinta ah laga soo billaabo jiridda tinta illaa iyo foodda tinta.
- Ku nadiifi shanlaha injirta shanlaynta iyo hubinta qayb kasta oo tinta ah kaddib kuna fiiri nal iftiin badan, in shanlaha ama warqadda nadaafadda ay injir ama qandhicil ku hareen iyo in kale. Haddii loo baahdo waxaa la kaalmaysan karaa muraayadda weyneysada ah.
- Ku socon nidaamkaas, illaa iyo inta qayb madaxa kamid ah laga shanleynayo kaddibna laga hubinayo. Tan kaddib waxaa loo gudbayaa qaybta kale ee madaxa.
Qaadista injirta maduxu waa mid la hubo, haddii timaha laga helo hal injirta madaxa ah oo nool. Qandhicilka yacni ugxaanta injirtu inta badan waa calaamadda qaadista injirta. Ogeysiis! Qandhicilka dhintay waxay inta badan timaha ku haraan daaweynta guulaysatay kaddib in muddo ah.
Daryeelka
- Qoyska oo dhan waxaa lagu sameynayaa baaritaanka injirta si waafaqsan tilmaamaha kor lagu soo sheegay. Daaweynta ka saaridda ah waxaa lagu sameynayaa dadka la caddeeyay in ay injirtu gashay. Waxaa qoyska oo dhan la daaweynayaa oo kaliya, haddii qofka sameeyay baaritaanku aanu si fiican u hubin, in uu gartay ama helay injirta madaxa ama qandhicilka.
- Dadka injirta qaaday oo dhan waxaa laga daaweynayaa maalin iyo wakhti isku mid ah.
- Farmashiyaha waxaa laga helaa daawooyin loogu lagu saaro injirta madaxa. Noocyada ay Dimetikonia (waxay ku habboon tahay dadka oo dhan da’ kastaba oo ay jiraanba) ku jirta ayaa la hubaa in ay si fiican u saameynayaan. Shaambada daawada ah (waxaa loogu talagalay dadka ka weyn 6 bilood, maadada ku jirtaa waa permetriini) waa la tijaabin karaa, laakiin awoodda difaaca ay injirtu daawadan u leedahay waa ay korortay.
- Ku celi daaweeynta lagu dabargoynayo 7-10 maalmin kaddib, xittaa haddii hagitaanka daawada aanu sidaas ku talinayn.
- Qandhiciladu waxay qolof dillaacsadaan 10 maalmood gudohood marka ukun ahaan loo dhalo, sidaas darteed daaweynta saaridda ah kaddib waxaa muhiim ah in shanlada injirta maalin kasta lagu shanleeyo si daaweyn ay u guuleysto. Shanleynta injirta waxaa loo sameynayaa si waafaqsan tilmaamaha shanleynta ee loogu talagalay ogaanshaha injirta kor lagu xusay. Ku shanleynta shanlada injirta waxaa la sii wadayaa ugu yaraan muddo labo todobaad ah ka billaabanysa ogaanshaha qaadista.
- Haddii daaweynta labaad kaddib timaha laga helo injir nool, daaweynta ayaan guuleysan daaweynta saariddana waa in la cusboonaysiiyaa shanleynta injirtana waa in la sii wadaa.
- Daaweynta kaddib waxaa weli timaha laga heli karaa qandhicil. Haddii ay ka fog yihiin maqaarka madaxa (inta badan ay qiyaasti 1 sm u jiraan madaxa) waxay aad ugu dhowdahay in ay yihiin ugxaan faaruq ah ama dhimatay arrintuna ma ahan daaweyn guuldareysatay.
Nadaafadda
Injirta madaxa ee qaangaarka ahi ma noolaan karto nafaqo la’aan yacni dhiigga qofka wax ka badan dhowr maalmood, sidaas darteed, looma baahna nadaafad dheeraad ah. Waa in lagu dadaalaa nadiifnimada alaabaha taabta ama timaha loo isticmaalo.
- Alaabta lagu taabtay timaha ay injirtu gashay (tusaale buraashka, shanlaa, shukumaanka, madax gashiyada, waxyaabaha timaha lagu qurxiyo) lama isticmaalayo muddo labo maalmood ah ama waxaa maalin kasta lagu nadiifinayaa biyo kulul (+60°C) ugu yaraan muddo 30 ilbiriqsi ah.
- Dharka sariirta waxaa labada mar ee daaweynta la sameynayo lagu beddelayaa kuwa nadiif ah. Dharka sariirta ee la isticmaalay waxaa lagu dhaqayaa sida caadiga ah barnaamijka dhaqista ee 60°C.
- Nadiifinta dharka, alaabta guriga, roogagga ama gudaha baabuurku muhiim ma ahan.
- Looma baahna in guriga lagu shubo sunta cayayaanka.
Ka maqnaanshaha qofka injirta qaaday barbaarin-horaadka ama dugsiga
- Waxaa lagu talinayaa, in barbaarin-horaadka, dugsiga iyo waalidiinta saaxiibada si degdeg ah loogu wargeliyo marka injirta uu qofku qaado, si dadka ay ku dhacday oo dhan looga fiiriyo loogana daaweeyo.
- Haddii injirta lagu ogaado barbaarin-horaadka ama dugsiga, looma baahna in maalinnimada cunugga guriga loo diro. Marka injirta la helo kaddib waa in sida ugu dhakhsaha badan loo sameeyo daaweynta injirta lagu saarayo.
- Cunuggu wuu aadi karaa xannaanada ama dugsiga maalinta ku xigta maalinta daaweynta la billaabay. Koofiyadaha iyo qoor-xirka la gelinayaa gacanta jaakadda.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan injirta madaxa
Injirta madaxu waa cayayaan 1-4 mm, xagafsan midab dambas ah leh oo aan baalal laheyn. Xoolaha gurijoogtada ahi ma qaadaan injirta dadka dadkuna ma qaadaan injirta xoolaha gurijoogtada ah. Injirta maduxu waxay nafaqo ahaan u ku nooshahay dhiigga dadka waxay noolaataa qiyaastii muddo bil ah. Injirtu waxay timaha dhexdooda ugu dhex socotaa si degdeg ah, laakiin injirtu maba ku socoto meel ka baxsan jirka dadka, ma duusho mana booddo waxay nafaqo la’aan u dhimataa dhowr maalmood gudohood. Qandhicilka wareegsan ee leh midab dhalaalaya oo dambas ah oo qiyaastii 1 mm ah islamarkaasna u eg sida jariiirta yacni ukunta injirtu wuxuu qolof dillaacsadaan 10 maalmood kaddib marka ukun ahaan loo dhalo. Qandhicillada nool waxay si xooggan ugu dheggan yihiin timaha, waxayna inta badan u jiraan maqaarka madaxa wax kayar 6 mm. Qolofka cad ee ukunta ee faaruqa ah waxay marka ay timuhu baxaan kor uga sikataa maqaarka madaxa. Meesha ay ukuntu taalo ayaa laga garan karaa in ay tahay ukun nool ama dhimatay ama in ay tahay qolofta ukunka oo dhimatay.