Qaadista gooryaan dirxiyeedku wuxuu cuncun daran ku keenaa agagaarka malawadka ama daloola futada. Qaadista gooryaan dirxiyeedku waa mid aan inta badan lahayn wax calaamad ah oo lagu garto. Waxaa qaadista gooryaan dirxiyeedka lagu daaweeyaa daawada gooryaanka ee kaniiniga ah.
Muxuu yahay gooryaan dirxiyeedku?
- Qaadista gooryaan dirxiyeedku (afka latinka waa Enterobius vermicularis) waxay ku badan yihiin carruurta u dhexeysa 3-10 sano, laakiin waxaa sidoo kale qaadi kara carruurta intaas ka weyn iyo dadka qaangaarka ah.
- Gooryaan dirxiyeedka waxaa lagu arkaa dadka oo kaliya. Waxay ku noolyihiin mindhicirka qofka.
- Adoonka oo dhan ayaa laga arkaa gooryaan dirxiyeedka. Finland gudahdeeda, wuxuu sababaa cudurada caamka ah ee caloosha.
- Gooryaan dirxiyeedka caddaanka, dhererkiisu yahay 3-13 milimitir waxaa lagu arkaa indha caadiga ah. Ugxaanta indhaha kaligood laguma arki karo.
Qaadista iyo calaamadaha gooryaan dirxiyeedka
- Qaadista gooryaan dirxiyeedku wax xiriir ah lama lahan nadaafad xumo ama daryeel xumo.
- Ugxaanta gooryaan dirxiyeedka ayaa inta badan afka gala iyagoo soo raacaya gacmaha.
- Ugxaanu waxay mindhicirka dhexdiisa bil ku noqotaa gooryaan.
- Gooryaanku wuxuu ugxaanta ku dhalaan agagaarka malawadka gaar ahaan habeenkii.
- Xamaarashada gooryaanka iyo dheecaan dusha sare ee ugaaxnta ayaa cuncun daran ku keena agagaarka malawadka.
- Xoqitaanka ayaa keenaya in ugxaanta gooryaanku faraha iyo ciddiyaha hoostooda galaan sidaas darteedna ay si fudud markale afka u galaan. Ugxaanta dhexgdhegga ah ee gacmaha la socda ayaa ku dhegi kara alaabaha carruurtu ku ciyaarto, gacmaha albaabada laga qabsado, shukumaannada iyo dharka sariirta lagu goglo, taasina waxay keenaysaa in ay u sii wareegaan gacmaha dad kale.
- Ugxaanta gooryaan dirxiyeedku waxay iyagoo dadka ku dhici kara kaydsamaan tusaale ahaan dusha meelaha iyo dharka sariiraha maalmo badan iyo xittaa todobaadyo.
- Qaadista gooryaan dirxiyeedku waa mid aan inta badan lahayn wax calaamad ah oo lagu garto
- Gooryaan dirxiyeedyada qaarkood waxay ka sokow cuncunka keeni karaan xanuun futada ama caloosha ah.
- Calaamadaha ayaa inta abdan billowda 1-2 bilood kaddib marka ugxaanta ama ukuma la liqo kaddib.
Caddaynta
- Caddaynta qaadista waxaa ku filan, in agagaarka malawadka cunugga lagu arko gooryaan dirxiyeedyo qiaastii 1 sm ah, cad oo dhaqdhaqaaqaya. Gooryaannadu waxay u egyihiin cadad dun.
- Marka aanay xaaladdu kala caddayn, waxaa la qaadi saami shaybaar. Rugta caafimaadka ayaa samaynaysaa warqadda u gudbinta baaritaanka. Waxaa saamiga lagu qaadaa qorayga suufka leh maqaarka afka malawadka, maya saxarada. Haddii saamiga lagu qaadayo guriga, si sugan u raac hagitaannada qaadista saamiga ee aad heshay.
Daaweynta
- Waxaa qaadista gooryaan dirxiyeedka la caddeeyay lagu daaweyaa daawada gooryaanka ee kaniini ah. Pyrviiniembolaattia (Pyrvin®) waxaad ka heleysaa farmashiyaha iyadoo aan dhakhtar qorin. Raac hagista baakadda daawada ku jirta. Dhakhtarka ayaa qori karo daawada mebendatsoli (Vermox®). Labadooduba waxay leeyihiin saamayn xooggan.
- Dadka aan calaamadaha cudurka lahayn ee isla guriga la deggan waa la daawaynayaa.
- Daaweynta dadka guriga wada deggan dhammaantood waxaa la cusboonaysiinayaa labo todobaad kaddib.
- Dumarka uurka leh waxay isticmaali karaan pyrviini.
- Gooryaan dirxiyeedku waa kuwa aad ugu yar ilmaha dhallaanka ah ee aadka u yar. Marka uu cunuggu miisaan ahaan u dhowaado 10 kg, waxaa loo isticmaali karaa pyrviini.
Hawlaha nadaafadda iyo faya-dhowrka
- Ku dhaq gacmaha saabuun kaddib si taxaddar ah u qallajiyo, gaar ahaan isticmaalidda musqusha kaddib, kahor cunto-cunista iyo cunto karinta kaddib, iyo weliba dhardhaqista iyo nadaafadda kaddib.
- Ciddiyaha waa lagaabinayaa waana la nadiifinayaa.
- Guriga nadiifi dharkana dhaq maalinta ku xigta maalinta qaadashada daawada:
- Beddel dharka hoos hoos laga xirto, dharka jiifka, shukumaannada iyo dharka sariirta ee la isticmaalayay. Toos u geli dharka makiinnada dharka dhaqda iyadoo la iska ilaalinayo hurgufidda aan loo baahnayn. Waxaa lagu dhaqaa 60 digrii iyo/ama makiinnada dharka qallajisa.
- Beddel dharka hoos laga xirto subaxdii iyo habeenkii muddo todobaad ah.
- Huufaray joodariyada iyo firaashka joodariyada. Dhaq bustayaasha iyo barkimaha ama meel dhig oo qiyaastii muddo todobaad ah ha isticmaalin.
- Samee nadaafadda todobaadka ee caadiga ah: Huufaray oo dhulka iyo meelaha kale ee dusha ah ee guriga ku nadiifi marada nadaafadda oo qoyan.
- Si taxaddar ah u nadiifi meelaha la taabto ee musqusha iyo qolka qubayska.
- Ku dhaq alaabaha carruurtu ku ciyaarto maaddada wax lagu nadiifiyo ee guriga, dhaq boombalooyinka jilicsan. Yaan la isticmaalin muddo qiyaastii todobaad ah alaabaha carruurtu ku ciyaarto ee la dhaqi karin.
- Ku celi hawsha nadaafadda ah labo todobaad kaddib oo ah marka lagu jiro ku celinta daawenta.
- Mararka qaar waxay dabargoynta gooryaan dirxiyeedku u baahantahay daaweyn kuuro ah iyo nadaafad lagu celceliyo.
Qaadista gooryaan dirxiyeedka ee xannaanada ama dugsiga
- Qaadista gooryaan dirxiyeedku uma baahna in laga maqnaado barbaarin-horaadka ama dugsiga.
- Haddii cunug xannaanada lagu hayo laga helo gooryaan dirxiyeed, waa in shaqaalaha xanananada loo sheego.
- Gooryaan dirxiyeedku wuxuu qoysaska iyo barbaarin-horaadka u keeni karaa qaadis safmar ah. Marka uu safmar ballaaran ka dhaco xannaanada, dhakhtarka cudurada faafa qaabilsan ee Helsinki ku talin karaa, in isku wakhti la daaweeyo kooxda ah.
Qoraha tilmaanbixinta: Waxqabadka cudurada faafa
Waxaa laga yaabaa in aad xiisayso
Waxaa maqaalka lagu sheegayaa calaamadaha gooryaan dirxiyeedka, caddaynta, daaweynta iyo kahortagga.